20/12/2025
Jigjiga!
Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar Dubad ayaa maanta xadhigga ka jaray mashruuca adeegga Hal-goob (Somali Mesob) oo laga hirgeliyay magaalada Jigjiga ee caasimadda DDS.
Xarunta ayaa laga heli karaa adeegga 9 xafiis oo casriya oo ay ka mid yihiin xafiisyada Dakhliga, Maal-geshiga iyo warshada, Ganacsiga, Laanta socdaalka, Cadaaladda iyo kuwo kale.