04/09/2026
Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka DDS ayaa Abaalmarinno Guddoonsiiyey Shaqaalaha Hormuud ah ee xafiiskaasi
Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka DDS ayaa munaasabad dhiirigelin iyo abaalmarin iskugu jirta u qabtay shaqaalaha hormuudka ka ahaa shaqooyinkii xafiisku qabtay sannad-miisaaniyadeedkii 2018.
Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Xafiiska, Mudane Maxamed Cali Maxamed, agaasimayaal iyo shaqaalaha waaxyaha kala duwan, ayaa lagu maamuusay shaqaalihii muujiyey dadaal iyo waxqabad muuqda.
Wasiirka ayaa shaqaalaha kula dardaarmay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, si qorshaha xafiiska ee sannad-miisaaniyadeedka 2019 t.i. looga gaadho natiijooyin wax-ku-ool ah.
Ugu dambayn, shaqaalaha hormuudka ah ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin sharaf iyo abaalmarinno kala duwan, iyadoo munaasabaddan lagu tilmaamay mid dhiirigelinaysa dadaalka iyo waxqabadka shaqaalaha.