ogadeni.com

ogadeni.com Cws all so dhawaw was mahadsnt

24/08/2025
17/02/2025
19/06/2024

DUlinimo Shaadh Xidhan

19/06/2024
19/06/2024

Reer Miyinimadu Waxay katurjumaysaa" muwaadinimada Qofka" sidoo kale waxaa ugu wacan miyinimada waa Gumaysiga udiiday noolashii Magaalada kii kasaari lahaaase inuu ku caayo waa udamiir xumo.

Xaqlayaasha Jig Jiga Marti kuma aha

Afhayeenka ONLF Abdulkadir Hassan Hirmoge Ayaa sidan yidhi.

07/03/2024

HOOYO

06/03/2024

Xeer ilaaliye Yaxye Maxamuud siciid, xeer ilaaliyihii Kiiska Luul inay Cadaalad helo Door weyn ka qaatay.

Mahadsanid, Qareen shacabka shacabka somaaliyeed

HAYNRAAFKA WAA LAGA TAGAA HEEGAN DIRIREEDQ.8aadWaxay inoo joogtay; markii h**e wax xanshaashaq ah ma aysan lahayd, eega'...
29/09/2023

HAYNRAAFKA WAA LAGA TAGAA HEEGAN DIRIREED

Q.8aad
Waxay inoo joogtay; markii h**e wax xanshaashaq ah ma aysan lahayd, eega'se hunnu hunnu ayaa hoos loo maqlaa, iyo cod aad moodo ruux afka maryo lagaga cufayay oo misena cabaadaya.

Way bilaabatay; hoo bariiska eegana.

Waxaan si uun ugu malayn hayaa, in ay yihiin dhaawac ay tagoogaha jabisay, saalbooyinkii uu Carab-dheere soo hurgufayay, amaba qaar ay tacshiirtii h**e sambabada kala baxday, xiidmohoodiina geedaha ku laalmeen, oo naf xumi ku jirto walina'se ayna ka haadin, say dooni ha ahaatee warkooda waa laheli si lagu ogaadaba.
Markan xaalku sidii h**e waa ka culus yahay, wuuna nagu adag yahay.

Waxaanu afka ooga soo galay niman ka diyaar garoobay, oo heegan ugu jira fal gaadma ah, oo aanu markale ugu soo rogaal celin karro.
Khasaarihii saacado ka hor soogaadhay, oo ay bishimaha la ruugayaan, tabo-barkii ciidannimo iyo khibradihii ay ka dhaxleen falal noocan oo kale ah ayay difaac adag noo sii galeen.

Dab xidh ayay nagu sameeyeen, labo af-dabayl iyo cijirle af-dhuub ah oo adimadu usii fidsanaayeen iyo qoryaha fudud ee sida daran dooriga udhaca ayaa noo diiday jaanis aanu ugu yaraan ku ogaano yoolka na haysta, haad ma haysato, oo ma cabbiri karno, meel ay xabbadanadu marayso, hiil k**a sugayno wiilashii qarrida saarnaa, badhi-duleelkii na caawiyay falkii h**e la'tage, oo jannadaa inoo ballan ah ayaanu isku macasalaamaynnay iyo nooli kulantee bar-kulankii Daakhate.

Jeclaan lahaynaa inay xabbada naga joojiyaan, annana aanu iska baxno!! Waa'se lama suureeyaan iyo si aan dhacaynin.

Bom ma iska gooyaa? Ayaan idhi iyo "awoowgaa la'gubye ha nagu xusuusinin" ayuu Cadde la'soo booday, iyo hagaag.

Hab nugayl ma fiicnee meel ay tabari na dhigta'ba waanu gaylamaynaa, oo gibil naxaa naguma jiro.
Waxaan ku sii dhiiranay heeska uu saaxiibkay ku dhuftay;
" jeex biro ka hadhay iyo jab finiina baanee, wadnahaygu jalawdiyo ma yaqaan juglayntee"
Maxamed Mooge Aun

Siduu habeenku noo caawiyay awgeed, ayay iigu soo duxaysa aayadii Eebbe Swt uu quraanka ku lahaa "Habeenka ayaanu hu'u idiinka dhigaynay" markaasaan u mahad celiyay.
Waxaan mar kale hoos isu idhi, oo dhirta miyaad iloowday gaashaanka kuu ah, Eebboow mahadaadu badan ayaan ku celiyay mar kale.

Bal suurayso hadii ay dharaar ahaan lahayd, goobtan aanu ku dagaalamayno oo gagi banaan ah, (siduu xaalkanagu ahaan lahaa).

Halkaa markay marayso ayaanu qorihii xidhanay, daqiiqado kadib ayay iyagiina xabbadii naga joojiyeen.

Waa inaanu dibu gurasho xeelaad dagaal samayno ayaanu hoose isoogu gudbinnay si aanu u baxno.

Xanshaashaqannagii iyo waxay maqleenba markale ayay sida karradha noogu hoobatay, Ilkacase halkii ayuu nagaga hadhay, oo saalbo PKM ah ayaa warjeeftay, wuuna shihiiday, Cadde oo dhaawac fudud ahna waanu labaxnay.

Lasoco qaybta xigta /xigasho cabdi fatax xasan addoon

Follow so dhaha dhamantiin

Address

Ogadenia
Jijiga

Telephone

+251945121212

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ogadeni.com posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ogadeni.com:

Share

Category