Faafan Tv

Faafan Tv Faafan Tv is a Leading Somali Tv, Channel Faafan Tv/Horyaalka Warfidiyeenada DDS.

Waxaa degmada Harawa ka qabsoomay kulan balaadhan oo looga hadlayay adkaynta nabadgalyada.Kulanka oo ahaa mid looga hadl...
13/12/2025

Waxaa degmada Harawa ka qabsoomay kulan balaadhan oo looga hadlayay adkaynta nabadgalyada.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay adkaynta nabadgalyada iyo sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha keenaya isku dhaca bulshada dhexdeeda oo lagu soo marayay qaar kamida degmooyinka gobolada Siti iyo Faafan ayaa waxaa laga soo bilaabay degmada Ayshaca oo halkaasi kulan lagula yeeshay bulshada qaybaheeda kaladuwan ayaa kadib loosoo gudbay degmada Danbal oo kulan kan lamida lagula yeeshay bulshada, halka degmada Harawa ee gobolka Faafana lagu soo gunaanaday.

Waxaana kulanka kasoo qayb galay masuuliyiin isugu jirta heer deegan, gobol iyo degmo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo abuurka DDS, Wasiirka Xafiiska Caafiimaadka DDS, Wasiirka Xafiiska Jidadka DDS, qaar kamida Hogaaminta labada gobol, degmooyinka la marayay iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxa diirada si gaar ah loogu saarayay kulamadan sidii looga wada tashan lahaa adkaynta nabadgelyada iyo in xaaladaha ka jira dalka dariska aan loosoo gudbin gudaha Deegaanka.

Mas'uuliyiinta oo maalmahan ku gudo jiray kulamo lagu adkaynayo nabadgalyada oo ay la yeelanayeen bulshada degmooyinka Ayshaca, Danbal iyo Harawa ayaa soo gabagabeeyay kulamadaas, iyagoona ugu baaqay bulshada in ay adkaystaan nabadgalyada kana fogaadaan waxyaabaha bulshada kala qaybinaya ee keeni kara nabadgalyo daro, iyagoona sheegay in bulshada ay ku wada nool yihiin nabad ayna ka jirin dhaxdooda wax colaad ah, ayna sidoo kale yihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmi karin, waxaanay ugu baaqeen dadyowga ku hawlan waxyaabaha kala fogaynaya bulshada ee colaadaha abuuraya in ay ka waantoobaan arrimahaasi.

Xafiiska Maamulka Degmada Awbarre oo Lagu sameeyey dib u habeyn iyo dayactir ballaadhan.Xafiiska Maamulka Degmada Awbarr...
13/12/2025

Xafiiska Maamulka Degmada Awbarre oo Lagu sameeyey dib u habeyn iyo dayactir ballaadhan.

Xafiiska Maamulka Degmada Awbarre ayaa wajahaya isbeddel muuqda oo lagu sameeyay bilicdiisa iyo habeyntiisa gudaha, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo goobaha adeegyada dadweynaha.

Shaqadu markay hesho masuul daacad ah oo u qalma, waa hubaal inay bilic, nidaam iyo tayoba kasbato, waana sida uu muujiyey gudoomiyaha Degmada Awbarre, Mudane Mustafe Maxamuud Axmed, oo xafiiska maamulka Degmada awbare u beddelay muraayad ka tarjumeysa isbeddelka iyo hufnaanta maamulka degmada.

Xafiiskan oo hadda noqday goob si habsami leh loogu adeego bulshada, loogana maamulo howlaha muhiimka ah, ayaa dib-u-habeyntiisa casriga ah ay muujinaysaa kartida iyo himilada maamulka degmada ee ku aaddan kor u qaadista adeegyada iyo kalsoonida shacabka.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-Waal ee magaalada Jigjiga ...
13/12/2025

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-Waal ee magaalada Jigjiga si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Kornayl Maxamed Cabdi Geele, oo dhaawac uu ku soo gaadhay difaaca deegaanka awgii muddo toddoba bilood ah ugu maqnaa dalka dibaddiisa xaalad daawayn ah.

Soo dhoweynta Kornaylka waxaa sidoo kale ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda deegaanka iyo saraakiisha Booliska DDS. Madaxweynaha ayaa sheegay in Kornayl Maxamed Cabdi Geele uu tusaale u yahay geesinimada iyo naf-hurnimada lagu difaacayo deegaanka, isagoo bogaadiyay adkeysigiisa iyo doorkii uu ka qaatay difaaca.

Kornayl Geele ayaa hadda dib ugu soo laabtay deegaanka isaga oo xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan, taasoo farxad iyo dhiirigelin u ah shacabka iyo dhammaan ciidamada deegaanka.

Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Koonfurta Itoobiya oo soo gaadhay magaalada Jigjiga.Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxum...
13/12/2025

Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Koonfurta Itoobiya oo soo gaadhay magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, ayaa Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-Waal ee magaalada Jigjiga ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Koonfurta Itoobiya, Mudane Tilahun Kebede.

13/12/2025

Hoggaaminta dhabta ahi waa awoodda hagta bulshada, shaqaalaha ama hay’ad kasta si loo gaaro yool wadajir ah, oo ma ahan kaliya in kursi la fadhiisto, shirar la galo ama qandaraasyo la bixiyo.

Qofka hoggaamiyaha ahi wuxuu garwaaqsadaa in shaqadiisu ugu weyn tahay xalinta khilaafaadka, mideynta aragtiyo kala duwan, iyo dejinta jihada saxda ah ee lagu gaarayo guul wadaag ah.

Shirarka qabiilaysan ee baryahan nagu soo kordhay, kana hor imaanaya nidaamka xisbiga Barwaaqo iyo shuruucda dowliga ah ma aha kuwo loo sii dulqaadan karo, waayo waxay dhaawacayaan xasilloonida iyo wadajirka ay bulshada ku dhisan tahay.

Qof walba oo muwaadin ah waxaa looga baahan yahay inuu ka fogaado shirarka qabiilka ku salaysan ee jebinaya nidaamka xisbiga, oo halkii ay tamar tooda ku bixin lahaayeen kala-qoqobka bulshada, waxan u soo jeedin lahaa inay tamartooda ku taageeraan horumarinta dowladnimada iyo isku xirnaanta bulshada. Taas ayaana ah jidka kaliya ee aan ku ilaalin karno wadajirka, cadaaladda iyo horumarka mustaqbalkeena.

Munaasabadda Ololaha 16-ka Maalmood ee u doodista ka hortagga tacadiyada ku saleysan jinsiga (16 Days of Activism Agains...
13/12/2025

Munaasabadda Ololaha 16-ka Maalmood ee u doodista ka hortagga tacadiyada ku saleysan jinsiga (16 Days of Activism Against Gender-Based Violence) ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoontay magaalada Goday, xarunta gobolka Shabelle.

Munaasabaddan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Xafiiska Caafimaadka DDS, Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo hay’adda Engender, iyadoo ay kasoo qaybgaleen xafiisyada heer deegaan ee bahwadaagta la ah xafiiska caafimaadka sida Xafiiska Cadaaladda, Xafiiska Haweenka & Carruurta, Maamulka degmada Goday, maamulka gobolka iyo Cusbitaalka guud ee magaalada.

Munaasabadda ayaa waxaa furay Agaasinka Waaxda Haweenka ee Xafiiska Caafimaadka DDS, Marwo Fadumo Bidhiye, iyadoo ku baaqday in la mideeyo dadaallada lagu soo afjarayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta. Waxay si gaar ah ugu boorisay dhammaan bahwadaagtada in ay qaataan doorkooda si dhab ahna uga shaqeeyaan xaqiijinta u doodista xuquuqda dadka nugul.

Ololahan oo socon doona muddo 16 maalmood ah, ayaa lagu wacyigelin doonaa bulshada, laguna dhiirrigelin doonaa in la jebiyo aamusnaanta, lana xoojiyo garab istaagga dhibbanayaasha tacadiyada jinsiga.

Santartada Gabogabo ee Degmada Tuliguleed ee Gobolka faafan, dhul hodan ah oo dalxiiska ku habboon.
13/12/2025

Santartada Gabogabo ee Degmada Tuliguleed ee Gobolka faafan, dhul hodan ah oo dalxiiska ku habboon.

Gudiga Maaraynta Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS oo Maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ka...
12/12/2025

Gudiga Maaraynta Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS oo Maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa kawadahadlay ajendeyaal dhowr ah oo ay kamidyijiin:- udiyaargarowga Barnaamijka Guriyaynta Deegaanka iyo dardargalinta Shaqooyinka Rubuca 2aad ee SM2018TI.

Kulanka oo uu hogaaminayay Wasiirka Xafiiska Mudane Axmed Shukri Cabdi, ayaa si balaadhan looga wadahadlay ajendeyaasha horyaalay kulanka. Waxaana si gaar ah loo dul-istaagay islamarkaana si balaadhan loo gorfeeyay Ajedaha laxidhiidha Dib-u-eegista siyaasada iyo Istaraatiijiyada Guriyaynta Deegaanka iyada oo gabagabadiina ladhisay Gudi farsamo (Task force) oo dib-u-eegis kusameeya Siyaasada iyo Istaraatiijiyada guriyaynta islamarkaana soodiyaariya Qorshe faahfaahsan (Road map) oo ay kucadyihiin talaabooyinka laqaadayo iyo hanaanka loo qabanayo shaqooyinka loogu diyaargaroobayo Barnaamijka Guriyaynta Deegaanka oo dhawaan lafilayo in hawlihiisa lagudagalo.

Ugu danbayn, Wasiirka oo kulanka soo gunaanaday, ayaa jihooyin ka bixiyay Ajendeyaasha kulanka oo isugujiray arimo kor looguqaadayo jawiga shaqada Xafiiska islamarkaana lagu dardargalinayo shaqooyinka geedi-socodyada kaladuwan ee Xafiiska.

Degmada Gursum ee gobolka Faafan waxaa saaka kabilowday wareega 4aad ee ololaha talaalka kahortaga cudurka Booliyada. Mu...
12/12/2025

Degmada Gursum ee gobolka Faafan waxaa saaka kabilowday wareega 4aad ee ololaha talaalka kahortaga cudurka Booliyada.

Munaasabad lagu daahfurayay Wareega 4aad ee ololaha talaalka kahortaga cudurka Booliyada ayaa saaka kaqabsoontay degmada Gursum.

Munaasabadaas ayaa waxaa daahfuray kusiisimaha gudoomiyaha degmada Gursum mudane C/casiis Nuur Ibrahim iyo madaxa xafiiska caafimaadka degmada mudane Nasri Nur Carab, waxayna bulshada kunool degmada Gursum kula dardaarmeen inay caruurtooda uga faa'iideeyaan mudada uu socdo ololahani.

Tallaalka Ka hortagga Cuddurka Dabaysha ee Wareeggiisa 4aad oo maanta laga Daahfuray Degmada Shabeelay ee gobolka faafan...
12/12/2025

Tallaalka Ka hortagga Cuddurka Dabaysha ee Wareeggiisa 4aad oo maanta laga Daahfuray Degmada Shabeelay ee gobolka faafan

Waxaa maanta si rasmi ah degmada Shabeelay looga daahfuray ololaha tallaalka ka hortagga cudurka dabaysha (Polio) ee wareeggiisa 4aad. Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa si wadajir ah u hogaamiyay Madaxa xafiiska Caafimaadka Degmada, Mudane Maxamed Cabdi Axmed, iyo kooxda heer deegan ee Xafiiska Caafimaadka oo uu hoggaaminayo Mudane Xussen Maxamuud Jaamac.

Ololahan oo socon doona muddo afar cisho ah ayaa lagu beegsanayaa carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano, iyadoo lagu talaalayay si looga hortago faafidda cudurka dabaysha ee khatarta ku ah caafimaadka caruurta.

Mas’uuliyiinta ayaa bulshada ku booriyay in ay ka faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah, ayna hubiyaan in dhammaan carruurta yar-yar ee ku nool xaafadahooda la gaarsiiyo tallaalka. Tallaalkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo bulsho caafimaad qabta.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Dr. Abiy Ahmed ayaa tilmaamay arrimaha caqabadda ku noqonaya horumarka dalka.1. Caqabada  la xi...
11/12/2025

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Dr. Abiy Ahmed ayaa tilmaamay arrimaha caqabadda ku noqonaya horumarka dalka.

1. Caqabada la xidhiidha jiqurafiyada
2. Caqabada la xidhiidha dhaqanka
3. Caqabada la xidhiidha hay'adaha/ nidaamka

1. Caqabado la xiriira juqraafi ahaan, kuwaas oo saamayn ku leh isku xirka, horumarinta kaabayaal dhaqaale iyo gaarsiinta adeegyada.

2. Caqabado la xiriira dhaqanka, caadooyin iyo fahamyo bulsho oo hor istaagi kara isbeddelka iyo hal-abuurka cusub.

3. Caqabado la xiriira hay’adaha iyo nidaamka qaab-dhismeedka maamulka, isla xisaabtanka iyo fulinta siyaasadaha.

Dr. Abiy Ahmed Ali wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in caqabadahaas si wadajir ah loo wajaho" si dalka loo gaarsiiyo horumar waara.

Kulan lagu qiimaynayey hindiseyaasha Xisbiga Barwaaqo oo maanta Lagu qabtay gobolka FaafanWaxaa maanta gobolka Faafan ka...
11/12/2025

Kulan lagu qiimaynayey hindiseyaasha Xisbiga Barwaaqo oo maanta Lagu qabtay gobolka Faafan

Waxaa maanta gobolka Faafan ka qabsoomay kulan qiimayn ah oo lagu falanqeynayay waxqabadka hal-abuurada Xisbiga Barwaaqo ee bilaha Tiqimti iyo Hidhaar ee sannadkan 2018 (T.I).

Kulankan oo diiradda lagu saaray hawlaha ay qabteen kooxaha taageerada iyo taakuleynta u joogay degmooyinka afartii bilood ee la soo dhaafay, ayaa lagu bogaadiyay natiijooyinka wax-ku-oolka ah ee ay ka keeneen goobihii loo diray, iyaga oo fuliyay shaqooyin muhiim ah oo taabanaya baahiyaha bulshada.

Intii uu socday kulanku, waxa sidoo kale la isla
qiimeeyay shaqooyinka muhiimka ah ee mudan in xooga la saaro si baahiyaha bulshada looga jawaabo.

Ugu dambeyn, waxaa la guddoonsiiyay abaal-marin iyo shahaado sharaf kooxdii dabagalka iyo taakuleynta u joogtay degmooyinka gobolka Faafan, iyadoo lagu dhiirrigelinayo dadaalkooda iyo ka-go’naanta horumarinta deegaanka.

Address

Jijiga
251

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faafan Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Faafan Tv:

Share