C/risaaq Idaajaa

C/risaaq Idaajaa Warar iyo warbixino kusalaysan xaqiiq, dhexdhexaadnimo iyo cadaalad

Dawlada kueel gaadhka ah ee deegaanka tigrayga ayaa xayiraad kusoo rogay xafladaha loogu dabaal dagayo sanad guurada 50a...
18/02/2025

Dawlada kueel gaadhka ah ee deegaanka tigrayga ayaa xayiraad kusoo rogay xafladaha loogu dabaal dagayo sanad guurada 50aad ee Ee aas-aaska Jabhada TPLF

18/02/2025

Hadal yar iyo Hawl badan

"Baratanka xirfaduhu waa badhaadhaha iyo barwaaqada bulshadeenna", waxa uu ahaa hal-ku-dhigga tartanka 3aad ee xirfadaha...
08/05/2023

"Baratanka xirfaduhu waa badhaadhaha iyo barwaaqada bulshadeenna", waxa uu ahaa hal-ku-dhigga tartanka 3aad ee xirfadaha farsamada casriga ah iyo cilmi-baadhista ficilka ah oo uu soo diyaariyay Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-buurka DDS.

Tartankan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka Mudane Cabdirisaaq Aadan Cadhays, taasi oo ay ka soo qaybgaleen kulliyadaha dowliga ah, kuwa gaarka loo leeyahay iyo shaqsiyaadka curinta iyo hal-abuurka leh. Cidda ku guulaysata tartankan ayaa ka qaybgali doonta tartan heer dal ah oo dhawaan la qaban doono.

Kuliyada Farsamada dhagaxbur:Maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/08/2015 E.C. Waxaa Kuliyada Farsamada dhagaxbur ka qabsoom...
04/05/2023

Kuliyada Farsamada dhagaxbur:
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/08/2015 E.C. Waxaa Kuliyada Farsamada dhagaxbur ka qabsoomay kulanka qiimaynta waxqabadka ee 9 kii bilood ee lasoo dhaafay.
Kulankan qiimaynta waxqabadka ayaa waxaa shir_gudoominayey Wasiir ku-xigeenka Xafiiska xirfadaha iyo shaqo-abuurka DDS Marwo Hibo Axmad, halkaas oo wasiirada iyo kooxdii (teamkii) lasocotay ay maamulka kuliyada kagaga dhagaysteen warbixinta waxqabadka 9 kii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo laga duulayo qorshihii guud ee Diribadha lagusoo kala sexeexday.

Qiimaynta warbixinta kadib teamkii ka socday xafiiska xirfadaha iyo shaqo-abuurka DDS iyo oo ay weheliyaan Maamulka kuliyadu waxay soo kormeereen Kuliyada guud ahaan iyagoo ukuur galayay geedi socodka guud ahaanba shaqooyinka kuliyadu hayso.

Ugu dambayn hogaaminta xafiiska ee qiimaynta utimid ayaa bogaadiyey habsami usocodka shaqooyinka iyo dadaalada ay kuliyadu wado sidookalena, ku talo iyo tusaale bixiyay in wixii goldolooloyin ah ama laga gaabiyey 9 bilood ee lasoo dhaafay in rubuca ka hadhay sanad miisaaniyadeedka 2015ka lagu dhamaystiro ama lagu saxo.

Tuulooyinka ay fatahaaduhu saameeyeen ee Dagmada Mustaxiil ayaa la gaadhsiiyay raashiin Loogu talagalay qoysaska ay fata...
04/05/2023

Tuulooyinka ay fatahaaduhu saameeyeen ee Dagmada Mustaxiil ayaa la gaadhsiiyay raashiin
Loogu talagalay qoysaska ay fatahaaduhu

Saameeyeen waxaana gargaarkan Ka Faa'iidaysanaya 1862 qoys. Toddoba Ka mid ah
Tuulooyinka daadadku dhibaateeyeen ayaa

Raashiinkan la gaadhsiiyay iyadoo la Adeegsanay Doomo uu xafiisku ugu talagalay in La adeegsado xilliyada fatahaaduhu dhacaan

Deegaanka Tigray : Warshadihii wax soo Saarka oo dib loo furayoMaamulka kumeel gaadhka ah ee deegaanka Tigray ayaa sheeg...
04/05/2023

Deegaanka Tigray : Warshadihii wax soo Saarka oo dib loo furayo

Maamulka kumeel gaadhka ah ee deegaanka Tigray ayaa sheegay in isku hawlayaan sidii dib loogu hawlgalin lahaa warshadihii wax soo Saarka ee kuyaalay.

Wasiir kuxigeenka xafiiska warshadaha ee maamulka kumeel gaadhka ah Mahari Gebre Mikaa'iil ayaa Sheegay in hawsha dib u hawlgalinta warshadihii ku wax-yeeloobay dagaaladii waqooyigu ay Daba socoto heshiiskii nabadeed ee dhawaan ay Kala saxeexdeen dawlada dhexe iyo xoogagii Tigray.

Jarar Times
Jigjiga Ethiopia

Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar oo kulan dardaaran ah la yeeshay golaha kaabineetka Dowlad Deegaanka Sooma...
04/05/2023

Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar oo kulan dardaaran ah la yeeshay golaha kaabineetka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Dardaarankan ayaa kusoo aaday wakhti golaha wasiiradu ay dhawaan safar ku tagi doonaan gobollada iyo maamul-magaalooyinka Deegaanka si ay usoo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ay bulshadu ku sugantahay.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaana usoo jeediyay masuuliyiintan inay si dhow ugu kuurgalaan xaaladda bulshada islamarkaana kulamo kala duwan la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada si loo ogaado baahiyaha iyo tabashooyinka ay qabaan. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyay inay wacyigalin ka sameeyaan arrimo ay kamid yihiin caafimaadka; sidii bulshada loogu baraarujin lahaa xanuunada dillaaca wakhtiga lagu jiro xilli roobaadka iyo beeraha iyaga oo ka faa’iidaysanaya wakhti roobaadka lagu jiro.

Dhanka kale, kulankan ayaa golaha kaabineega warbixin kooban laga siiyay xaaladda guud ee Deegaanka iyo dalkuba ku jiraan.

Somali

Guddiga maaraynta ee Xafiiska Maaliyadda DDS ayaa ansixiyay awaamiirta dib loo habeeyay ee hanaanka iibka dowladda.Kulan...
10/01/2023

Guddiga maaraynta ee Xafiiska Maaliyadda DDS ayaa ansixiyay awaamiirta dib loo habeeyay ee hanaanka iibka dowladda.

Kulankani oo ay kasoo qaybgaleen guddiga maaraynta ee Xafiiska Maaliyadda DDS ayaa ah ansixinta awaamiirta dib loo habeeyay ee hanaanka iibka dowladda taasi oo hadda kahor caqabad ku ahaa nidaamka iibka. Waxayna ansixinta awaamiirtani tahay mid lajaanqaadaysa dhamaanba deegaanada dalka taasi oo ah nidaam horseedaya islaxisaabtan dhab ah iyo xoojinta nidaamka maamulka iibka.

Kumannaan ciidan ayaa maanta ka qalin-jabinaya Kuliyada tababarrada booliska ee Garab-case. Madaxweynaha DDS, mudane Mus...
10/01/2023

Kumannaan ciidan ayaa maanta ka qalin-jabinaya Kuliyada tababarrada booliska ee Garab-case.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa hadda usoo xidhaya tababar in muddo ah usocday kumannaan ciidan oo ah dufcadii 13aad ee ciidanka xoogga gaarka ah ee DDS iyo dufcadii 22aad ee ciidanka fadaraal booliska dalka.

Ciidamadani ayaa soo bandhigay xirfadihii tababarnimo ee ay mudada qaadanayeen waxaana munaasibadda tababarkani loogusoo xidhayo kasoo qayb'galay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Komeshinerka Komeshinka Booliska Fadaraalka, Komeshiner Ganaraal Dambalash Gabra Mikael, Hoggaanka Nabadgelyada DDS, mudane Dayib Axmed Nuur masuuliyiin iyo marti-sharaf kala duwan.

Ciidankani ayaa door muhiim ah ka qaadan doona sugida amniga xudduudaha deegaanka, ka hortagga iyo la dagaalanka fal-danbiyeedyada magaalooyinka, kooxaysiga iyo isticmaalka maandooriyaha xashiishada oo dhammaantood xukuumadda deegaanku kasoo saartay awaamiiro adag si xasiloonida bulshada loo sugo. Isbaddalka kaddib waxa ay dufcadani 13aad ee ciidanka xoogga gaarka'ihi noqon doontaa midii afaraad ee qalin-jabisa taasi oo ka dhigan in ciidanka tiro, tayo iyo akhlaaq ahaanba loo dhisay si bulshada ay qaab naxariis leh ugu adeegaan.

Xigasho

Warbixinta Waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay ayaa ka bulaabatay Madasha kulamada dhagaxbuur
10/01/2023

Warbixinta Waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay ayaa ka bulaabatay Madasha kulamada dhagaxbuur

Address

Jijiga

Telephone

+254722580130

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when C/risaaq Idaajaa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to C/risaaq Idaajaa:

Share