13/09/2026
TAARIIKHDA NOLOLEED EE GENERAL CABDIRAXMAAN KHALIIF DHICIS
General Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis, Alle ha u naxariistee, wuxuu ahaa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo soo qabtay xilal ciidan iyo maamul oo kala duwan.
Sanadkii 1938-kii, wuxuu Qur’aanka Kariimka ku bartay isla deegaanka uu ku dhashay. Isagoo dhallinyaro ah ayuu u ambabaxay magaalada Xamar, halkaas oo uu muddo dheer ka sii watay waxbarashadiisa.
Sanadkii 1958-kii, wuxuu u safray dalka Masar, isaga oo sii maray dalka Suudaan. Dalka Masar wuxuu ka galay dugsi sare, kaddib markii uu ka qalin-jabiyayna wuxuu nasiib u helay inuu ku biiro Kulliyadda Dagaalka ee dalka Ciraaq sanadkii 1961-kii.
Sanadkii 1963-kii, wuxuu noqday sarkaal, isagoo kaddib dalka dib ugu soo laabtay kuna biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
Intii uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis wuxuu soo qabtay xilal ciidan oo badan. Wuxuu kasoo bilaabay Taliye Horin, kaddibna wuxuu noqday Taliye Urur, Taliye Guuto, Taliye Gaas iyo Taliye Qayb. Waxa kale oo uu soo qabtay xilal maamul oo ay kamid ahaayeen Guddoomiye Degmo iyo Guddoomiye Gobol, taasoo muujinaysa waayo-aragnimadiisii ballaarneyd ee dhinacyada ciidanka iyo maamulka.
Sanadkii 1975-kii, waxaa loo beddelay Kulliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad, halkaas oo uu ka qabtay xilka Taliye-ku-xigeenka Abaanduulka.
Sanadkii 1976-kii, waxaa loo magacaabay Taliyaha Kulliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad, iyadoo xilligaas uu watay darajada G/sare.
Sanadkii 1980-kii, waxaa loo magacaabay Taliyaha Gaaska 7-aad ee Xudur. Hal sano kaddib, wuxuu mar kale ku soo laabtay xilka Taliyaha Kulliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad.
Intii u dhaxaysay 1984–1985, wuxuu kamid noqday saraakiil sare oo tababar loogu diray dalka dibaddiisa, gaar ahaan Akadeemiyadda Sare ee Istaraatiijiyadda iyo Cilmi-baarista ee dalka Masar, halkaas oo uu ku qaatay tababar sare oo dhinaca milatariga ah.
Sanadihii 1987 ilaa 1989, General Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis wuxuu Taliye Qaybeed ka ahaa Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Laga soo bilaabo 1989 ilaa 1991, wuxuu ahaa Madaxa Hoggaanka Guud ee Sahanka iyo Nabadsugidda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Noloshiisii burburkii dowladdii dhexe kadib
Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, General Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis wuxuu ku noolaa dalka Canada.
Dhowr jeer ayuu booqasho ku yimid Ismaamulka Soomaalida, halkaas oo uu ka qaatay kaalmo muhiim ah oo la xiriirta dhismaha, horumarka iyo nabadgelyada deegaanka.
Geeridii General Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis
General Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis wuxuu kamid noqday masuuliyiin iyo dad shacab ah oo lagu dilay weerarkii 28-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Hotel Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Geeridiisu waxay ahayd mid murugo ku reebtay qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan dadkii yaqaanay, gaar ahaan bahda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariisto General Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis iyo dhammaan intii ku geeriyootay weerarkaas.
Samir iyo iimaan Alle haka siiyo dhammaan eheladii, qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka