Koonfurta & Waqooyiga Jigjiga Media Networks

Koonfurta & Waqooyiga  Jigjiga Media Networks Koonfurta & Waqooyiga Jigjiga Media WARAR SUGAN

Waa sawirada Ciida goobo Itoobiya oo kala ah:Qabena: Woleyta,Gurage,Wolkite,Hosana AdisAbaba,Jimma,Harar,Bahirdar iyo go...
30/03/2025

Waa sawirada Ciida goobo Itoobiya oo kala ah:Qabena: Woleyta,Gurage,Wolkite,Hosana AdisAbaba,Jimma,Harar,Bahirdar iyo goobo kale.

Waa sawirada Salaadii Taraawixda caawa ee Masjidka Nur oo ku yaalla gobalka Halaba ee Degaanka badhtamaha Itoobiya.Waa b...
02/03/2025

Waa sawirada Salaadii Taraawixda caawa ee Masjidka Nur oo ku yaalla gobalka Halaba ee Degaanka badhtamaha Itoobiya.Waa bulsho caan ku ah inay Salaadaha Jamac ku tukadaan, soona buuxiyaan Masaajidka.

Ramadan Mubarak dhamaan dadka muslimiinta ah oo dhan! โœจ๐ŸŒ™Nala wadaag Halkee ku Soomi doonta Ramadankan โ˜ช๏ธ๐ŸŒ™
28/02/2025

Ramadan Mubarak dhamaan dadka muslimiinta ah oo dhan! โœจ๐ŸŒ™

Nala wadaag Halkee ku Soomi doonta Ramadankan โ˜ช๏ธ๐ŸŒ™

๐Œ๐š๐š๐ฒ๐š๐ซ ๐Œ๐จ๐จ๐ ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ ๐ฎ๐›๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐ข๐๐š๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฒ๐ข๐๐ก๐ข ๐ฌ๐ข๐๐š๐ง:Waxa hada I soo gaadhay war igu naxdin badan oo ku ...
02/02/2025

๐Œ๐š๐š๐ฒ๐š๐ซ ๐Œ๐จ๐จ๐ ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ ๐ฎ๐›๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐ข๐๐š๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฒ๐ข๐๐ก๐ข ๐ฌ๐ข๐๐š๐ง:

Waxa hada I soo gaadhay war igu naxdin badan oo ku saabsan dab ka kacay Suuqa Idaacada, waxaan Ilaahay dadkayga uga baryayaa in Allah awoodiisa kaga bakhtiiyo dabkaas. Shacabkana waxaan ugu baqayaa in ay gacan kasta oo suuro gal ah, ka geystaan in aanu dabku fidin lana bakhtiiyo.
Ha lays maqlo oo ha-lays'garabsado inta dadaalka dabka lagu bakhtiinayo socdo. Inteena fogina ducada ha la badiyo Ilaahay baa Awood badane ahe.
Allow dadkayga u gargaar xiligan adag oo dabka ka bakhtii.

02/02/2025
  DEG DEG AH. HAMBALYOโœ…๏ธ.Magacyada Iyo Wajiyada Xubnaha Golaha Wakiilada Ee Xisbiga Barwaaqo Ku Matalaya DDS oo Dhamayst...
02/02/2025

DEG DEG AH. HAMBALYOโœ…๏ธ.

Magacyada Iyo Wajiyada Xubnaha Golaha Wakiilada Ee Xisbiga Barwaaqo Ku Matalaya DDS oo Dhamaystiran.

1. Madaxweynaha DDS Mud. Mustafe Mohumed Omar
2. Madaxwayne Kuxigeenka DDS Mud. Ibrahim Osman Farah.
3. Madaxwayne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo Mud. Adan Farah.
4. Afhayeenada Baarlamaanka DDS Marwo Ayaan Cabdi
5. Ahmed Shide
6. Abdirahman Ahmed
7. Dr. Hussein Hashi Kasim
8. Eng. Mohamed Shalle
9. Abdirahman Eid Dahir
10. Mohamed Fatah Mohamed
11. Mohamed Adan Ismail (Maxamed Sh Adan)
12. Hibo Axmed
13. Khadra Bashiir
14. Mohamed Omar
15. Mohamed Ahmed Naji
16. Dayib Ahmed
17. Faysal Rashiid Omar
18. Halimo Hassan
19. Mohamud Yusuf Macalin
20. Saharla Abdullahi
21. Ibrahin Yusuf Ahmed
22. Mohamed Adan
23._______________

Madaxweynaha Jabuuti ayaa Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ugu hambalyeeyay in mar labaad loo doortey hogaamiyaha xisbiga Bar...
02/02/2025

Madaxweynaha Jabuuti ayaa Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ugu hambalyeeyay in mar labaad loo doortey hogaamiyaha xisbiga Barwaaqo.

Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in tani ay muujineyso taageerada baaxada leh ee shacabka Itoobiya u hayaan aragtida iyo hogaaminta Abiy Ahmed.

W/q Shardiid Macalin.
Voss Tv

Xafiiska Ganacsiga iyo Gadiidka DDs ayaa soo saaray Qiimaha Jaan-Goynta Shidaalka ay ku iibinayaan Kaalmaha Shidaalka De...
08/01/2025

Xafiiska Ganacsiga iyo Gadiidka DDs ayaa soo saaray Qiimaha Jaan-Goynta Shidaalka ay ku iibinayaan Kaalmaha Shidaalka Deeganka .

Waxaa is waydiin leh maxaa ka hirgalay Jaan gooynta xafiisku sameeyay???

AF HAYEENKA ONLF JAWAABTAN COLDOON GADHSIIYA.........Liyuu booliska ma aha Kii shalay aan la dagaalamaynay waa difaaca s...
27/12/2024

AF HAYEENKA ONLF JAWAABTAN COLDOON GADHSIIYA.........
Liyuu booliska ma aha Kii shalay aan la dagaalamaynay waa difaaca shabaka deeganka soomalida waa difaaca galbeedka siti waa difaaca mooyaale mana ahayn in dad walaalahen ee naga dhabar jabiyaan(somalilnd) waana laga gardaranyahay liyuu boolis mana ogalin in la iska laayo.

cadaani hirmooge afhayeenka ururka onlf

Cidakale ee aan wax kadhagaysanayno yay thy marka somaliyeey?

Dablay hubaysan oo kasoo gudubtay Xadka Soomaliland  ayaa maalmihii ugu danbeeyay khalkhal iyo nabadgalyo darro kawaday ...
25/12/2024

Dablay hubaysan oo kasoo gudubtay Xadka Soomaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay khalkhal iyo nabadgalyo darro kawaday gudaha Deegaanka, gaar ahaan dhul daaqsimeedka u dhaxeeya labada degmo ee Xarshin iyo Yoocaale.

Maleeshiyadan ayaa tiro ciidanka Booliska Deegaanka ah oo nabad ilaalin u joogay aaggaas ku laayay maalmo kahor, balse Dawladda Deegaanka Soomaalida oo tixgalinaysa codsi kayimid waxgaradka iyo odayaal-dhaqameedka deegaanka ayaa fursad usiisay cuqaashaas in si nabadgalyo ah xadka looga saaro dablaydaas iyo in sharciga dib loogu soo dabaalo deegaamadaas.balse Nasiib darro, dablaydaas oo ka dhaga adaygay soo jeedinta waxgaradka ayaa saaka weerar kusoo qaaday fadhiisimaha ciidanka Booliska Deegaanka.

Hay'adaha amaanka Deegaanka ayaa ku hawlan gudashada waajibka ka saaran ee soocelinta saraynta sharciga iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Deegaanka.

Dhanka kale, waxaa nasiib darro ah in wasaaradda amniga ee Soomaliland ay si guracan oo kabaxsan daris-wanaaga iyo curfiga dawliga ah uga faalooto arrimaha ka dhacaya gudaha Deegaanka.

Waxaan ku boorinaynaa wasiirka amniga Somaliland inuu joojiyo gogol dhaafkan siyaasadeed, ilaaliyana xidhiidhka darisnimo iyo kan dawladnimo ee qeexaya arimahan oo kale.

DEG-DEG ..Xafiiska Nabadgalyada deegaanka oo war cusub iyo awaamiir ka soo saaray dhacdadii deegaanka dacawalay ka dhaca...
23/12/2024

DEG-DEG ..Xafiiska Nabadgalyada deegaanka oo war cusub iyo awaamiir ka soo saaray dhacdadii deegaanka dacawalay ka dhacay, sidoo kalena sheegay mowqifka dowladda. Xafiisku waxa uu sheegay inay jiraan xoogag qayb ka ah ama si uun u dhiirigalinaya dablayda hubaysan ee ciidanka booliska deegaanka weerarka ku soo qaaday, kuwaas oo ujeeddooyin kala duwan leh. Xafisku waxa uu sheegay in albaabada hay'adaha amnigu u furan yihiin cid kasta oo tabasho qabta, rabtana inay si nabadgelyo ah u soo gudbisato.

"Actors ka danaynaya in uu iska horkeeno kana faa'idaysto isku dhaca dad shacab ah iyo dawladda;

1. Kooxda argagaxisada ah ee alshabaab: oo iyagu ka soo saaray qoraal ay ku dhiiri galinayaan in la la dagaalamo ciidamada dawladda, si ay fursad ugu helaan in xubnahoodu soo galaan dalka Itoobiya iyaga oo gabbaad ka dhiganaya qabiil.

2. Dad aan faham ka haysan deegaankan in soomaali wada leedahay ciidankuna yahay ciidan soomaaliyeed oo haddii ay 10 Askari oo deegaan ka ah meel ku dhintaan, aysan jiraynin 5 isku hayb ah ee ay ka wada kooban yihiin dhamaan dadka ku nool deegaanka ee soomaaliyeed.

3. Dadyaw ay madax martay qabyaaladdu, kuwaas oo aan lahayn damiir, waana kuwa aan dan ka lahayn wada noolaanshaha bulshada.

4. Dadyaw ku qadhaabta ama dhaqaale ku uruursada inay dagaal iyo difaac ugu jiraan danaha qabiilka Iwm, kuwaas oo faldanbiyeed walba oo dhaca ka dhexraadsada dheef iyo macaash, una furta 'Whatsup groups iyo cinwaano baraha bulshadda ah, si ay ugu faafiyaan ficiladooda ka dhanka ah xasiloonida iyo nabadgelyada'.

Mawqifka Dawladda;

Mawqifka Dawladda ee ku aadan sugidda amniga shacabkeeda iyo ilaalinta xuduudaha dalka iyo deegaanka:

1. Dawladda deegaanka waxaa waajib dastuuri ah ka saaran yahay sugitaanka amniga bulshada iyo xuduudaha dalka iyo deegaanka.

2. Dhaqdhaqaaq walba oo koox ama jabhad hubaysan ah kana soo horjeedda wada noolaanshaha bulshada iyo nidaamka dawladeed in ayna ka dhax dhaq-dhaqaaqi Karin gudaha deegaanka.

3. In dawladdu ay kala shaq

MAXAA CUSUB?Siyaasigga Oromo ee Jawhar Mohamed, ayaa waraysi qoto dheer luuqado kala duwan ku bixiyay maalmahan.Wuxuu Do...
23/12/2024

MAXAA CUSUB?

Siyaasigga Oromo ee Jawhar Mohamed, ayaa waraysi qoto dheer luuqado kala duwan ku bixiyay maalmahan.Wuxuu Dowladda usoo jeediyay dhaliilo isagoo ka warbixinayay qaabkii Abiye Ahmed ku yimid iyo burbur Itoobiya soo foodsaara sidda uu ka dhigi karo.

Arrintaas ayaa imanaysa xili lasoo warinayay in laga hor-istaagay Buug uu doonayay inuu kusoo bandhigo Nayroobi, kaas oo loogu magac daray: "K**a qoomameynayo."

Maalmihii tagay Jawhar wuxuu bilaabay inuu soo celiyo qoraaladii lagu yaqaanay isbadalka kahor.Wuxuu maalintii baahinayay qoraalo tiro badan oo dhanka dadka kasoo gaadhayay, kuwaas oo iskugu jiray tacadiyo, dhaliilo iyo xoggo lasoo dusiyay.Xubno kamid ah hoggaaminta PP-da oo si dadban ugu jawaabay ayaa ku dooddaya inuusan xiliga kala garanayn.Waxay leeyihiin: "Maanta shalay maaha, mana jiraan dulmiyadii xiligii EPRDF dadka lagu kicinayay."

Dadka qaarkina waxay wallaac ka muujinayaan geediga cusub ee Jawhar, oo ay u arkaan mid kacdoono iyo caqabado horseedi kara.

Jawhar, ma awoodda inuu abbaabulo kacdoono lamida kuwii horey looga bartay?

W-Q: Macalinka Soomaaliyed (Ms)
Voss Tv

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Koonfurta & Waqooyiga Jigjiga Media Networks posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Koonfurta & Waqooyiga Jigjiga Media Networks:

Share

Category