Ogaden News Agency ONA

  • Home
  • Ogaden News Agency ONA

Ogaden News Agency ONA Get the latest news and updates from the Ogaden Region here on our official page.
(1)

25/09/2026

Dagaallo khadhaadh oo ka socda dalka Itoobiya yaa galay maalintii saddexaad.

24/09/2026

Xogta dagaalada Ciidamada Isbahaysiga ee Deegaamada Canfarta iyo Axmaarada iyo sheegashooyinka cusub

24/09/2026

Dagaalka ka socda Gudaha Itobiya maalintii labaad oo dhaliyay khasaaro baaxad wayn leh Ciidamada Isbahaysiga oo Guulo dagdag ah gaadhay iyo beesha caalamka oo digniino u dirtay muwadiniinteed ku sugan Adisababa.

24/09/2026

Kaadirka JWXO oo kulan isugu yimid xalay.

Kaadirka JWXO Kulan Isugu Yimid. Waxaa habeenimadii xalay oo Khamiis ahayd qabsoomay kulan balaadhan oo ay isugu yimaade...
24/09/2026

Kaadirka JWXO Kulan Isugu Yimid.

Waxaa habeenimadii xalay oo Khamiis ahayd qabsoomay kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Kaadirka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenia ee ku kala sugan dunida dacaladeeda.

Kulanka oo ku qabsoomay habka isgaadhsiinta ayaa ahaa mid ahmiyad balaadhan lahaa, waxaana soo xaadiray xubnihii ugu badnaa ee kulamada Kaadirka ka qayb gal.

Gudoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenia Dr Cabdiraxmaan Sh Mahdi oo kulanka kasoo qayb galay ayaa xalay laga dhagaystay warbixin balaadhan oo dhinacyo badan taabanayay, wuxuuna gudoomiyuhu xubnaha siiyay xog ku filan oo xilligan ku haboon.

Gudoomiyaha ayaa fasiraad ka bixiyay Isbahaysiga wayn ee JWXO ay kamidka tahay, kaas oo dhawaan lagu dhawaaqay, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in JWXO ay xubin firfircoon ka tahay isbahaysiga.

Kaadirka oo aad ugu baahnaa warbixinta Hogaanka sare ayaa su'aalo waydiiyay Gudoomiyaha, iyagoo helay jawaab ku haboon oo ay ku qanceen.

Sidoo kale xubnaha ayaa laga dhagaystay talo bixino badan, kuwaas oo wax tar u lahaa geedi socodka halganka.

Guntii iyo gunaanadkii xubnihii Kaadirka ee kulanka soo xaadiray ayaa si wayn u taageeray go'aanka taariikhiga ah ee ay JWXO kaga mid noqotay Isbahaysiga diyaarinaya burburinta maamulka Gumaysiga Itoobiya.

ONA.

23/09/2026

“Maalmo dhow kooxda Abiye waxay dareemi doonaan dhab ahaanshaha Isbahaysiga sababtoo ah Abiye asaga ayaa Colaadaha bilaabay waana inuu sidii mingisti ku wayaa Talada”falanqaynta ONA Ubax Tarabi.

23/09/2026

War dag-dag ah Ciidamada isbahaysiga ayaa qabsaday qaybo ka mid ah deegaanka Canfarta iyo deegaanka Axmaarada.iyo
Jabka ciidamada Kornayl Abiy.

23/09/2026

Ciidamada Jabhada Canfarta oo gudaha u galay magaalooyin ku yaala Gobolka Zone 2 iyo shacabka oo si diiran u soo dhaweeyay maamulka Abiye ayaana ku guul daraysatay in uu iska hor geeyo bulshada Canfarta oo ciidamada uu maamulkaasi samaystay ayaa diiday inay la dagalamaan jabahada Shacabka Canfarta.

23/09/2026

“damacaanagu waa inaan abuuraa isbahaysi wayn hada waxaan abuuray isbahaysi waxuuna noqonayaa mid xoog badan taasi waa u jeedadaanada cad ee aan samaynayo qowmiyad walbaa waa ka qayb “

Gudoomiyaha JWXO mar uu la hadlayay Barmaamujka Aljazira waxuu ka hadalay halka ay ku danbaynayso Itobiya waxayna u muuqataa maanta inay joogto wadadii uu Sheegay DrAbdirahman Mahdi ee ahayd xili inay qowmiyad walbaa qadanayso hubka oo lagu duuli Taliska macangaga ah.

Subaxnimada saaka Ciidamada Jabhada Canfarta ayaa weerar ku qaaday magaalooyin ka mid ah deegaanka Canfarra halka maamul...
23/09/2026

Subaxnimada saaka Ciidamada Jabhada Canfarta ayaa weerar ku qaaday magaalooyin ka mid ah deegaanka Canfarra halka maamulka Tigre ay la wareegeen guud ahaan gacan ku haynta garoomada diyaarada .

Itobiya waxay wajahaysaa colaad adag oo ay qayab ka yahiin boqolaal kun oo ciidan ah .

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ogaden News Agency ONA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ogaden News Agency ONA:

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share