24/08/2024
XIGMAD
Maamule dugsi ayaa guursaday gabadh ay walaalayihiin nin dugsiga " caretaker" ama dugsi xanaaneeye ka ahaa.
Maamuluhu isaga oo xididinaya seedigii ayaa maalinta uu Macalin maqnaado wuxuu seedigii u diri jirey in uu arday xiisada sii mashquuliyo ama u dhigo.
In yar inyar ayaa ninkii Caretaker ka ahaa ugu siqay macalinimadii ilaa uu Maamulihii ka dhigay Macalin joogta ah oo ka tirsan schoolka isagoo ka faaiidaystay kormeer la'aan jirtay.
Ninkii Maamulaha dugsiga ahaa Waxaa loo dalacsiiyey agaasimaha wax barashada. Isna Intii uu xilka hayey ayuu seedigiisii " caretaker" ka ahaa ka dhigay Maamulihii dugsigii uu joogay.
Muddo ka dib ayaa marlabaad Agaasimihii dalacay oo loo magacaabay Wasiirka waxbarashada, isna seedigii ayuu markale u dalacsiiyey agaasimaha waxbarashada.
Ninkii "caretaker" ka ahaa isaga oo badhaadha iskaga jira oo aan xafiiskiisa lagu kala bixin, koobkiisa Coffee ga ahna miiska loogu keeno, subixiina jaaraaidka isha wada mariya, ayuu isha ku dhuftay, wereegto ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada oo dhamaan macalimiinta iyo a gaasimayaasha lagu ogaysiinaayo in qiimayn lagu samayn doono heerkooda aqooneed iyo shahaadadaha ay sitaan.
Ninkii " caretaker" ka ahaa ee xilka agaasimaha waxbarashada ku magacawnaa ayaa garabkiisa laga kacay madaama uuna aqoon iyo shahaada ku kasban xilka. Telephone kii buu qabsaday oo uu wacay wasiirkii waxbarashada oo ah seedigii iyo ninkii mustafeeyey.
Wuxuu yidhi seedi dee arimuhu way inugu xun yihiin oo wareegtadii aad soo saartay anay ikashifayshaa adna waad ogtahay sidii xaal ahaa.
Wasiirkii wuxuu " caretaker" kii uu habeeyey ee seedigii ahaa ugu jawaabay, " waxba haka werwerin gudiga qiimaynta ayaan Gudoomiye kaaga dhigayaaye"
Nuxurka sheekada wuxuu gunaanadkeedu yahay in aad ogaato sida nidaamku ushaqeeyo, waa halka Somalidu ka tidhaa, " Durbaanku garab kaaga Haku sudhnaado ama gacalka a ha kuu hayo!"