Faynuus Media

Faynuus Media Kusoo dhawoow bogga rasmiga ah ee warbaahinta Faynuus Media Haddii aad soo booqato boggena ama aad fariin nooga soodirto oo aan kaaga soo jawaabiwayno.
(1)

Fadlan nagala soo xidhiidh numberkan +251940499022

 : Bisle Omer oo Xorriyaddiisa Dib u HelayBisle Omer ayaa dib u helay xorriyaddiisa, isagoo ka mid noqday 268 maxbuus oo...
11/09/2026

: Bisle Omer oo Xorriyaddiisa Dib u Helay

Bisle Omer ayaa dib u helay xorriyaddiisa, isagoo ka mid noqday 268 maxbuus oo Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar cafis u fidiyay munaasabadda sannadka cusub ee 2019 T.I.

Faynuus Media

 : 268 Maxbuus oo Cafis loo FidiyayXukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa munaasabadda sannadka cusub ee 2019 T.I. ...
11/09/2026

: 268 Maxbuus oo Cafis loo Fidiyay

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa munaasabadda sannadka cusub ee 2019 T.I. awgeed cafis u fidisay 268 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiyada deegaanka, kuwaas oo dambiyo kala duwan u xirnaa.

Maxaabiista la sii daayay waxaa loogu baaqay inay dhowraan sharciga, kana fogaadaan falalka wax u dhimaya nabadda iyo wadajirka bulshada.

Faynuus Media

Sannadka Cusub oo ku suntan nabad, jacayl, midnimo iyo horumarMunaasabadda Sannadka Cusub, shacabka Itoobiya waxaa loogu...
11/09/2026

Sannadka Cusub oo ku suntan nabad, jacayl, midnimo iyo horumar

Munaasabadda Sannadka Cusub, shacabka Itoobiya waxaa loogu hambalyeeyay sannad cusub oo nabad, caafimaad, jacayl, dib-u-heshiisiin iyo barwaaqo leh, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda midnimada iyo wadajirka bulshada. Waxaa sidoo kale la xusay in sannadka cusub uu yahay fursad lagu sii xoojinayo horumarka, lagana shaqeynayo nolol wanaagsan oo ay dhammaan muwaadiniintu ka wada faa’iidaystaan.

Maskax Ludo

Guud ahaan waxaa saaka dalka itoobiya loo dabaal dagayaa currashada sannadka cusub ee 2019 ECAdigu halkeed ku xusaysaa?
11/09/2026

Guud ahaan waxaa saaka dalka itoobiya loo dabaal dagayaa currashada sannadka cusub ee 2019 EC

Adigu halkeed ku xusaysaa?

Caawa: Hawada Magaalada Addis Ababa oo lagu soo bandhigay dhoolatus tiknoolajiyadeed loogu dabaaldegayo Sannadka Cusub.F...
10/09/2026

Caawa: Hawada Magaalada Addis Ababa oo lagu soo bandhigay dhoolatus tiknoolajiyadeed loogu dabaaldegayo Sannadka Cusub.

Faynuus Media 🌻

🇩🇯 Jabuuti oo ka qayb gashay Shirkii Caalamiga ahaa ee Hawada SareMadaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mag...
10/09/2026

🇩🇯 Jabuuti oo ka qayb gashay Shirkii Caalamiga ahaa ee Hawada Sare

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa magaalada Paris kaga qayb galay shirkii ugu horreeyay ee caalamiga ah ee hawada sare, kaas oo ay ka qaybgaleen in ka badan 120 dal, iyadoo Jabuuti ay soo bandhigtay qorshaheeda horumarinta teknoolojiyadda hawada sare iyo adeegsiga xogta dayax-gacmeedyada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu xusay horumarka barnaamijka hawada sare ee Jabuuti, oo ay ka mid yihiin dayax-gacmeedyada DJIBOUTI-1A iyo DJIBOUTI-1B, iyo qorshaha lagu dhisayo xarun qaran oo xogta juqraafiyeed iyo dayax-gacmeedyada lagaga faa’iidaysanayo.

Faynuus Media

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay...
10/09/2026

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo uu kula kulmay saraakiil iyo cutubyo dhowaan soo dhammaystay tababar.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada Gorgor iyo doorkooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka Khawaarijta, isaga oo faray inay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda qaran.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed: “Waayihii h**e waxay inagaga tageen raad iyo casharro; waxa muhiimka ah maanta w...
10/09/2026

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed: “Waayihii h**e waxay inagaga tageen raad iyo casharro; waxa muhiimka ah maanta waa waxa aynu ku soo kordhinno sannadaha inoo haray.”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in la qiimeeyo waxa la qaban karo inta ka dhiman waqtiga, si loo sameeyo waxqabad iyo dhaxal wax-ku-ool ah.

Faynuus Media 🌻

Jigjiga — Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Fulinta, iyadoo lo...
10/09/2026

Jigjiga — Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Fulinta, iyadoo looga hadlay xaaladda amniga, dakhliga gudaha iyo qorshayaasha horumarineed ee deegaanka.

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday hirgelinta siyaasadda isbeddelka beeraha iyo xoolaha, iyadoo la soo bandhigay daraasad lagu qiimaynayo tayada biyaha iyo ciidda iyo sidii loo kobcin lahaa wax-soo-saarka beeraha.

Faynuus Media

Address

Phoenix
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faynuus Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Faynuus Media:

Shortcuts

Share