SRTV Somali

SRTV  Somali SRTV Somali
(1)

20/09/2025

Hay’ada Hormuud oo ka shaqaysa taakulaynta haweenka dhibanayaasha ah ayaa shaqo abuur u samaysay 4 shirkadood oo haween ah.

20/09/2025

Masuuliyiinta Mashruuca LLRP ee Dalka iyo Deegaanka iyo xubno ka socday Bangiga Aduunka ayaa soo kormeeray mashaariicda uu mashruuca LLRP ka fuliyay degmada Bilcilbuur.

20/09/2025

Warka 8-da Fiidnimo, tabinta: Xamdi Maxamuud

20/09/2025

Munaasabad lagu soo dhawaynayay qaab dhismeedka cusub ee Deegaanka laga hirgaliyay gaar ahaan Maamulka Magaalada Shilaabo ayaa ka qabsoontay magaaladaasi.

20/09/2025

Munaasabada soo dhawaynta degmada cusub ee Buuladari ee gobolka Faafan ayaa si heer sare ah uga qabsoontay xarunta degmadaasi.

Jaamacada Horn International College laanteeda Doollo-addo ayaa xaflad qalinjabin ah u qabatay 420 arday oo ah dufcadii ...
20/09/2025

Jaamacada Horn International College laanteeda Doollo-addo ayaa xaflad qalinjabin ah u qabatay 420 arday oo ah dufcadii 9aad ee ka qalinjabisa jaamacada.

Munaasabadan qalinjabinta dufcada 9aad ee jaamacada Horn International College laanteeda Doollo-addo oo ka qabsoontay madasha kulamada degmada waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta degmada, maamulka jaamacada, waalidiinta ardayda qalinjabisay iyo martisharaf kale, ardaydan qalinjabisay ayaa kala ahaa 216 qaybta degree-ga ah iyo 204 diploma ah. Waxayna barteen culuunta kala ah kalkaaliye caafimaad, nafaqaynta aadamaha, umulisonimo, maaraynta cududa shaqaalaha, hab maamulka iyo xisaabaadka.

Masuuliyiinta degmada Doollo-addo iyo maamulka sare ee jaamacada oo hadalo ka jeediyay munaasabadii qalinjabinta dufcadan 9aad ee jaamacada ayaana ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay bulshada ugu adeegaan cilmigii ay barteen.

G/ Jarar | Masuuliyiin isugu jirta heer deegaan iyo heer federaal ayaa kormeer kusoo maray adeegbixinta iyo guulaha Xisb...
20/09/2025

G/ Jarar | Masuuliyiin isugu jirta heer deegaan iyo heer federaal ayaa kormeer kusoo maray adeegbixinta iyo guulaha Xisbiga Barwaaqo uu qabtay.

Wafdi uu horkacayo Madaxa Waaxda Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee Dalka Mudane Fiqaadhu Tasama ayna wehelinayaan Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Eng. Maxamed Shaale Isaaq iyo masuuliyiinta gobolka Jarar iyo degmada Birqod ayaa soo kormeeray adeegbixinta xafiisyada degmada Birqod, waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha iyo iskaashatooyinka ku hawlan waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha sida shaqashada digaaga, shinida, naaxinta xoolaha iyo sidoo kale nursingiga magaalada, dugsi ay bulshadu iskaashi ku dhistay iyadoona la adkaynayo barnaamijyada dhaqo oo dheefso iyo dalag iyo daryeel.

SRTV

Masuuliyiinta Mashruuca LLRP ee Dalka, kuwa Deegaanka iyo  xubno masuuliyiin ah oo ka socotay Bangiga Aduunka ayaa soo i...
20/09/2025

Masuuliyiinta Mashruuca LLRP ee Dalka, kuwa Deegaanka iyo xubno masuuliyiin ah oo ka socotay Bangiga Aduunka ayaa soo indho'indheeyay mashaariicda uu LLRP ka fuliyay degmada Bilcilbuur ee gobolka Jarar.

Kormeerkan ayaa darnaa sidii loo qiimayn lahaa qaabka looga faa'iidaysanayo mashaariicda kala duwan ee Mashruuca LLRP ka fulinayay degmada gaar ahaan biyogalinta magaalada, danwadaagta xoolo-dhaqatada iyo ballaadhinta xarunta caafimaadka degmada Bilcilbuur.

Maareeyaha Mashruuca LLRP Mudane Mukhtaar Cabdi ayaa sheegay in ujeeddada kormeerkoodu daarnaa sidii ay deeqbixiyayaashu u soo arki lahaayeen mashaariicaha kala duwan ee uu mashruuca LLRP ka fuliyay degmada Bilcilbuur, kuwaas oo lagu saleeyay hadba siday baahidu u kala darnayd, isagoona sheegay in ay boogaadiyeen deeqbixiyayaashu shaqada balaadhan ee uu mashruucu ka fuliyay degmada.

Mashruuca LLRP ayaa diirada saara horumarinta bulshada xoolo-dhaqatada iyo xoolo-dhaqato beeralayda sidii wax ka badal loogu samayn lahaa habnololeedka bulshada.

20/09/2025

Baahinta Galabnimo ee Wararka Dalka||SRTV|| tabinta:Muntaha Xasan.

Hay’adda Hormuud oo ka shaqaysa taakulaynta gabdhaha dhibanayaasha ah ee ay tacadiyadu kasoo gaadheen xukunkii h**e ayaa...
20/09/2025

Hay’adda Hormuud oo ka shaqaysa taakulaynta gabdhaha dhibanayaasha ah ee ay tacadiyadu kasoo gaadheen xukunkii h**e ayaa shaqo-abuur u samaysay 4 shirkadood oo ka kooban 20 qoys, kuwaas oo ka kala shaqeeya malabka, xoolaha, dalagga beeraha iyo maceeshada suuqa.

Hay'adda ayaa magaalada Jigjiga ugu qabatay shirkadahan shaqo-abuurka loo sameeyay kulan ku saabsan fahamka ganacsiga iyo ka faa'iidaysiga fursadaha shaqi-abuurka ee loo sameeyay iskaashatooyinkan oo laga soo kala xulay qaar ka mid ah gobollada Deegaanka.

SRTV

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa ka qabsoontay Maamulka Magaalada Shilaabo.Munaasabadan xafladda oo ay kasoo...
20/09/2025

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa ka qabsoontay Maamulka Magaalada Shilaabo.

Munaasabadan xafladda oo ay kasoo qaybgaleen
Wasiir kuxigeenka Xafiiska Madaxwaynaha DDS Mudane C/risaaq Sayid, Wasiirka Xafiiska Waraabka DDS, Mudane Maxamed Faatax Maxamed, Wasiirka Hanti dhawrka Guud DDS,
Mudane Maxamuud Yuusuf iyo sidoo kale Masuuliyiin heer deegaan ah, kuwa gobolka Qorraxay, Gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Qorraxay, Odayaal-dhaqameed, Qurbajoog iyo Marti Sharaf kale.

Munaasabadan ayaa ah daahfurka Maamulka Magaalada Shilaabo oo dhawaan ay ansixiyeen golaha fulinta Deegaanka iyo Golaha Xildhibaanada, intii ay socotay munaasabadan fanaaniinta Deegaanka ayaa kusoo bandhigay madadaalo iyo heeso ay ugu talagaleen Maamulka Magaalada Shilaabo.

SRTV

20/09/2025

Magaalada Dhagaxbuur waxaa ka qabasoomay kulan wacyigalin ah oo kusaabsan hawlaha shaqada xoogsatada mashruuca shabakada badbaadada waxsoosaarka iyo shaqada (UPSNJP) ee qaybta miisaaniyada dawladda.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRTV Somali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share