Faafan Tv

Faafan Tv Ku soo dhawoow Faafan Tv 📺: warbaahin tabisa warar dheelitiran, Barnaamijyo xiiso leh, dhacdooyinka Taagan, Documentryada iyo baadhista.
(4)

Shirwaynaha wacyigelinta Iyo Abaabulka Dakhliga Ee Degmada Haroorays ee gobolka faafan. Waxaa maanta Degmada Haroorays e...
10/09/2026

Shirwaynaha wacyigelinta Iyo Abaabulka Dakhliga Ee Degmada Haroorays ee gobolka faafan.

Waxaa maanta Degmada Haroorays ee Gobolka Faafan ka qabsoomay Shirweynaha Wacyigelinta iyo Abaabulka Dakhliga ee Degmada Haroorays, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta uruurinta dakhliga iyo xoojinta doorka hoggaaminta deegaanka.

Shirweynaha waxaa ka qaybgalay Madaxa Xafiiska Cadaaladda Gobolka Faafan, Mudane Axmed Sayid Ismaaciil; Guddoomiyaha Degmada Haroorays, Mudane Maxamed Abshir; Madaxa Xafiiska Dakhliga Degmada Haroorays, Mudane Farxaan Mahad Dayib, iyo sidoo kale hoggaaminta qabaleeyada iyo maamulka Degmada Haroorays.

Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay dedaalladii iyo waxqabadkii laga sameeyay uruurinta dakhliga, iyadoo bogaadin loo jeediyay hoggaaminta qabaleeyada iyo maamulka degmada kaalintii ay ka qaateen hirgelinta qorshihii dakhliga ee SM 2018 T.I.

Sidoo kale, hoggaaminta qabaleeyada waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta iyo mudnaanta siinta qorshaha dakhliga ee SM 2019 T.I., si loo xoojiyo dakhliga iyo adeegyada horumarineed ee degmada.

Gabagabadii shirweynaha, abaalmarinno kala duwan ayaa la guddoonsiiyay qabaleeyadii hormuudka ka noqday uruurinta iyo soo xareynta dakhliga sanadkii 2018 T.I., kuwaas oo si wanaagsan u gutay waajibaadkii loo igmaday.

Sidoo kale, abaalmarinno ayaa la guddoonsiiyay qaar ka mid ah hoggaaminta Degmada Haroorays oo muujiyay dadaal, firfircooni iyo waxqabad muuqda intii lagu guda jiray hawlaha uruurinta dakhliga ee sanadkii 2018 T.I.

Shirweynahan abaabulka dakhliga ayaa qayb ka ah xoojinta wacyigelinta bulshada, dardargelinta uruurinta dakhliga iyo horumarinta adeegyada degmada.

10/09/2026

Aqoonyahan Yusuf mohamed Osman ahna Madaxweyne-ku-xigeenka Golaha Dhalinyarada Dalka, ayaa beeniyay qoraal been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo la xiriiray Wadatashigii Qaranka iyo doorka Soomaalida.

Aqoonyahan Yusuf mohamed ayaa caddeeyay in qoraalkaasi aanu waxba ka jirin, isla markaana aanu ka tarjumayn hadalkiisa, mowqifkiisa iyo aragtidiisa ku aaddan Wadatashigii Qaranka.

Wuxuu ugu baaqay bulshada inay ka feejignaadaan wararka iyo qoraallada aan la hubin, gaar ahaan kuwa laga faafinayo arrimaha xasaasiga ah ee khuseeya bulshada DDS.

Maxkamadda Sare ee Gobolka Faafan iyo Maxkamadda Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay munaasabad ballaadhan oo ay...
10/09/2026

Maxkamadda Sare ee Gobolka Faafan iyo Maxkamadda Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay munaasabad ballaadhan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen hogaaminta sare ee Hay’adda Garsoorka DDS.

Munaasabadda ayaa qayb ka ahayd hawlaha tabarucaadka ee bilaha xagaaga, kuwaas oo guud ahaan Deegaanka Soomaalida ka socday, waxaana lagu qabtay barnaamijyo isugu jiray ol’ole nadaafadeed, dhir-beeris iyo ku-deeqista dhiigga.

Munaasabadda oo ku beegnayd 5-ta Baaggume, Maalinta Mustaqbalka, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee DDS, Mudane Cabdirakiim Axmed Aadan, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Guud, Mudane C/Kariin Axmed Maxamuud, guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee gobollada Deegaanka iyo garsoorayaal ka kala socday heerarka kala duwan ee garsoorka.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale qayb ka ahaa diyaar-garowga sannad-shaqeedka cusub iyo dib-u-furitaanka maxkamadaha, iyadoo lagu xoojinayo nadaafadda, bilicda goobaha shaqada iyo abuurista jawi ku habboon adeeg-bixinta garsoorka.

Gabagabadii, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Guud ee DDS ayaa hoggaaminta maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka kula dardaarmay inay sii xoojiyaan hawlaha tabarucaadka, ilaalinta bilicda goobaha shaqada iyo abuurista jawi shaqo oo wanaagsan, si loo horumariyo adeegyada garsoorka ee loo fidiyo bulshada.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Fulinta DDS ee sannad...
10/09/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Fulinta DDS ee sannad-maaliyadeedka 2019 T.I., kaas oo ay horyaalleen laba ajande oo kala ah:

1. Kala-warqaadashada xaaladaha guud ee amniga iyo dakhliga; Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa sheegay in amniga deegaanku suganyahay, isaga oo xusay in ilaha dakhliga iyo kordhinta dakhliga gudaha ay laf-dhabar u yihiin hirgelinta qorshayaasha horumarineed, xoojinta isku-filnaanshaha dhaqaale iyo sugidda amniga. Waxa uu sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo in la ballaadhiyo ilaha dakhli-ururinta, lana kordhiyo hufnaanta maamulka iyo ururinta dakhliga.

2. Hirgelinta siyaasadda isbeddelka beeraha iyo xoolaha;Golaha ayaa sidoo kale loo soo bandhigay daraasad laga sameeyay heerka tayada biyaha iyo ciidda, taasi oo lagu qiimaynayay heerka xaaladdooda iyo tayada, si loo ogaado heerka ay marayaan, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo ilaaliyo loona horumariyo wax-soo-saarka beeraha.

TACSIInnaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.Eebbe naxariistiisa Janno ha ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ha ka sii...
10/09/2026

TACSI

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Eebbe naxariistiisa Janno ha ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ha ka siiyo Marxuum Sheekh Axmed Sayid Sheekh Xasan, oo xaqii uu goor dhowayd ku yimid.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa iyo asxaabtiisa, anigoo Alle uga baryaya inuu dhammaanteen naga siiyo samir iyo iimaan taam ah.

Sheekha Allaha u naxariisto. dambigiisana Alle ha u wada dhaafo. marti la jecel yahay Allaha ka dhigo, qabriga daaqad jannaad ha uga furo. Jannatul Fardowsana Allaha ka waraabiyo. Aamiin

Waa geeri xanuun badan, oo qalbiyadeena wada taabatay runtii. Alle hakuu naxariisto, dembigaagana ha dhaafo, Janno-Firdowsana hoygaaga ha ka yeelo. Aamiin 🤲😭

10/09/2026

Sheikh Nooreen Mohammed Sadiiq, Alle ha u naxariisto, hana u dambi dhaafo ayaa codkiisa quruxda badan ku akhrinaya aayadda 16-aad ee Suuradda An-Naml:

> وَوَرِثَ سُلَيْمَانُ دَاوُودَ ۖ وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ الطَّيْرِ...

Akhris ay ka muuqdaan khushuuc, xasillooni iyo cod qalbiga si qoto dheer u taabanaya. 🤍📖

Alle ha u naxariisto Sheekh Nuurayn Maxamed Sadiiq, hana ka yeelo Qur’aankii uu akhriyey mid u noqda iftiin, xasanaad iyo ajar aan go’in. 🤲🏽

09/09/2026

Confirmed ✅️

Qabribayax: Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laanta DDS oo kormeer shaqo ku tegay MagaaladaWafdi b...
09/09/2026

Qabribayax: Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laanta DDS oo kormeer shaqo ku tegay Magaalada

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laanta DDS, Eng. Maxamed Shaalle Isaaq, ayaa kormeer shaqo ku tegay Magaalada Qabribeyax.

Wafdiga ayaa kulan la qaatay hoggaaminta Maamulka Magaalada Qabribeyax, iyadoo kulanka lagu soo qaaday arrimo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, mashaariicda horumarineed, dakhli-ururinta, amniga iyo hirgelinta hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo.

Masuuliyiinta ayaa kulanka kadib kormeer ku sameeyay mashaariic kala duwan oo ka socda magaalada, oo ay kamid yihiin dhismaha jidka laamida, biyo-gelinta magaalada, Xarunta Adeegga Hal-Goob (MESOP), waddooyinka dhagax-qoran iyo kuwa carro-dhagaxda ah, hawlaha guryaynta iyo dhismaha Jaamacadda Sportiga.

Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laanta DDS, Eng. Maxamed Shaalle Isaaq, ayaa masuuliyiinta magaalada siiyay talooyin iyo tilmaamo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka socda, loona xoojin lahaa hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Kormeerka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Magaalada Qabribeyax.

09/09/2026

Tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimdu waa amniga iyo hay'adaha amniga Deegaanka soomaalida.

Sidaas daraadeed waxaan idinka mahad-naqayaa amniga aanu anagu sheegano maalin walba anagoo xukuumadda hogaaminteeda ah, ee aan ka hadalno. wuxuu ku yimid dadaalka idinku aad muujinaysaan iyo naf-hurista xagiina ka timid.

Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muhumed Omer oo la hadlayey Ciidamada Booliska DDS mar uu tababar u soo xidhiyey.

Munaasabada 4-ta bisha Baagume, oo halkudheg looga dhigay “Maalinta Midnimadu waa Maalinta Dib Usoo Kabashada Itoobiya"....
09/09/2026

Munaasabada 4-ta bisha Baagume, oo halkudheg looga dhigay “Maalinta Midnimadu waa Maalinta Dib Usoo Kabashada Itoobiya". ayaa lagu qabtay Jigjiga

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumadda deegaanka oo ay ka mid yihiin Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awoodda ee Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Mudane C/raxmaan Axmed Xasan, Wasiirka Xafiiska Warfaafinta DDS Mudane Maxamed Aadan Daahir, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed Ibraahin, Wasiirka Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Marwo Warsan Cawil, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada DDS Mudane Qabdiid Cabdi Cumar iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda kasoo qaybgalay macallimiin, waalidiin, arday, ururrada bulshada, bahda fanka iyo martisharaf kale.

Address

Jijiga
251

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faafan Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Faafan Tv:

Shortcuts

Share

Category