31/10/2025
ee Baabili -Hoyga Duurjoogta
Seeraha Baabili waa goob dabiici ah oo si gaar ah loogu sameeyay ilaalinta iyo daryeelka maroodiyada iyo duurjoogta kale ee ku nool deegaankaas.
Sida uu sheegay madaxa Seeraha, tirakoob la sameeyay sannadkii h**e ayaa muujiyay in ku dhawaad 200 maroodi ay ku nool yihiin Seeraha Baabili. Marka lagu daro maroodiyada, goobtu waxay hoy u tahay 31 nooc oo xayawaanno duurjoog ah, in ka badan 225 nooc oo shimbiro ah, iyo 238 nooc oo dhir ah.
Seeraha Baabili wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 6,982 kiiloomitir oo laba jibbaaran, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ilaalinta duurjoogta ee dalka.
Waxaa si weyn hoos ugu dhacay ugaadhsiga sharci darrada ah, taasoo ay sabab u tahay iskaashi dhow oo lala yeeshay dadka deegaanka iyo hoggaamiyeyaasha si loo ilaaliyo duurjoogta iyo khayraadka dabiiciga ah.
Maamulka Seeraha ayaa sheegay in dadaallada wadashaqaynta bulshada iyo barnaamijyada wacyigelinta ay sii socon doonaan, si loo hubiyo in Seeraha Baabili uu ahaado meel nabdoon oo lagu ilaaliyo hiddaha dabiiciga ah ee dalxiiska.
#
region