04/12/2025
Dadka leh ree Boorama ama Gadabuursi waxa ay keliya diiddan yihiin Xeer Ciise oo ma leh ujeeddo kale oo intaas ka weyn, waxaa muhiim ah in ay ogaadaan in arrin kasta oo weyn ay ka bilaabanto dhacdo yar. Tusaale ahaan, wixii ka dhacay Laascaanood waxa ay ka bilaabantay nin la dilay iyo haween ka muddaharaaday, ka dib ayuu isu beddelay halgan ama uu ujeeddo yeeshay. Xitaa haddii waxa ka dhacaya Boorama aanay hadda lahayn ujeeddo dhaafsiisan diidmada Xeer Ciise, dhacdooyinka dambe iyo waxa ka sii dhasha ayaa ujeeddo u yeeli doona.
Intaas waxaa dheer, reer Awdal waa ay lee yihiin qaddiyad weyn oo ay u taagnaayeen waqti dheer, taas oo ah in ay yeeshaan Dawlad Goboleedka Awdal State, si la mid ah sida reer Laascaanood ay muddo dheer u lahaayeen Khaatumo State. Dabcan, duruufta ayaan u saamixi in ay xilli h**e ka dhabeeyaan hirgelinta qaddiyaddaas, oo waxaa hor yaallay caqabado ay u gu horreeyaan midnimo la'aan iyo juquraafiga.
Marka intaas la ga tago, gobolka Awdal waxa uu bedkiisu yahay 21,374 km², halka dadka ku nool yihiin hal malyuun, kuwaas oo qiyaastayda wax ka badan 90% yihiin Gadabuursi. Gobolka Awdal waxa uu ka dad badan yahay marka la is ku qaado dadka deggan Sool iyo Sanaag ee ka kooban Isaaq iyo Harti/Daarood. Haddii ay dadkaasi kacaan, waxaan qabaa in in aan la yaraysan karin oo ay samayn karaan isbeddel aan la filayn.
Itoobiya
Halka cabsi ee aan qabo, ayaa ah in dad badan oo arrintan wada ay ku daaban yihiin Itoobiya oo sida la sheegay hadda ba ciidan keentay xadka, ama waxaa la ga yaabaa in nacaybka ay u qabaan Jabuuti iyo Somaliland uu ku khasbi karo in ay door bidaan ama maciinsadaan Itoobiya. Arrintaasi waxaan ifafaalaheeda aragnay xilligii uu Abiy Axmed bilaabay damaca badda, waxana arrintaas wax ka riixayey dad badan oo reer Awdal ah (Gadabuursi), kuwaas oo ay ku jiraan qolyaha la yiraahdo Awdal State Movement ee uu hoggaamiyo Cali Baxar. Markii ay Somaliland heshiiska is-afgaradka ah la gashay Itoobiya, ayey beddeleen mowqifkoodii oo u weecdeen dhinaca difaaca badda iyo garab-istaagga Dawladda Federaalka Soomaaliya. Dhinacii kale ee reer Somaliland (Isaaq) ee awal ka soo hor jeeday damaca badda Itoobiya, ee ku doodayey in aan bad Soomaaliyeed la siin karin Itoobiya, waxa ay iyagu na beddeleen mowqifkoodii h**e oo waxa ay la safteen xukuumadda Somaliland iyo Itoobiya. Markaa, labadaas dhinac sidaas ayey isu weydaarteen.
Hadda, maxaa la filan karaa?
Waxaa muuqata in Somaliland qaadatay go'aan oo aanay suuragal ahayn in ay mar kale beddelaan ama ka laabtaan, waayo haddii ay mar kale soo saaraan go'aan kale, waxa ay luminayaan haybadda dawladnimada oo ma jiri doonto cid dambe oo wax ka hibaysata. Markaa, waa ku khasban yihiin in ay ku adkaystaan go'aanka ay ku fasaxeen xuska Xeer Ciise. Dhinaca kale, Gadabuursi waxaa la ga fili karaa kacdoon ballaadhan oo ay suuragal tahay in uu isu beddelo dagaal uu dhiig ku daato. Ha se ahaatee, dadka aan la hadlay ee Hargeysa waxa ay qabaan in Somaliland xakamayn karto kacdoonka Gadabuursi oo la gu samayn karo furfurid ama loo adeegsan karo awood ciidan. Waxa ay qabaan in arrintu aanay ahayn tii Laascaanood, maxaa yeelay reer Laascaanood waxa ay haysteen jid u furan oo ay ka helayeen gurmad. Waxa ay sheegeen in ay qaadan doonto maalmo oo xaaladdu ku noqon doonto sidii h**e ee caadiga ahayd. Bal waan eegi doonnaa halka ay wax sal dhigtaan.
By Abdirashid Muse
Independent Observer