SS News

SS News Focus On Somali Region FSR

03/10/2024
25/02/2024

MASHAA ALLAAH

Shirkada Qodista Ceelasha dhaadheer ee Anas Xaad waxay ku guulaysatay inay ceelkii ugu horeeyay ka biyo gaadhay magaalada Dhagaxbuur.

Sidoo kale shirkadu waxay magaalada Qabri-Bayax ka bilawday qodista ceel 500 mitir ilaa 600 mitir ah

SS News

Deg DegCIIDAMADA BADA ETHIOPIA OO HEEGAN LA GALIYAYTaliyaha ciidamada Badda Ethiopia Admiral Nassir Abadga ayaa war baah...
23/02/2024

Deg Deg

CIIDAMADA BADA ETHIOPIA OO HEEGAN LA GALIYAY

Taliyaha ciidamada Badda Ethiopia Admiral Nassir Abadga ayaa war baahinta u sheegay in heegankii ugu sareeyay la galiyay ciidamada Badda Ethiopia si ay u fuliyaan howlgal kasta oo loo baahdo.

Ciidamada Badda Ethiopia oo haatan saldhigoodu uu yahay Haraha Tana ee ku taala magaalada Bahirdar ayaa hadalka Taliyuhu wuxuu ku soo aadayaa xili uu cirka isku shareeray heshiiska khilaafka Somalia iyo Ethiopia ee ku sabsan heahiiska MoU ee Ethiopia & Somaliland.

SS News

14/02/2024

BISHAARO.....BISHAARO...

STAR HOTEL OO LAGAAGA FURAY CAASIMADA ADDIS ABABA

Guud ahaan bulsha waynta Somaliyeed waxaa loogu bishaarayn in Star Hotel oo looga furay caasimada Addis ababa gaar ahaan xaafada Somalidu ku badan tahay ee Bole Mikael .

Star Hotel waxaad la heli Jiif qolol waafi ah oo si casri ah loo qalabeeyay, Cuntooyin kala duwan, adeegyada E Birr, Sahay, Helllo Cash iyo E Sahal iyo adeegyo kale oo daruuri ah.

Star Hotel Waxaa uu ku yaalaa wadada Laamiga ah ee ka timaada Bole International Airport ilaa Birishka giraanta ah ee ku yaala badhtamaha xaafada Bole Mekael .

Kala xidhiidh namberadan hoos ku qoran

Star Hotel Addis ababa

+251941149912

SS News

Wakaalada Korontada JigjigaARIN XASAASI AH OO KATARTEEDA LEHWakaalada Korontada caasimada DDS ee Jigjiga gaar ahaan Waax...
10/02/2024

Wakaalada Korontada Jigjiga

ARIN XASAASI AH OO KATARTEEDA LEH

Wakaalada Korontada caasimada DDS ee Jigjiga gaar ahaan Waaxda Adeeg Bixinta ( Somali Region Electric Utility ) ee adeega siisa guud ahaan Jigjiga ma lahan namberka Xaalada deg dega ah ( Emergency Customer Care Namber ) ee shirkada laga waco marka macaamiishu u baahdaan amaba khatari timaado.

FG. Waxaa jira namberkan 9337 oo loogu talagalay in macaamiishu ka soo wacdo Wakaalada laakiin nasiib daro maba shaqeeyo namberku amaba wuxuu tilmaamaa in lakala dhigay .

Hadaba korontada oo aynu ognahay faa'iidada ay bulshada u leedahay iyo khatarta ku gadaaman haduu shil dhaco ka waran markaysan jirin namber emergency ah oo paga waco shirda ?

Haduu xitaa kuu dhaco 9337 cid kaa qabanaysaa ma jirto

SS News

KOOXDA ADDIS ABABA JOOGTA EE TIMAHA & CIDIYUHU KU BAXEEN !!Shacabka deegaanka Somalidu waakan ugu ayaan daran dunida oo ...
10/02/2024

KOOXDA ADDIS ABABA JOOGTA EE TIMAHA & CIDIYUHU KU BAXEEN !!

Shacabka deegaanka Somalidu waakan ugu ayaan daran dunida oo dhan sababta oo ah ummada in uun mustaqbal siyaasadeed leh waxaa lagu gartaa miisaanka, Aqoonta, Tayada iyo sumcada kuwa mucaaradka ah ee ka soo horjeeda nidaamka dawladeed ee dhisan ( Xisbiga Talada haya ).

Somalidu waxay leedahay maah maahyo badan .

1. Ninkuu ilaahay Xoolo siin dadkeedii buu siiyaa ( macnaha Awlaadii Tabci lahayd ama dhaqi lahayd xoolaha )

2. Ninkaad kabo ka tolan kuwiisaa la fiiriyaa

Anna Waxaan idhi :-

3. Ummaduu ilaahay mustaqbal siyaasadeed oo fiican la rabo mucaarad Tayo iyo Aqoon leh buu siyaa.

A. Hurre Abdi Ader waa runtii Somalida degan NFD ama Waqooyi Bari Kenya way ku faanaan Kenyanimadooda laakiin Hurre ma garanayaa sababta ay ugu fanaan ?

B. Hurre maka war hayaa Taariikh, siyaasad iyo dhaqan ahaan Faraqa u dhaxeeya Dawladaha Kenya & Ethiopia ?

C. Ugu danbayn Hurre Cabdi Ader iyo kuwa lamid ah ee mucaaradka DDS sheeg sheegta ma u qalmaaan kuwo noqon kara mucaarad masiirka ummada lagu halayn karoTayo, Aqoon, sharaf iyo siyaasad ahaanba ?

Kooxda Addis ababa joogta ee mucaaradka DDS sheegta ee Timaha iyo Cidiyuhu ku baxeen waa 2 mid uun:-

1. Mid Qandaraaso uu rabay ka waayay Muatafe Cagjer iyo xukuumadiisa iyo

2. Mid Xil ( mansab ) uu rabay ka waayay Mustafe Cagjer iyo Xukuumadiisa

Kolkay sidaas tahay Arintoodu mucaarad ma ahee kolka la isku soo duubo waa uu HUNGURI

SS News

QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN !!MW Mustafe Cagjer mabda'iyan 100% waxaa uu taageersanyahay nidaamka budhcadnimada ah e...
07/02/2024

QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN !!

MW Mustafe Cagjer mabda'iyan 100% waxaa uu taageersanyahay nidaamka budhcadnimada ah ee ay federal Boolisku ( Faynaansi ) kaga shaqeeyaan deeganka Somalida ee isugu jira dhaca badheedhka ah, dilka iyo dhaawaca.

Mud 6 sano ah ayuu Mustafe Cagjer talada Madaxweyne hayaa maalin kastana deegaanka Somalida federal boolisku shacabka qay dhacaan, dilaan ama dhaawacyo halis ah u gaystaan mana jirto 6 daas sano hal askeri la qabtay oo cadaalada la horkeenay amaba hanti ay si khaldan u dhaceen oo laga soo celiyay.

Dhanka kale Wasiirka Jibriyada Ethiopia war bixin kasta oo uu siinayo Barlamanka iyo Xafiiska RW Ethiopia waxaa uu sheegaa in madaxda DDS ay isu badaleen kuwa ka ganacsada Kontarabanka.

SS News

BAABILIBAAFIN ...BAAFIN...BAAFINWaxaa la baafinayaa Ayaan Ahmed C/Salaan oo shalay subaxii  ilaa hada la layahay  .Ayaan...
04/02/2024

BAABILI

BAAFIN ...BAAFIN...BAAFIN

Waxaa la baafinayaa Ayaan Ahmed C/Salaan oo shalay subaxii ilaa hada la layahay .

Ayaan waxay ka luntay magaalada Baabili oo ah meesha ay qoydskoodu deganyihiin, sidaa daraadeed cidii war iyo wacaal miduun ka hesha Ayaan Ahmed fadlan hala soo xidhiidhaan namberada hoos ku qoran.

0915743724
0911561225

FADLAN HALA SHARE GAREWYO BAAFINTA

SS News

ERAR, GOBOLKA AGOONKA & RAJAYGA AHGobolka Erar waa gobolka ugu ayaan daran guud ahaan dunida gaar ahaan deegaanka Somali...
01/02/2024

ERAR, GOBOLKA AGOONKA & RAJAYGA AH

Gobolka Erar waa gobolka ugu ayaan daran guud ahaan dunida gaar ahaan deegaanka Somalida ee aan lahayn haba yaraatee wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin u dooda oo miiska soo saarta baahida Arimo bulsho, dhaqaale, wax barasho, caafimaad iyo jidad ee ka jirta gobolka Erar

Gobolku waxaa uu ka kooban 8 degmo wuxuu leeyahay heerarka kala duwan ee maamul sida Tuulo, degmo, gobol ilaa heer deegaan mana aha kuwo xil iska saara baahiyaha kala duwan ee ka jira guud ahaan gobolka iyo degmooyinkiisa.

Maamulada iyo xildhibaanada matala gobolka Waa kuwo aad moodo ISKAASHATO RIBIX KU SAAXIIB AH oo loo diray dantooda shaqsiga ah oo kaliya.

Tusaale ahaan Biyaha waynu ognahay muhiimada ay u leeyihiin nolosha dadka, xoolaha, cayayaanka iyo Ugaadha duur joogta ah hadaba qorshe xumo iyo maxaa kaa galay ( Carelessness ) ka guud ahaan masuuliyiinta kala duwan ee gobolka heer degmo iyo heer deegaan ayaa sababay inay maalintii 2 aad biyo la'aanu ka jirto magaalada Fiiq, Xamaro iyo Tuulooyinka hoos yimaada kadib markay Wakaalada Korontada Ethiopia ee Fiiq korontadii ka jartay mishiinadii Biyaha ka soo tuuri jiray xudunta hoose ee Toga Erar.

Sababta Wakaaladu korontada u jaratay ayaa lagu sheegay lacagtii Biilka ahayd korontada oo ay ahayd in qorshe adag oo heer dewgaan ahi uu u yaala si joogto ahna loo bixiyo Biilka lacagta korontada ee biyo galinta.

SS News

XAQIRAADA & XURMO LA'AANTA XUKUUMADA MUSTAFE23 kii January 1993 waxaa dhidibada loo taagay ama la aas aasay nidaamkii da...
23/01/2024

XAQIRAADA & XURMO LA'AANTA XUKUUMADA MUSTAFE

23 kii January 1993 waxaa dhidibada loo taagay ama la aas aasay nidaamkii dawlad deegaan ee Somalida iyada oo lagu yagleelay duruuf aad iyo aad u qalafsan dhaqaale, amni, Arimo bulsho iyo siyaasad ahaanba.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 kii january 2024 waxaa 31 sano jirsaday DDS oo ka dhalatay kadib markay Jabhadihii EPLF ( Shacbiya ) iyo TPLF / EPRDF xukunka si xoog ah uga tuureen regime kii Dergida ee Kornayl Mengistu Hailemariam lana aas aasay federalka Qawmiga ku dhisan .

DDS ee maanta jirta waxaa 31 sano kahor dhidibada u taagay oo aas aasay ururka ONLF soona dhisay nidaamka dawladnimo, Calanka macal heestiisii, gudidii fulin, wasiiro, soona magacaabay maamuladii gobolada iyo degmooyinka.

Hadaba DDS ee uu hogaamiyo MW Mustafe Cumer Cagjer ayaa 23 ka january waxay u astaysay MAALINKA XUSKA AAS AASKA DDS ( Maalinta Calanka DDS ) waana maalinkii ugu horaysay ee la xuso Yagleelka DDS .

Si kastaba ha ahaatee, waxaa nasiib darro ah, Xaqiraad iyo xurmo la'aanba ah kuwii duruufaha qalafsan kusoo aas aasay nidaamka DDS ee maanta midhaheedii ay guranayaan MW Mustafe Cagjer iyo Naadigiisu inay xaflada ku marti qaadi waayaan Ragii DDS dhidibada u taagay ee Calanka Alifay.

Maanta oo kale waxay ahayd raga nool ee Jigjiga ku sugan ee doorka ku lahaa aas aaskii DDS in lagu sharfo Xaflada oo la marti qaado kana sheekeeyaan taariikhdii 32 sano kahor ay goob jooga ka ahaayeen oo maanta si heerr qaran ah loo xusayo ( aad baan uga xumahay ).

Marka lagu leeyahay maanta waxaa la xusayaa maalintii CALANKA DDS ee aan xafladii lagu marti qaadin Daahir Mohamed Cali ( Baasto ) oo ahaa shaqsiga iska lahaa ama Alifay fikirka nooca calan ee astaanta u ah maanta DDS isaga oo Jigjiga ku sugan Aniga macno wayn ima samaynayso sababta oo ah waxaa si kutalagal ah ay xukuumada MW Musatafe Cagjer u xaqirtay mudanayaashii maantoo kale ay ahayd in la sharfo.

Iska dhaaf wax kalee Xukuumada MW Mustafe Cagjer aas aasayaashii DDS xitaa waxay u quudhi wayday in magacooda iyo kii ururkoodiiba in la xuso.

Ugu danbayn, Taariikhdu way ka madaxbanaan tahay cadiifad, Qabyaalad, siyaasad, nin jeclaysi, eex iyo Qaraaba kiil

SS News

19/01/2024

HADAAD QOSLI WAYDO LACAGTAADU WAA KUU CELIS

Nin Ree Hargatsa ah ayaa fahmi waayay sababta diyaaradii Hargaysa ku socotay ay dawlada Somalia hawada uga celisay.

Wuxuu ku leeyahay may iska soo socoto uun aayar may madaarka Hargaysa uu ka soo degto.

SS News

WAXAA XABSIGA  LAGA SII DAAYAY GAAWE GAAWE Waxaa xabsiga laga sii daayay oo xoriyadiisii dibu helay Gaawe Gaawe oo mudo ...
15/01/2024

WAXAA XABSIGA LAGA SII DAAYAY GAAWE GAAWE

Waxaa xabsiga laga sii daayay oo xoriyadiisii dibu helay Gaawe Gaawe oo mudo bilo ah ku xidhnaa mid kamid ah xabsiyada magaalada Jigjiga.

Gaawe Gaawe ayaa kamid ahaa dhalinyarta Baraha Bulshada wax ku qora ee naqdiya ama dhaliila xukuumada DDS ee uu hogaamiyo MW Mustafe Cagjer.

SS News

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SS News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share