Faynuus Media

Faynuus Media Kala soco boggeena Faynuus Media warar iyo warbixin laggu kalsoon yahay. Fadlan nagala soo xidhiidh numberkan +251940499022
(1)

Haddii aad soo booqato boggena ama aad fariin nooga soodirto oo aan kaaga soo jawaabiwayno.

 : Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo soo gaadhay Magaalada Addis-ababa.Markii ay soo cago-dhigatay diyaaradii ...
16/12/2025

: Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo soo gaadhay Magaalada Addis-ababa.

Markii ay soo cago-dhigatay diyaaradii siday ra’iisul wasaarahan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya dr Abiy Axmed.

Xigasho: EBC TV

Norway waa mid kamid ah dalalka ugu jasiiradaha badan caalamka, mida ugu wayn jasiiradaha dalkana waa Honnoya, waana mid...
15/12/2025

Norway waa mid kamid ah dalalka ugu jasiiradaha badan caalamka, mida ugu wayn jasiiradaha dalkana waa Honnoya, waana midleh magaalooyin taariikhi ah sida magaalada (Harstad)

Jasiiradaha kale ee ka xusi karo waxaa kamid ah (Svalbard) oo ah jasiirado yaryar oo dhaca cidhifka waqooyi ee uu barafku jiifo.

Xigasho: Tanaad

Muxuu John Cena uga fadhiistay Ciyaaraha MasaaricadaXiddig caan ka ahaa ciyaaraha Masaaricada (WWE) John Cena ayaa si ra...
15/12/2025

Muxuu John Cena uga fadhiistay Ciyaaraha Masaaricada

Xiddig caan ka ahaa ciyaaraha Masaaricada (WWE) John Cena ayaa si rasmi ah uga fariistay tartamadaas, kaddib safar ciyaareed oo socday in ka badan 23 sano. Waxa uu ka mid ahaa halyeeyada ugu magaca iyo saamaynta weyn ee WWE soo martay.

John Cena ayaa ku biiray WWE bishii Juun 27, 2002, waxaana muddadii uu ku jiray uu hantiyay horyaalka Masaaricada Adduunka 17 jeer, taasoo ka dhigtay mid ay aad uga cabsadaan una ixtiraamaan ciyaartoyda kale marka uu garoonka soo galo.

Waxaa si weyn loogu xusuustaa taariikhda WWE, isaga oo caan ku ahaa hal-ku-dhiggiisa caanka noqday ee ahaa “You can’t see me”, kaas oo astaan u noqday magaciisa ciyaareed

 Sawiro quruxbadan oo laga qaaday dusha sarre ee maktabada akhriska dadwaynaha dagmada Aw-barre. 📸
13/12/2025



Sawiro quruxbadan oo laga qaaday dusha sarre ee maktabada akhriska dadwaynaha dagmada Aw-barre.

📸

 : Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Koonfurta Itoobiya ayaa lagu soo gaadhay magaalada Jigjiga.
13/12/2025

: Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Koonfurta Itoobiya ayaa lagu soo gaadhay magaalada Jigjiga.

"Haddii aad 10 sano xilka hayso, maxaad is leedahay waad qaban kartaa," ayaa la weyddiiyay. Wuxuu ku jawaabay saddexdan ...
13/12/2025

"Haddii aad 10 sano xilka hayso, maxaad is leedahay waad qaban kartaa," ayaa la weyddiiyay. Wuxuu ku jawaabay saddexdan arrimood:

1. In qof kasta oo muwaadin ahi uu saddex jeer maalintii heli karo wax uu cuno.

2. In muwaadin kasta uu sannadkii ugu yaraan hal mar dharka uu xidhan yahay iska beddeli karo.

3. In muwaadin kastaa aanu waddada laamida ah ka fogaan wax ka badan 200km.

Su'aalahan iyo jawaabahan waxaan ku daawaday waraysi lala yeeshay Meles Zenawi horraantii 1990-meeyadii.

Xigasho: Nimcaan Cusmaan

 : Sawiro quruxbadan oo xilli habeenimo ah laga qaaday Magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa muujinaya bi...
12/12/2025

: Sawiro quruxbadan oo xilli habeenimo ah laga qaaday Magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa muujinaya bilic. Kadib markii ay xukuumaddu xooga saartay dabaqaayada sannadkii 2017 T.I kaabayaasha horumarineed sida dib u dhiska jidadka, goobaha nashada, marinadda biyaha iyo dhireynta.

  magacaabis cusub gobalka Doollo.Xigasho: Gaashaan Maxamed
12/12/2025

magacaabis cusub gobalka Doollo.

Xigasho: Gaashaan Maxamed

 :  Waxaa la shaaciyey  Jaan-goynta Qiimaha Cusub Ee Shidaalka Degmooyinka iyo Magaalooyinka DDS. Xafiisyada Ganacsiga &...
11/12/2025

: Waxaa la shaaciyey
Jaan-goynta Qiimaha Cusub Ee Shidaalka Degmooyinka iyo Magaalooyinka DDS.

Xafiisyada Ganacsiga & Gaadiidka heer gobol, degmo & heermaamul magaalo ayaa la faray inay dhaqangaliyaan qiimaha cusub ee lasoo jaangooyay.

Xigasho: Xafiiska Ganacsiga & Gaadiidka DDS.

Maxay yihiin adeegyada aad ku heli karto Fayda ID-?👉 Adeegyada Maaliyadda👉 Adeegyada Boostada👉 Duulimaadyada gudaha dalk...
11/12/2025

Maxay yihiin adeegyada aad ku heli karto Fayda ID-?

👉 Adeegyada Maaliyadda
👉 Adeegyada Boostada
👉 Duulimaadyada gudaha dalka
👉 Diiwaangelinta iyo xaqiijinta ardayda
👉 Adeegyada isgaadhsiinta (Telecom)
👉 Tigidhka tareenka Addis–Jabuuti
👉 Xaqiijinta iyo diiwaangelinta dukumentiyada
👉 Adeegyada yaryar iyo kuwa fudud
👉 Diiwaangelinta iyo soo saarista ruqsadda ganacsiga

Xigasho: Xasan Cige

 : Sheeko qosol badan😂Isaga oo jooga Koonfur Afrika ayuu iska raacay markab u socda Maleesiya. Wuxuu  uga sii gudbay Aus...
11/12/2025

: Sheeko qosol badan😂

Isaga oo jooga Koonfur Afrika ayuu iska raacay markab u socda Maleesiya. Wuxuu uga sii gudbay Australia. Waa la xidhay, aakhirkiina waxa dib loogu celiyay Maleesiya.

Maleesiya waxay is weyddiisay ninkani xaggee innaga soo galay markii h**e? Koonfur Afrika. Hadabba halkaas ha lagu celiyo ayaa la go'aansaday.

Koonfur Afrika ayaa la geeyay. Iyaguna waxay dib ugu soo celiyeen Maleesiya. Maleesiya oo yaabban ayaa isu sii dhaafisay Australia. Mar kale ayaa halkaas lagu xidhay.

Muddo kaddib, Australia ayaa mar kale ku celisay Maleesiya. Maleesiyana waxay dib ugu celisay Koonfur Afrika.

Isagoo halkaas maraya oo Koonfur Afrika ay rabto in ay ku celiso
Maleesiya ayaa la weyddiyay waar xaggeed markii h**e naga soo gashay?

Marka su'aashan la weyddinayo naftaa haysa oo waxa uu marayaa sanandkii afraad oo ay saddex waddan isu dhiib-dhiibayaan, xabsi iyo safar-badeed oo mid kastaa bilooyin qaadanayo.

Wuxu yidhi Jabuuti. Halkaas ayaana loo dhoofiyay.

Jabuuti ayaa waxay is weyddisay ninkani xaggee waddanka ka soo galay? Koonfur Afrika. Ha lagu celiyo, haddaba!

Jabuuti oo Koonfur Afrika ku celinaysa ayuu jilbaha qabsaday oo yidhi waar ilmaadeerayaal ha igu celinina.

Waa la iska sii daysay. Waa kaa raacay gaadhi u socda tuuladii uu reerkoodu degganaa.

Ninkii noocaa ahaa ayaan maalin dhawayd maqlay in uu haddana mar kale tahriibay. Laakiin markan waa Yurub.

Sheekadani waa 'true story'. Lol.

Xigasho: Nimaan Osman

Saddaali kulanka caawa oo ku guulayso 6,000 ETBShuruudaha waxaa weeyi follow Faynuus Media soo dheh boggan, boostigan Li...
10/12/2025

Saddaali kulanka caawa oo ku guulayso 6,000 ETB

Shuruudaha waxaa weeyi follow Faynuus Media soo dheh boggan, boostigan Like saar, una sii share garee asxaabtadda.

Address

Qumada
Jijiga

Website

https://www.youtube.com/@Faynuusmedia8328

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faynuus Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Faynuus Media:

Share

ABDIFATAH FARAH QALBIDIIRSHE

I am Somali professional reporter in journalism based jigjiga Somali regional city in the last 3 year i have worked with some of the main media outlets both TV and radio as well as online websites print media and mini media on jigjiga campus

i have more then 3 year experience television and radio news Chanel popular with viewers and accessible well traveled with a genuine interest and impartial journalism able to quickly gain the trust of source and exclusive story ideas.