12/09/2026
Trump ayaa yiri: "Xuutiyiintu dagaal nagama doonayaan"
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay Washington la soo xiriireen, iyagoo doonaya in Mareykanku uusan faragelin dagaalka Yemen, isla markaana ay caddeeyeen inaysan danaynayn dagaal ay la galaan Mareykanka. Trump wuxuu sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu ay ballanqaadeen in maraakiibta ay si nabad ah uga gudbi karaan Badda Cas. Hadalkan ayaa imanaya xilli xoogagga ay Sacuudigu taageeraan ee Yemen ay dagaallo adag kula jiraan Xuutiyiint, iyadoo xuutiyiintu dagaalka ka gaareen guulo waawayn taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan mowqifka Washington iyo sababta ay uga gaabsanayso faragelin toos ah oo ay Yemen ka sameeyaan
Xuutiyiintu h**e ayay u sheegeen in maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ay si ammaan ah u mari karaan Bab al-Mandab, balse ay si gaar ah uga digaan ama u bartilmaameedsadaan maraakiibta xiriirka la leh Sacuudiga.
Dagaalka ayaa u muuqda mid aad xasaasi u ah tani oo sucuudiga uga dhigan dhabar jab wayn Maraykankuna uu uga baxay dagaalka xuutiyiintu dhankooda waxay la wareegeen hub aad u tiro badan qayma ahaana sarreeya sida gaadiidka gaashaaman kuwaas oo uu Maraykanku sameeyo.