31/03/2026
Warbixinno cusub ayaa sheegaya in Iran ay cadaadis ku saarayso Xuutiga Yemen in ay qaadan weerarro ka dhan ah maraakiibta shidaalka ee maraya Badda Cas iyo furitaanka furin dagaal oo Marinka Baabul-Mandab ah, taas oo ay uga gol leeyihiin cadaadis la saaro US si dagaalka loo joojiyo.
Saraakiil sare oo katirsan Midowga Yurub ayaa tilmaamaya in Tehran ay doonayso in Xuutiga ay bilaabaan dirir cusub oo lagu beegsanayo maraakiibta, gaar ahaan haddii uu sii xoogaysto dagaalka ay kula jirto Mareykanka. 
Si kastaba, go’aan k**a dambeys ah weli lama gaarin, waxaana jira kala aragti duwanaansho gudaha Xuutiga ah oo ku saabsan ujeedada weeraradan loo galayo, waxayna kooxdani isku sawiraysaa in aysan Iraaniyiin aheyn ee ay Carab yihiin.
Xuutiga ayaa diidan weerarada Iran ee kuwajahan dalalka Khaliijka, sida ay warisay WSJ, waxayna u aragtaa gardarro aan sax aheyn, si lamid ah kooxda XMS oo iyana bilowgiiba cambaareysay talaabada Tehran ee weerarka dalalka Suniga.