08/11/2025
Iska Ilaali Halista, Taariikhdana Dib U milicso.
Sida muuqata waxaa woqooyiga Ethiopia kasoo cusboonaaday dhiilo colaadeed taas oo laga yaabo in ay khasaare badan gaysato.
Hadaba waxaa maanta Magaalada Jigjiga lagusoo bandhigay ciidan tiro badan oo loo diyaariyay colaada woqooyiga.
Inkasta oo ciidanku uu ubadnaa Ethiopian ama buuralayda hadana waxaa macquul ah in ay kujiraan dhalinyaro Soomaali ah oo la doonayo in lagu halaago dagaalo ayna qalin iyo saliid toona ku lahayn.
Dhinaca kale Xogta aan helayno ayaa tilmaamaysa in Xerada Tababarka ee Dagmada Birqod la doonayo in lagu xereeyo dhalinyaro Soomaali ah oo loo carbinayo halaag iyo hoog sidii horayba u dhici jirtay.
Waxaan xasuusanahay kumanaan kun oo wiil oo lagu shubay dagaalkii u dhexeeyay Ethiopia iyo Eritrea, halkaas oo ay noqdeen wax dhinta iyo wax dhaawacma, ayaan daradii dhacday ayaa ahayd in ciidanka laga eryay dhamaan wixii soo hadhay ileen dantii laga lahaa waa laga gaadhay e.
Hadaba dhalinta Soomaaliyeed waxaan uga digaynaa in aan lagu shubin holac isla markaana aan lagu gaadhin dano siyaasadeed.
Dhalinta Soomaaliyeed ha difaacaan dhulkooda iyo shacabkooda, dagaalkaas iyo geeridaas ayaa xaq ah.