Dhugasho

Dhugasho Dhugo oo dhuux Buugga soomaaliga ee Dhugasho
"Hoyadii dhashay baa
Dhallaan korisee
Astaanta dhabtaana
Waa dhaqankee
Dhugasho ku caawi
Dhallinyaraday"

Akhristayaashayada sharafta lahow, waxaannu ku hanwaynahay in aannu idiin soo bandhigno qaybtii koobaad ee Buugga Dhugasho, oo ah buug cusub oo Afka Soomaaliga ku bixi doonta, sidaad ogsoonti- hiin Afka Soomaaligu wuxuu leeyahay sooyaal aad u dheer oo leh suugaan taariikhi ah sida: maan- sada, maahmaahda, iyo fan murtiyeedka oo ay mahadhooyin aad u qoto dheer ku dheehanyihiin. Taasina waxay sababt

ay in dadyawga kale ay Soomaalida ku magacaabaan umadii gabayga. Haddii aannu nahay hawl wadeennada Buugga Dhugasho waxaannu doonaynaa in aannu wax ka qorno Dhaqanka iyo Suugaanta soomalida: si aan u muujino quruxda iyo xeeldheerida uu leeyahay afka soomaaligu, iyo waliba xirfadda gabayaaga iyo qoraaga soomaalida si aannu u dhiiri galino hal- abuurka. Qoraalku ma duugoobo ee jiilba jiilka ka danbeeya ayuu ka dhaxlaa.Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay) ayaa arinkaas ka maansooday waxaanu yidhi”. Wakhtigu wuu sunsumayaa Midna waa la sugayaaSoo jire manoola’eQarni waliba wuu socon
Safna wuu ka daba dhalan Hadba kooda sarakaca Waxa sahayda uga taga kii h**ee sagootiyey. Haddaanu nahay bahda Buugga Dhugasho, hadafka yagu kuma eka in aan soo if bixino qiimaha iyo qaayaha ay dhaqanka iyo suugaata Soomaalidu leeyihiin ee waxaan waliba rabnaa in aan dib u soo noolayno waxyaabihii horay looga qoray Af Soomaaliga, Kaydna u sameeyno si jiilasha dambe ay uga faa’iidaystaan. Annagu ma nihin kuwii ugu h**eeyey ee shaqada noocan ah qabta ama xil iska saara, balse wax- aannu ku haminaynaa in aan mustaqbalka dhaw aragno qoraalo Soomaali ah oo la daabacay, Suugaan Soomaaliyeed oo la akhrinayo, iyo dadyowga adduunka oo barta qiimaha iyo qaayaha ay Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalidu leedahay. Waxaa hubaal ha in aad ka heli doontaan, kana faa’iidaysan doontaan Buuggan Dhugasho. Waxaan u mahad celinaynaa cid kasta oo maskax, maal Buuggan Dhugasho. Allaah baa mahad leh.

02/02/2025

Bandhig Taariikhi ah oo Aan La Ilaawi Doonin!Maanta waa maalintii aan sugaynay! Masaf Spaces iyo Ayaana Media waxay kugu martiqaadayaan bandhig sawirro iyo muuqaallo cajiib ah lagu bandhigayo.Kani ma aha bandhig caadi ah—waa fursad aad ku arki doonto Sawirro cajiib ah, kuuna noqon doona xasuus taariikhi ah!Soo kaxayso asxaabtaada, waqti fiican la qaado, oo nala qaybso farxadda!

Bandhig Taariikhi ah oo Aan La Ilaawi Doonin!Maanta waa maalintii aan sugaynay! Masaf Spaces  iyo Ayaana Media waxay kug...
02/02/2025

Bandhig Taariikhi ah oo Aan La Ilaawi Doonin!

Maanta waa maalintii aan sugaynay! Masaf Spaces iyo Ayaana Media waxay kugu martiqaadayaan bandhig sawirro iyo muuqaallo cajiib ah lagu bandhigayo.

Kani ma aha bandhig caadi ah—waa fursad aad ku arki doonto Sawirro cajiib ah, kuuna noqon doona xasuus taariikhi ah!

Soo kaxayso asxaabtaada, waqti fiican la qaado, oo nala qaybso farxadda!

Jiimce mubarak, Waxaa ino sii socoota   sheekadii taxanaha aheed la Magaca baxdey Hadimo jacayl qaybtii 13 aad:Mustafe w...
07/06/2024

Jiimce mubarak, Waxaa ino sii socoota sheekadii taxanaha aheed la Magaca baxdey Hadimo jacayl qaybtii 13 aad:

Mustafe waxa uu gurigoodi tagay isagoo uu kaga h**eeyo Maryan abaheed
waxanay ku kulmeen isagoo albaabka ka soo baxaya waxaanay is
waydarsadeen weedhaahan
Imika ayaad inantaydii ka timid sow mahaa waxan kuu shegayaa hadad
guurka caqabad ku noqoto in aad noloshada oo dhan waayi doontid Mustafe
oo habka hadalka u dhashay ixtiraam waalidna ku daraya ayaa yidhi
Adeer inantadiii waan kuu dayay ee ma wax kale ayaad igu haystaa Isagoon
u jawaabin ayaa ay habaryartii soo boday inta ay ka xanaaqady sida adage ee
uu mustafe ula hadalay ku tidhi
Hadii inan taadi laguu dayay orod oo Na dhaaf ogowna in aan jacayl laheli
Karin lakiin lacag la heli karo
Markii ay intaas tidhi ayuu Maryan abaheed ka tagay
Maryan loo sheeg in abahaeed daydayay oo uu Mustafe gurigoodi tagay
markiibana yaabtay iyadoo is garan la waxay samyso iyo dhibka ay u soo
jiiday Mustafe ayay qolkeedi hoosta iskaga soo xidhay markiibna waxa yimid
abaheed oo aad u cadhaysan wuxuuna ku garaacay albaabkii isagoo u
hanjabaya
Iga fur
Inta ay ka furtay ayay iyadoo hoos eegaysa ku fadhiisatay sariirta konahedii
markasu ku yidhi isagoo aad u qaylinaaya
Hadii aad diido guurka waxa aad doonayso waanku ogahay labadabana waad
seegi oo halkaas aayaad maxbuus igu ahaan markaa anigu bari waan ku
sinayaa inankaa iga kaa soo doontay ee dibada ka yimid lacag ku filana haysta
ee ma yeeli karo in aad inan yar oo kale ila hoos cararto sidaana ku diyaar
garow....

Laakiin racaa websaykas si aad akhriiso...https://dhugasho.com/2024/06/03/hadimo-jacay-q-13aad-adegto/

06/06/2024
Gabaygii Xarbi ismaaciil samatarHadduu gaalku noo kiin dhiboo, maanta naga dheelmoDhala-uus dhabbaha qaaliyeed, dhinaca ...
05/06/2024

Gabaygii Xarbi ismaaciil samatar

Hadduu gaalku noo kiin dhiboo, maanta naga dheelmo

Dhala-uus dhabbaha qaaliyeed, dhinaca Buunshaale

Xeryahaan kaliil h**e ku dhacay, dhaafin mahayaane

Intay dhagaxa hoos uga ridaan, dhuumin mahayaane

Dhoobada intay joojiyaan, dhoofin mahayaane

Nimankii seen isaga dhawnaa, dhaagi mahayaane..

Laakiin racaa websaykas si aad akhriiso...https://dhugasho.com/2024/06/03/gabaygii-xarbi-ismaaciil-samatar/

Gabaaygii KadeedAbwaan gandaalWaa gabay dhammaystiran oo cadho abwaan ka muuqato. Allaha inoo sahlo.1.      Ummadaan iya...
04/06/2024

Gabaaygii Kadeed

Abwaan gandaal

Waa gabay dhammaystiran oo cadho abwaan ka muuqato. Allaha inoo sahlo.

1. Ummadaan iyadu keensaneen kibirku aafaynin
2. Illaahay kadeed iyo ma bado keenan oo kale
3. Cudurkii kalaa loo cunaa dawo kaniinkeede
4. Kaankaraha qabiilkaa na sudhay keene xadhig wayne
5. Kolkaasay karaamadii luntiyo kaalin dawliya’e
6. Intii aan sidaa loo kambalin sharaftii kaar booday
7. Laakiinse koolkoolintii kala jab soo muuqday
8. Abwaanadu kasmiyo waano badan way kardhanayeene
9. Ka daayaay wax badan baanu nidhi waagii kibirkeeye

Laakiin racaa websaykas si aad akhriiso...https://dhugasho.com/2021/04/07/gabay-kadeed/

Subaax Waanagsan Akhristayaal Saka MowduceenuWaa: Inuu qofku yeesho go’aan adag.Qaadashada go’aan fiicani maaha arin si ...
03/06/2024

Subaax Waanagsan Akhristayaal Saka Mowduceenu
Waa: Inuu qofku yeesho go’aan adag.

Qaadashada go’aan fiicani maaha arin si sahal ah
ku timaada balse waa arrin loo galo dadaal iyo
fikir xeel dheer oo qaata wakhti badan. Haddaba
qaadashada go’aan fiicani waxa ay si fiican u
dhistaa kalsoonida nafta maxaa yeeley qofku
haddii uu go’aanadiisa ku meel maro haba-
yaraadaane wuxuu helayaa awood ku filan oo
kalsooni ah umana baahanayo cid ka caawisa
dhibaatooyinka is huwan ee noloshu soo
bandhigto.
Ugu danbeyn, waxa aan ku kalsoonahay qofka
raaca talaabooyinkan iyo kuwa la mid ah in uu si
fudud ku heli karo kalsoonida nafta. Ogowna waxna
dhib yaraan kuma yimaadaan. Sidaas darteed, u
dhabar adayg dhib kasta iyo cidhiidhi kasta oo kaa
soo wajaha helida waxa aad rabto ee ah kalsooni
buuxda in aad naftaada ku qabtid.

Laakiin racaa websaykas si aad akhriiso..https://dhugasho.com/2024/06/03/inuu-qofku-yeesho-goaan-adag/

Jiimce mubarak, Waxaa ino sii socoota   sheekadii taxanaha aheed la Magaca baxdey Hadimo jacayl qaybtii 12 aad:Mustafe i...
31/05/2024

Jiimce mubarak, Waxaa ino sii socoota sheekadii taxanaha aheed la Magaca baxdey Hadimo jacayl qaybtii 12 aad:

Mustafe isagoo u caqli celinaya Maryan ayuu ku yidhi wax wal oo aduunkan
ka dhacaa xaga ALLE ayay ka qoran yihiin in sidani dhacdana way qornayd
markaa ku samir yeelna siday reerkiinu kuugu taliyeen waayo anigu hadaan
maanta ku kaxaysan lahaa meel aan ku geeyo ma haysto lakiin hadaan xataa
ku ka xaysto abahaa iyo reerkina k**a amaan helayo markaa fadlan hadad
maanta in uun I jeceshahay sidaan ku idhi yeel malin manta ka wanaagsan
ayaynu is heli hadii ALLE isku keen qoraye Maryan talaa ku cadaatay ilmada
indhaheeda dareeraysaa waxay qoysay wajigeeda waxay sidii u doodaanba
waxa uu akhirkii Mustafe ku qanciyay in ay yeesho sida ay walidkeed la
jeclaadeen maryan oo oohin darted aan hadal ka so baxayn ayaa iyadoo aad
moodid inay naftu ka gurmayso tidhi hadal Mustafe aad u taabtay ilaa
malinkaan ku jeclaaday ilaa manata habeena ma seexan hurdo la’aantaa
marwalbana waxaad ahayd mid naftayd ku dheer oo dareenkaygu la jiro hadii
aan is idhaa shay qabana adigaan kaa dhex arki jiray iyo wanaagaad ii samayn
jirtay daradana waxaan ahaa mid nafateeda u huraty sidii ay jacaylkaeeda u
haqab tiri lahayd waxay nafataydu adiga dartaa igu qasbi jirtay in aan sameeyo
wax wal oo suuro gal ah maantana adigaa igu qancinaaaya in aan raaco
qofkale oo aan oogahay in anan nolosha la wadaagi karayn ogow waxaad
naftayda ku qasabtay go’aan aanay waligeed yeeli lahayn adiga dartaana waan
u yeelay manta; waxanan ahaan doona mid waralba ku xusta kuna xusuusan
doonta waan ku jeclahay ilaa waligayna waan ku jeclaan donaa
Mustafe laftiisu waxa ku soo istaagatay ilmo waxanu marwalba faraha kula
jiray indhihiisa wuxuu sidii ahadaba akhirkii waxay ku kala tageen in ay
yeesho sidaas madama ay dantu kaliftay waxaanay ku balameen inay soo
wada xidhidhaan oo anay sidaa ku kala hadhin.
Markii ay intas is waydarsadeen ayay kala taageeen iyago aad modiid in mid
walba Kan kale geeridisiii loo soo sheegay.

Laakiin racaa websaykas si aad akhriiso...https://dhugasho.com/2024/05/24/hadimo-jacay-q-12aad-adegto/

Maah-maahda mantaa:Maxaad ka fahantay Maahmaahdan?
30/05/2024

Maah-maahda mantaa:
Maxaad ka fahantay Maahmaahdan?

Gabaygii Cabdi Muxumed (Cabdi Sanweyne)Cabdiyoo harraadsani hadduu, ilo ku soo hiiqayAnigow horreeyey markaan, hadallo w...
29/05/2024

Gabaygii Cabdi Muxumed (Cabdi Sanweyne)

Cabdiyoo harraadsani hadduu, ilo ku soo hiiqayAnigow horreeyey markaan, hadallo weydiiyeySaddexdii ha’ gaabood markuu, kala hanbeyn waayey

Ragaan hubo habeenkii markaan, hilinka qaadsiiyeyHadha-gari dusheedii markuu, heeganku isdhaafayHuusaale raadkii markii, lagu haqiiqeeyeyHawanley markii laysku helay, dhagadle HaaruunaHarareemadkaa uga darraa, hootadaan ridayeWaa tay huleeleen sidii geel, habeen didaye

Bah-Gaalaad haddii anan horsocon, guul ma hoyiseeneFeetinkii haleelada lahaa, halab ma maaleeneCabdiyow hunguri waa midkaad, bariba haysaayeKii h**e habeenkuu taguu, hadurka raacaaye Haan baan ahaa haanta kale, hakisa miisaaneHayin baan ahaa reerka maadh, lagu halleeyaayeHashu nimay ku daaqdaan ahaa, oo hubka u sido e Haaruftaan la soo baxay warmaha, iga habeedeystayIntuu hoosku soo meeri baad, na hubsan weydeeneMarkaan yaraha haydalay xan baad, na hororsiiseeneDad hadduu hiddiyo waayo badan, hayb iskula waaroInuu meel ka wada hiil galey, ugu hagaagtaayeKuwii lay hormariyow ka gala, dirirta haaneedkaHareertaan ka iil reerka yaan, haadku ka idleysan

Laakiin racaa websaykas si aad akhriiso...https://dhugasho.com/2024/05/24/gabaygii-cabdi-muxumed-cabdi-sanweyne/
Xigaasho: Doolo.com

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhugasho posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category

Our Story

Akhristayaashayada sharafta lahow, waxaannu ku hanwaynahay in aannu idiin soo bandhigno qaybtii koobaad ee Buugga Dhugasho, oo ah buug cusub oo Afka Soomaaliga ku bixi doonta, sidaad ogsoonti- hiin Afka Soomaaligu wuxuu leeyahay sooyaal aad u dheer oo leh suugaan taariikhi ah sida: maan- sada, maahmaahda, iyo fan murtiyeedka oo ay mahadhooyin aad u qoto dheer ku dheehanyihiin. Taasina waxay sababtay in dadyawga kale ay Soomaalida ku magacaabaan umadii gabayga. Haddii aannu nahay hawl wadeennada Buugga Dhugasho waxaannu doonaynaa in aannu wax ka qorno Dhaqanka iyo Suugaanta soomalida: si aan u muujino quruxda iyo xeeldheerida uu leeyahay afka soomaaligu, iyo waliba xirfadda gabayaaga iyo qoraaga soomaalida si aannu u dhiiri galino hal- abuurka. Qoraalku ma duugoobo ee jiilba jiilka ka danbeeya ayuu ka dhaxlaa.Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay) ayaa arinkaas ka maansooday waxaanu yidhi”. Wakhtigu wuu sunsumayaa Midna waa la sugayaaSoo jire manoola’eQarni waliba wuu socon Safna wuu ka daba dhalan Hadba kooda sarakaca Waxa sahayda uga taga kii h**ee sagootiyey. Haddaanu nahay bahda Buugga Dhugasho, hadafka yagu kuma eka in aan soo if bixino qiimaha iyo qaayaha ay dhaqanka iyo suugaata Soomaalidu leeyihiin ee waxaan waliba rabnaa in aan dib u soo noolayno waxyaabihii horay looga qoray Af Soomaaliga, Kaydna u sameeyno si jiilasha dambe ay uga faa’iidaystaan. Annagu ma nihin kuwii ugu h**eeyey ee shaqada noocan ah qabta ama xil iska saara, balse wax- aannu ku haminaynaa in aan mustaqbalka dhaw aragno qoraalo Soomaali ah oo la daabacay, Suugaan Soomaaliyeed oo la akhrinayo, iyo dadyowga adduunka oo barta qiimaha iyo qaayaha ay Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalidu leedahay. Waxaa hubaal ha in aad ka heli doontaan, kana faa’iidaysan doontaan Buuggan Dhugasho. Waxaan u mahad celinaynaa cid kasta oo maskax, maal Buuggan Dhugasho. Allaah baa mahad leh.