Warsug Somali TV

Warsug Somali TV Warsug Somali TV Welcome to RR Somali TV. Thank You! RR Somali TV

Kuso dhawoow talefishinka RR Somali TV. Mahadsanid! RR Somali TV

It is an independent Somali TV Channel that provides the latest news on local updates, world headlines, political updates, business, and entertainments throughout the whole Somali Community. Waa talefishin xor ah; shaqadisuna ay tahay u adeegida bulshada Somaliyeed. RR Somali TV waxaad ka helaysaa si joogta ah wararka dalka, adunka iyo sido kale barnaamij-yada siyaasada, ganacsiga, tariikhda, iyo madadaalada.

Doorashada DDS : Natiijada Hordhaca ah.Dr. Bashir Sheikh Abdirahman Oo Degmada araarso uga tartamayay golaha deegaanka k...
05/06/2026

Doorashada DDS : Natiijada Hordhaca ah.
Dr. Bashir Sheikh Abdirahman Oo Degmada araarso uga tartamayay golaha deegaanka kana sharaxnaa Xisbiga SFP ayaa helay codad dhan 54,437 Cod, Sida lagu shaaciyay natiijada hordhaca ah.

Dr. Bashiir Sheekh C/Raxmaan (PhD)Ayaa maanta Gaadhay Degmada Araarso ee Gobolka Jarar Halkaas ayay si diiran ugu qaabil...
05/05/2026

Dr. Bashiir Sheekh C/Raxmaan (PhD)
Ayaa maanta Gaadhay Degmada Araarso ee Gobolka Jarar Halkaas ayay si diiran ugu qaabileen Bulshada Degmada Araarso

Khadar Ahmed Tajir Oo Kamid Ah Dhalinyarada Magaalada Jigjiga Kanasoojeeda Beesha Jidwaaq Ayey Ciidamada Liyuu Police Wa...
04/05/2026

Khadar Ahmed Tajir Oo Kamid Ah Dhalinyarada Magaalada Jigjiga Kanasoojeeda Beesha Jidwaaq Ayey Ciidamada Liyuu Police Waqti Habeenimo Ah Ka Afduubteen Gurigiisa.

Xadhiga Axmed Ayaa Sababay Qoraal Uu Kubaahiyey Bartiisa Facebook.

Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Bisle Omar Siyaad, oo ka mid ah dhalinyarada si weyn uga muuq...
27/04/2026

Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Bisle Omar Siyaad, oo ka mid ah dhalinyarada si weyn uga muuqda TikTok iyo Facebook, lagu afduubtay si sharci-darro ah. Waxaa kale o la xaqjiyay in hada u ku xidhanyahay guri ku yaala magaalada jigjiga o ka mid ah xabsiyada qarsoon ee mustafe cagjar isticmaalo.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Bisle la kulmay jirdil culus oo sababay xaalad koma, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahintaas. Dhanka kale, waxaa la sheegayaa inay socdaan dadaallo iyo wada-hadallo lagu sii deynayo.

Mustafe cagjar o amar bixinta lahaa ayaa edeymo h**e, sidoo kale lagu jeediyay maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Mustafe Cagjar, kuwaas oo la xiriira tacadiyo ka dhan ah dadka aragtidooda ka dhiibta siyaasad degaanka Somalida.

Dagaalka ka socda degmada Dheka-suftu ee gobolka Liibaan ayaa ku faafay tuulooyin kala duwan, kaddib markii ay ciidamo b...
22/12/2025

Dagaalka ka socda degmada Dheka-suftu ee gobolka Liibaan ayaa ku faafay tuulooyin kala duwan, kaddib markii ay ciidamo badan oo Oromo ah oo hub culus wata ay goordhoweyd gurmad ahaan ugu yimaaddeen ciidankii saaka weerarka soo qaaday.

Sida ay dad goob-joogeyaal ah u sheegeen KaramaraTV, dagaalka oo saaka ka bilowday Dhuungoo, ayay Oromadu furimo kale ka fureen dhinaca Galool-cadde, iyo goobihii shalay lagu dagaallamay ee Qansax-dheere iyo meelo kale oo u dhow.

Ciidanka Oromada ayaa adeegsanaya hub culus, halka shacabka Soomaaliduna ay sheegayaan in aanay wax gurmad ah helin.

Ciidamada Oromia ayaa si joogta ah duulamo ugu qaadaya xuduuda ay la wadaagaan Soomalida tasoo cadayn u ah qorshaha PP e...
22/12/2025

Ciidamada Oromia ayaa si joogta ah duulamo ugu qaadaya xuduuda ay la wadaagaan Soomalida tasoo cadayn u ah qorshaha PP ee loogu tala galay in Soomalida dhul riix balaadhan lagu sameeyo horaan duulamadan waxay ka socdeen Gobolka Faafan iyo Siti’ isbuucana waxay ku dareen Gobolka Liibaan ayadooy halkaas ku lay_nayaan shacab maamulka Adissababa laga soo maga caabo ee Jigjiga joogana aysa wax kaalin muuqata ah ku tageeraynin Shacabka DDS .

MAAMULKA MADAXWEYNE MUSTAFE CAGJAR &  KHATARAHA KA DASHAY HOGAAN XUMADIISA. Colaadda ka soo cusboonaatay Salaxaad iyo Ra...
11/12/2025

MAAMULKA MADAXWEYNE MUSTAFE CAGJAR & KHATARAHA KA DASHAY HOGAAN XUMADIISA.

Colaadda ka soo cusboonaatay Salaxaad iyo Raaso waxay mar kale iftiimisay sida maamulka Mustafe Cagjar uu ugu fashilmay ilaalinta nabadda iyo midnimada bulshada. Khilaaf ka bilowday qodista ceel—arrin si fudud loo xallin kari lahaa—ayaa maanta isu beddelay xiisad qabiil, sababtoo ah dowladda oo ku lug yeelatay eex, nin-jecleysi, iyo dano siyaasadeed oo gaaban.

Maamulka Cagjar wuxuu caan ku noqday musuqmaasuq, qabyaalad, iyo maamul-xumo, taas oo sababtay in bulshada ehelka ah la isku diro, halkii dowladdu ka shaqeyn lahayd wada-noolaansho iyo nabad waarta. Waxaa nasiib darro ah in la arko saraakiil dowladeed oo u adeegaya dano gaar ah, iyagoo dayacay mas’uuliyadda ilaalinta shacabka.

Gobollada Fafan, Jarar, Qoraxay, Afdheer, Doolo, iyo Erer maanta waxaa ka huraya colaad qabiil oo ay abuurtay siyaasadda kala-qeybinta ee xukuumadda hadda jirta. Tani waa calaamad cad oo muujinaysa in hoggaan xor ka ah qabyaalad, musuq iyo eex uu deegaanka u yahay baahi degdeg ah.

Bulshada deegaanka waxay u baahan tahay hoggaan dhab ah, mid u taagan cadaalad, nabad, iyo midnimo—ma aha hoggaan ku shaqeeya kala-qaybin, dano gaar ah, iyo siyaasad dhiiga iyo xoolaha muslimka lagu xalaashanayo taas o xukumada madaxweyne mustafe cagjar caan ku tahay.

Jigjiga: shalay waxaa la xiray dhalinyaro sameeyay isu-soo-bax nabadeed oo ay ku muujiyeen aragtidooda siyaasadeed. Goob...
11/12/2025

Jigjiga: shalay waxaa la xiray dhalinyaro sameeyay isu-soo-bax nabadeed oo ay ku muujiyeen aragtidooda siyaasadeed. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaar kamid ah dhalinyarada jirdil loo geystay intii ay ku jireen gacanta amniga.

Dowlada federal somaliya o baaq ka so saartay dhacdada Borama.
06/12/2025

Dowlada federal somaliya o baaq ka so saartay dhacdada Borama.

06/12/2025

🔴 WAR DEGDEG AH – Arinta Saylac.

Madaxweynaha Somaliland ayaa gabi ahaanba joojiyay munaasibaddii lagu soo bandhigayay buugga Xeer-Ciise ee magaalada Saylac.
Go’aanka joojinta ayaa yimid kadib shaqaaqadii Boorama ee sababay khasaare naf iyo maal ah.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsug Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Warsug Somali TV:

Share

Category