Hortabin Media

Hortabin Media Yhteystiedot, kartta ja reittiohjeet, yhteydenottolomake, aukioloajat, palvelut, arvostelut, kuvat, videot ja ilmoitukset Hortabin Media, Uutiset ja media -sivusto, Helsinki :ltä.

Hortabin Media is an independent digital-first news agency delivering breaking news, original reporting, and in-depth analysis on global events shaping the world today.

 : Shirkadda duulimaadyada ee SalamAir⁠ ayaa maanta oo Khamiis ah, 3-da Sebteembar 2026, si rasmi ah u billowday duulima...
03/09/2026

: Shirkadda duulimaadyada ee SalamAir⁠ ayaa maanta oo Khamiis ah, 3-da Sebteembar 2026, si rasmi ah u billowday duulimaadyo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka Muqdisho iyo Muscat, caasimadaha Soomaaliya iyo Cumaan.

Duulimaadyadan oo ah markii ugu horreysay ee xiriir duulimaad aan joogsi lahayn uu si toos ah u dhex maro Soomaaliya iyo Saldanadda Cumaan, ayaa la qorsheeyay inay dhacaan laba jeer toddobaadkii.

Shirkadda ayaa sheegtay in qiimaha tigidhka hal jiho uu ka bilaabanayo 79.99 Riyaalka Cumaan, iyadoo adeeggan cusub uu sidoo kale rakaabka u fududeynayo inay Muscat uga sii safraan dalal iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Aasiya.

 : Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal khasaare dhaliyay maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarru...
03/09/2026

: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal khasaare dhaliyay maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarruunta Kumeel Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay fuliyeen howlgal magaalada Baydhabo looga difaacay Ciidamada taabacsan Laftagareen iyo Xubno ka tirsanaa AS.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka abaare 04:15 magaalada Baydhabo ku jabiyey maleeshiyaadka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen iyo Khawaarijta AS oo isku milmay, kuwaas oo weerar ku soo qaaday magaalada” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in aan marna loo dulqaadan doonin in argagax lagaliyo Amniga magaalada Baydhabo.

 : Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan saddex askari oo booliis ah,...
03/09/2026

: Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan saddex askari oo booliis ah, ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dhismo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Afhayeenka ciidanka booliska, Garret Parten, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ninkii weerarka geystay uu isna dhintay, inkastoo aan weli la caddayn qaabka uu u geeriyooday.

Saddex sarkaal oo ka tirsan booliska Minneapolis oo dhaawac ah ayaa iyagana la dhigay isbitaalka Hennepin County Medical Center, Laba ka mid ah askartaas ayaa qaba dhaawacyo rasaas ah, halka sarkaalka saddexaad uu qabo dhaawac fudud.

 : Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijiyay inay si buuxda gacanta ugu hayaan nab...
03/09/2026

: Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijiyay inay si buuxda gacanta ugu hayaan nabadgelyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ka dib dagaal gudaha magaalada ku dhex maray dhinacyo kala duwan.

Sida ay baahisay Warbaahinta maamulka, ciidamada ammaanka ayaa iska caabiyay weerar ay sheegeen inay soo qaadeen xubno ka tirsan AS.

Afhayeen u hadlay ciidanka taabacsan Laftagareen ayaa isna dhankiisa sheegay inay iyagu weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo, taasoo muujinaysa xiisadda xooggan ee ka dhex jirta dhinacyada iska soo horjeeda, Inkastoo maamulku sheegay inay xaaladda dejiyeen, haddana weli waxaa meelaha qaar laga maqlayaa rasaas goos-goos ah oo gudaha magaalada ka dhacaysa.

 : Sagal Cabdi-Waali, oo ah hoggaamiyaha Golaha Camden ee waqooyiga London, ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inay noqoto...
03/09/2026

: Sagal Cabdi-Waali, oo ah hoggaamiyaha Golaha Camden ee waqooyiga London, ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inay noqoto musharraxa Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) uga tartama kursiga baarlamaanka ee Holborn iyo St Pancras, kaas oo uu banneeyay Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Britain, Keir Starmer.

Warbaahinta Britain ayaa werisey in Sagal oo ah gabar asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ay ka mid tahay magacyada ugu cadcad ee loo tixgelinayo doorashada ku-meelgaarka ah, inkastoo Labour uusan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin musharraxa.

Sagal Cabdi-Waali waxay Britain timid iyadoo carruur ah, kaddib markii qoyskeedu Soomaaliya ka soo qaxay, waxaana ay ku barbaartay Camden oo ay muddo dheer bulshada deegaanka uga shaqaynaysay, iyadoo siyaasadda golaha deegaanka si rasmi ugu soo biirtay markii loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Camden sanadkii 2022, iyadoo matalaysa deegaanka Camden Square.

 : Hoggaanka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ku wajahan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ha...
03/09/2026

: Hoggaanka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ku wajahan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalka Mareykanka, xilli ay Somaliland waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah, gaar ahaan taageero uga timaadda dalalka reer Galbeedka iyo kuwa Khaliijka Carabta.

Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu inta uu ku sugan yahay Imaaraadka iyo Maraykanka uu kulamo la yeesho mas’uuliyiin iyo dhinacyo siyaasadeed, si uu ugala hadlo arrimaha la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland iyo sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa aqoonsi la siiyo kadib Isr.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay Mareykanka u direyso wafdi sare, iyadoo ujeeddada safarka lagu sheegay inay tahay ka hortagga dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland ku doonayso inay ku hesho aqoonsi caalami ah.

Dowladda Federaalka ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya, isla markaana aysan jirin cid si gooni ah uga wakiil noqon karta dalka, kadib go’aankii ka soo baxay maamulka Yuhuudda ee ku aadanaa aqoonsiga xukuumadda Hargaysa.

03/09/2026

Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadada hor-marta Xabsiga dhexe ee Xamar

03/09/2026

: Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay Dagaalka Baydhabo ka billawday Waaberigii Saakay, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

03/09/2026

: Dagaal Saakay aroornimadii billawday oo ilaa iminka ka socda Magaalada Baydhabo, iyo Ciidamada Laftagareen taabacsan oo guulo ka sheeganaya dagaalkii ay saakay soo qaadeen.

 : Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saacad...
03/09/2026

: Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay gudaha magaalada uu ka socdo dagaal u dhexeeya maleeshiyaad taageersan maamulkii Laftagareen iyo ciidanka dawladda.

Sida xogaha hordhaca ah lagu helayo, maleeshiyaad la sheegay inay taageersan yihiin maamulkii h**e ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa weerar ku qaaday magaalada Baydhabo, sida uu sheegay afhayeenkoodu.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska horimaad culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa taageersan maamulkii h**e ee Koonfur Galbeed, iyadoo la maqlayo rasaas iyo hub culus, xogaha isa soo taraya ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada weerarka qaaday ay isku dayeen inay la wareegaan qaar ka mid ah goobaha magaalada, balse faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan halka ay hadda marayaan dagaalladu iyo cidda gacanta ku haysa goobahaasi weli lama hayo.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa h**ey u sheegtay in ciidamo iyo maleeshiyaad taageersan maamulkii Laftagareen ay xiriir la leeyihiin kooxaha Al-Shabaab, eedeymahaas oo dhinaca kale uu h**ey u diiday.

Osoite

Helsinki

Hälytykset

Tiedä ensimmäisenä ja anna meille oikeus lähettää sinulle sähköpostitse uutisia ja promootioita Hortabin Media :ltä. Sähköpostiosoitettasi ei käytetä muihin tarkoituksiin, ja voit perua milloin tahansa.

Ota Yhteyttä Yritys

Lähetä viesti Hortabin Media :lle:

Oikopolut

Jaa