Shirkada Dhismaha Jidadka Ee D.D.S

Shirkada Dhismaha Jidadka Ee D.D.S Shirkada Dhismaha Jiddadka Ee D.D.S (Dhismaha Waddoyinka D.D.S)

07/05/2025
07/05/2025
Jig-jiga Duugato/Miyaasiya 28/2017********Waxaa Madasha Shirarka Xafiiska Horumarinta Waraabka Ka Furmay Kulan-Wadashiya...
07/05/2025

Jig-jiga Duugato/Miyaasiya 28/2017
********
Waxaa Madasha Shirarka Xafiiska Horumarinta Waraabka Ka Furmay Kulan-Wadashiya uu Soo agaasimay Xafiiska Horumarinta Waraabku kulan waxaa qayb ka ahaa shirkada jidadka DDS (Srs Road Enterprise ) kulankan oo lagaga wadada hadlay sidii loo dardargalin lahaa mashruuca Buundada Bandheer ee gobolka libaan, kulan oo uu furay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka Mudane Maxamed Faatax Maxamed oo uu wehelinayo Maareeyaha Shirkada jidadka Mudane Mahad Cabdi dhubad, masuliinta iyo Hawl- wadeena mashruucan gacanta ku haya ayaa isla tilmaamay sida ay lagama maar maan u tahay in si wayn loo dardargaliyo mashruucan sidoo kale Shirkadda jidadka (SRS Road Enterprise ) oo ah shirka dhisaysa mashruucan ayaa bilaabaysa rarista iyo daabulka agabka iyo shaqaalaha xirfadlayaasha ah, diyaarinta goobta iwm,

Ugu dambayn mashruucan ayaa waxwayn ka badli doona isu socodka bulshada ku dhaqan aagaasi,

Manta oo ay Tariikhdu Tahay 30/7/2017 EC. waxaa xilka Loo kala wareejiyay Mareeyahii H**e Ee Shirkada Dhismaha Jidadka E...
08/04/2025

Manta oo ay Tariikhdu Tahay 30/7/2017 EC. waxaa xilka Loo kala wareejiyay Mareeyahii H**e Ee Shirkada Dhismaha Jidadka Eng Nabiiha Subeer iyo Maareyaha Cusub Ee Shirkada Dhismaha Jidadka Eng Mahad Abdi Dhubad xilwarejintas iyo Sogotintas oo Ka Dhacaday Xafiiska Shirkada.

01/04/2025
Hanbalayo  Mohad Abdi Dhubad oo Loo Magacaabay Mareyaha Shirkada Dhismaha  Jidadka Ee DDS Dhamaan Shaqaalaha Shirkada Dh...
01/04/2025

Hanbalayo Mohad Abdi Dhubad oo Loo Magacaabay Mareyaha Shirkada Dhismaha Jidadka Ee DDS

Dhamaan Shaqaalaha Shirkada Dhismaha Jidadka Waxay Ku Leeyihiin Ku Soo Dhawoow Mareeye!!

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS Mudane. Maxamed Faatax oo ay waheliyaan Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee S...
03/03/2025

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS Mudane. Maxamed Faatax oo ay waheliyaan Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Eng. Maxamed Shaalle, maamullada gobolka Afdheer iyo Liibaan iyo xildhibaano heer deegaan ah ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray mashruuca buundada weyn ee togga Farcusbo ee tuulada Alan ee degmada Doollobay ee gobolka Afdheer.

Mashruucan buudadan oo uu hirgaliyay Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS oo dherar ahaan dhan 175 mitir, islamarkaana ay ku baxday miisaaniyad ka badan 140 milyan oo birr ayaa isku xidhaysa ganacsiga iyo isku socodka bulshada degan degmada Baarrey, Doollobay illaa iyo Doolow oo hadda kahor ahaa dhul kala xidhan oo bulshada xilli roobaadka dhibaato badan ku qabtay.

Mushruucan oo ka mid ah mashaariicaha waaweyn ee ay xukuumadu isbadalkii kadib dhistay ayaa waxaa qandaraaska dhismaha buudada qaatay Shirkadda Dhismaha Jidadka DDS halka ay dabagalka iyo naqshadaba ay la haayeen shirkadda hawlaha daraasadka naqshaqadaynta iyo dabagalka.

Geesta kale shacabka tuulada Alan ee degmada Doollobay ee qeybta ka haa xadhig ka jarka buudadan ayaa aad u soo dhaweeyay horumarka loo sameeyay.

03/03/2025
03/03/2025
24/09/2024
Dhirbeerista Qaran ee Halmaalin oo ku beegan Maalinta jimcaha 17/12/2016-ka T.I ayaa guud ahaan dalka laga beeri doonaa ...
23/08/2024

Dhirbeerista Qaran ee Halmaalin oo ku beegan Maalinta jimcaha 17/12/2016-ka T.I ayaa guud ahaan dalka laga beeri doonaa 600 milyan oo geed, halka Deegaanka Soomaalidana laga beeri doono 2.5 milyan oo geed.
*********************************************
Haddaba si loogu guulaysto yoolkaasi dhirbeeriseed ayaa waxa deegaan ahaan la qaatay in mudo 3 cisho oo isdaba joog ah oo ka bilaabmaysa 15/12/2016 illaa laga gaadhayo jimcaha 17/12/2016 in lasii bilaabo dhirbeerista iyo diyaargarawgeedaba.

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Xafiiska Shirkada Dhismaha Jidadka Ee DDS Ayaa Manta Si Wada Jir Ah Uga Sameeyay Dhirbereris Wajahad H**e Ee Xafiiska .


✍️.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shirkada Dhismaha Jidadka Ee D.D.S posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shirkada Dhismaha Jidadka Ee D.D.S:

Share