09/09/2026
Magaalo ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan kiis cajiib ah oo la xiriira meher lagu murmay, kaddib markii lamaane is guursaday sannadkii 2023 ay xafladdooda kaga dhawaaqeen in ka badan 400 garaam oo dahab ah.
Inkastoo ninku ku dooday in dahabkaas xadiga badan loogu talagalay oo keliya k**aradaha iyo muuqaallada baraha bulshada (Vlog), xaqiiqaduna ahayd lacag dhowr kun oo dollar ah, haddana markii uu guurku furriin ku dhammaaday sannadkii 2024 ayay gabadhu ku adkaysatay in muuqaalkii aroosku yahay caddeyn buuxda, iyadoo diidday in wax laga cafiyo.
Kiiskii oo gaaray odayaasha labada beelood ayaa gartii lagu helay ninka, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo dahabkaas oo dhan.
Ninka oo muddo bilo ah qoyskiisa iyo qabiilkiisa qaadhaan iyo xoolo uga soo ururinayay arrintan ayaa illaa hadda bixiyay ku dhowaad $30,000, halka in ka badan $40,000 oo kalena ay ku saxiixan yihiin heshiis nootaayo ah oo sugaya bixinta.
Tan ayaa digniin cad u noqotay cawaaqibka ka dhasha buunbuuninta meherka ee loo sameeyo is-tuska k**aradaha.
X: Baraha Bulshada