Misbaax Media

Misbaax Media Iftiinka Qalbigaaga iyo Maskaxdaada. Misbaax Media wuxuu ku siinayaa Diin, Xikmad, Dhiirigelin, iyo aqoon horumarineed oo noloshaada nuurisa.

Naga la soco Tubta Toosan.

🚑 Hospital Attack in Borama, Alleged Violation of International LawThe attached image appears to show the exterior of a ...
06/12/2025

🚑 Hospital Attack in Borama, Alleged Violation of International Law
The attached image appears to show the exterior of a building, identified as Borama Hospital (Emergency and Trauma Department), with visible damage, potentially indicating an attack.

We are deeply alarmed by reports that this medical facility was targeted by forces, allegedly by the Somaliland military.

Attacking a hospital is a grave violation of International Humanitarian Law (IHL), specifically the Geneva Conventions.

Protection of Medical Facilities: Hospitals, clinics, and all other medical units must be protected and respected at all times and cannot be targeted. They are designated safe zones.

Protection of Personnel and Wounded: Doctors, nurses, medical personnel, and, critically, wounded and sick civilians and combatants have the right to protection and treatment. Targeting them or the facilities they are in is an absolute prohibition.

Medical Neutrality: The principle of medical neutrality requires that medical services be provided impartially, without discrimination, and that medical personnel must be able to perform their duties without interference.

The visible damage in this image serves as evidence of a potential war crime.

These violations demand immediate and thorough action:

Independent Investigation: We call for an immediate, impartial, and independent investigation into the events surrounding the alleged attack on Borama Hospital.

Accountability: Perpetrators of such serious violations of IHL and human rights law must be held accountable.

Urgent Protection: Immediate measures must be taken to ensure the safety and protection of civilians, medical staff, and all remaining medical infrastructure in the region.

We call upon the following institutions to urgently review this situation:
United Nations

Human Rights Watch

Amnesty International

International Criminal Court - ICC
Misbaax Media

The Somaliland army under the command of President Abdir Rahman Irro killed 15 civilians and injured 61 people during a ...
05/12/2025

The Somaliland army under the command of President Abdir Rahman Irro killed 15 civilians and injured 61 people during a peaceful protest in Borama.

a war criminal, Abdirahman Irro is responsible for the massacre in Borama !!

Maxaa la sugayaa maanta waa dhabe
05/12/2025

Maxaa la sugayaa maanta waa dhabe


25/11/2025

💥SAMIRKA & ADKAYSIGA NAFTA💥

Samirku waa tiirka ugu weyn ee nolosha bani’aadamka. Waa aaladda qofka ka caawisa inuu u adkaysto duruufaha adag, isla markaana horay u socdo xilli kasta oo noloshu is beddesho. Samirka qofku wato wuxuu astaan u yahay addeecidda Alle, fahamka xaqiiqada adduunka iyo in qalbigiisu sugan yahay.

Samirku ma aha oo kaliya inuu qofku uusan caban; waa inuu qalbigoodu yeeshaa rajo, tawakkul, iyo kalsooni joogto ah. Waa astaanta muujisa go’aan qaadashada qofka oo aan marnaba ka noqon ficillada wanaagsan.

Diinta Islaamku waxay samirka ka dhigtay ilaaladda ugu weyn ee ruuxa, waana dariiq kasta oo wanaag leh oo lagu gaadho guusha aduun iyo aakhiro.

ILLAHAY (سبحانه وتعالى) Waxa uu yidhi:

بِسْمِ اللّٰهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيْمِ
وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ
[سورة البقرة – 155]

“U bishaaray kuwa samra.”

Aayadani waa dhambaal soo dejinaya dejinta qalbiga, waxayna qofka tusaysaa in wax kasta oo uu la kulmo aysan lumin doonin, balse ay jiraan abaal marin uu Alle u ballan qaaday kuwa samra. Samirku waa muraayadda ka tarjunta imanada qofka iyo sida uu ugu tiirsanyahay Abaalmarinta Eebbe oo runta ah.

Marka qofku dhibaato la kulmo, dhibtu maaha mid isaga oo keliya dhacday, balse waa tijaabo uu Alle ku barayo adkaysi, khibrad cusub, iyo inuu kasbado darajo ka sarreysa tii uu horay u haystay. Waa sababta culimadu u yidhaahdaan:
“Samirku waa hubka mu’minka.”

Haddii aan isweydiinno maxaa samirka muhiim u ah?
Jawaabtu si cad ayaa u muuqata:
Qofka samra wuxuu kasbadaa khayr aan la xadidi karin, waayo waxa lagu abaalmariyaa sida uu u camalo falo, qalbiguna uusan lumin rajo iyo tawakkul.

Gunaanad

Samirku wuxuu barayaa nafteenna in aysan degdegin, in aysan murugaysan, in aysan quusan, ayna ogaato in wax kasta oo nagu dhaca ay jiraan khayr iyo xikmad uu Alle ku xardhay.

Ducada dhammaadka

Ilaahayow samir wanaagsan na sii, qalbiyadeenna ku xooji rajo iyo tawakkul, nagana yeel kuwa ku hanuuna dhibaato iyo farxadba. Ilaahayow waddo kasta oo nolosheenna ku anfici karta noo fududee, oo naga dhigo kuwa samirka ku guuleysta aduun iyo aakhiro. آمين🤲

Aayaddu waxay leedahay 3 qaybood oo isdaba socda:1️⃣ هذا شرط — “Qofkii Ilaahay ka cabsada…”Tani waa shuruudda. Nolosha q...
23/11/2025

Aayaddu waxay leedahay 3 qaybood oo isdaba socda:

1️⃣ هذا شرط — “Qofkii Ilaahay ka cabsada…”
Tani waa shuruudda. Nolosha qofka waxaa haga taqwada — adiga oo Ilaahay u hoggaansan, fiican, xalaal ku dadaalaya.

2️⃣ هذا وعد — “Wuxuu u yeelayaa makhraj…”
Tani waa ballanta. Ilaahay wuxuu kuu diyaarinayaa wadada aad ka bixi karto dhibaato kasta, xalku wuu imanayaa xilli aanad filayn.

3️⃣ هذه مكافأة — “Wuxuu ka siinayaa meel aanu filayn…”
Tani waa abaal-marinta. Risiq, farxad, fursad, caafimaad, qof wanaagsan — wax kasta oo khayr ah Ilaahay wuxuu ka keenayaa halka aad u malayn weyday.

19/11/2025

“Guusha waxay bilaabataa marka aad ku kalsoonaato awooddaada.”

Guusha ma aha wax si fudud lagu helo. Mar walba waxaa ka horreeya caqabado, daal, iyo xilliyo ay u muuqato in jidku adkaaday. Laakiin qofka aan quusan, xitaa marka ay u muuqato in uu ku dul taagan yahay meel cidlo ah — waa kan ugu dambayn gaara meesha uu ku hamiyay.

Marka aad niyad samaysato oo aad go’aansato inaad horay u socoto, wax walba oo kugu cusub waxay noqdaan fursad, ma aha culeys.
Dadaalka joogtada ah, rumaysadka naftaada, iyo adkaysiga yar ee maalin kasta—waa furayaasha nolosha kaa beddeli kara.

Ha oggolaan cabsi ama shaki kugu dhasho inay kaa leexiyaan jidka saxda ah.
Xasuuso mar walba:

Guusha waxaa leh kuwa aan dib u noqon, xitaa marka ay u muuqato in waddadu ay ku adag tahay.

Sii soco… sababta aad bilowday ha illoobin. ✨💪

🔑 FURAYAASHA GAABAN EE GUUSHA DHEER! (10 Xikmadood oo Mustaqbalkaaga Shidaya)Misbaax Media waxay aaminsan tahay in awood...
15/11/2025

🔑 FURAYAASHA GAABAN EE GUUSHA DHEER! (10 Xikmadood oo Mustaqbalkaaga Shidaya)

Misbaax Media waxay aaminsan tahay in awoodda isbeddelku ay ku jirto erayo kooban. Waxaan idiin soo gudbineynaa 10 Xikmadood oo Dhiirigelin ah oo ah "Daawada Degdegga ah" ee nafta iyo hadafka.

Hadafku ma sugnaado; Waa la qoraa! Ka faa'iideyso fariin kasta oo sawirkaan ku qoran.

Ku Noqo Shaqsiga aad Tahay: Qor, Dhaqaaq, Guuleyso.

Qaybtan huruuda ah waxay inoo iftiiminaysaa sirta farxadda nolosha ee mu’minka—sir aan u baahnayn maal, awood ama nasiib...
14/11/2025

Qaybtan huruuda ah waxay inoo iftiiminaysaa sirta farxadda nolosha ee mu’minka—sir aan u baahnayn maal, awood ama nasiib, balse u baahan qalbi xiran Rabbigiisa.

Waxay leedahay in guusha dhabta ahi aysan ku iman waxa dunida ka muuqda oo keliya, ee ay ku timaaddo marka qofku naftiisa ku tababarto:

✨ Shukriga – Inaad u mahadceliso Allah marka uu ku siiyo wax fiican, xitaa haddii ay yaryihiin. Taas waxay noqotaa furaha barako cusub.

✨ Sabrka – Inaad u adkaysato marka aad wajahdo dhibaato, maadaama masiibo kasta xambaarsan tahay ajar iyo xikmad Rabbaani ah.

✨ Istighfaar – Inaad ku laabato Allah marka aad khalad samayso, adigoo og in qalbi nadiif ahi yahay kii khaladka qirta oo toobad keena, balse aan ku adkaysanin.

Marka saddexdan dabeecadood la isu geeyo, nolosha mu’minka waxay noqotaa mid dheellitiran:

farxad marka uu nicmo helo,

deganaan marka uu tijaabo wajahdo,

iyo nadiifnimo marka uu gaf galo.

Gobtu way isweydaa, balse wadajirkoodiyo kadib wehelshigoodii way iska soo wardoonaan.” ✨Mararka qaar kala maqnaansho mi...
14/11/2025

Gobtu way isweydaa, balse wadajirkoodiyo kadib wehelshigoodii way iska soo wardoonaan.” ✨
Mararka qaar kala maqnaansho micnaheedu ma aha kala tag, ee waa waqti uu mid walba ku korayo, ku fakarayo, kuna baranayo qiimaha uu kan kale leeyahay.
Marka ay dib isu helaan, wehelkii h**e wuu soo noolaadaa — qosolkii, kalgacalkii, iyo xusuustii aan lumin ee qalbiga lagu xafiday. 💞
Gobtu waa dad ay naftoodu sharaf ku suntan tahay; fogaanta k**a jarayso, ee waa tijaabo muujisa sida ay isu qotomayaan

14/11/2025

Saliga nabiga SCW aan badino

Naftu waxa ay u baahan tahay labo shey:"xasuus iyo xisaab"Haddii aad ka tagto xasuusta naftu wey hilmaameysaa Rabbigeed,...
13/11/2025

Naftu waxa ay u baahan tahay labo shey:"xasuus iyo xisaab"
Haddii aad ka tagto xasuusta naftu wey hilmaameysaa Rabbigeed, haddii aad ka tagto xisaabta naftu weyxadgudubtaa,marka xasuusin joogto ah iyo xisaabtan nafeed ayaa qalbiga na diifiya oo xumaha ka reeba.

Qofkii xasuusta Allah naftiisuna ku tarbiyeeya wadada uu Eebe u jideeyay wuxuu helaa dagnaan iyo iftiin❤️

Address

Canada
Jijiga
00251

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Misbaax Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Misbaax Media:

Share