11/12/2025
MAAMULKA MADAXWEYNE MUSTAFE CAGJAR & KHATARAHA KA DASHAY HOGAAN XUMADIISA.
Colaadda ka soo cusboonaatay Salaxaad iyo Raaso waxay mar kale iftiimisay sida maamulka Mustafe Cagjar uu ugu fashilmay ilaalinta nabadda iyo midnimada bulshada. Khilaaf ka bilowday qodista ceel—arrin si fudud loo xallin kari lahaa—ayaa maanta isu beddelay xiisad qabiil, sababtoo ah dowladda oo ku lug yeelatay eex, nin-jecleysi, iyo dano siyaasadeed oo gaaban.
Maamulka Cagjar wuxuu caan ku noqday musuqmaasuq, qabyaalad, iyo maamul-xumo, taas oo sababtay in bulshada ehelka ah la isku diro, halkii dowladdu ka shaqeyn lahayd wada-noolaansho iyo nabad waarta. Waxaa nasiib darro ah in la arko saraakiil dowladeed oo u adeegaya dano gaar ah, iyagoo dayacay mas’uuliyadda ilaalinta shacabka.
Gobollada Fafan, Jarar, Qoraxay, Afdheer, Doolo, iyo Erer maanta waxaa ka huraya colaad qabiil oo ay abuurtay siyaasadda kala-qeybinta ee xukuumadda hadda jirta. Tani waa calaamad cad oo muujinaysa in hoggaan xor ka ah qabyaalad, musuq iyo eex uu deegaanka u yahay baahi degdeg ah.
Bulshada deegaanka waxay u baahan tahay hoggaan dhab ah, mid u taagan cadaalad, nabad, iyo midnimo—ma aha hoggaan ku shaqeeya kala-qaybin, dano gaar ah, iyo siyaasad dhiiga iyo xoolaha muslimka lagu xalaashanayo taas o xukumada madaxweyne mustafe cagjar caan ku tahay.