26/07/2025
Aamina Binu Wahab markii ay dhashay Nabiga scw waxay aragtay nuur ifaya aadna u cad oo kasoo baxay, waxay aragtay xidigaha oo usoo dhawaanayo, waxaa burburay sanamyadii qureysheed ee Makka yaalay, waxaa gil gishay qasriyadii Kisraa ee Ciraaq, waxaa qalashay Haradii Saawa midaasoo laga waraabin jiray Qasrigii Saba ee Yaman.
Dhirtii oo dhan ayaa midabkeeda isku badalay cagaar, samadii mugdiga aheydna waxay noqotay mid nuur la ifeysa, waxaa damay dabkii weynaa ee Faaris kaasoo mudo kun sano ah shidnaa dhalashadii Nabiga scw kahor, waxaa la rajmiyay shayaadiintii waxaana loo diiday iney samada koraan.
Waxaa argagaxay Ibliis wuxuuna bilaabay inuu ku gaafwareego dhulka asigoo isku marayo mashriq iyo maqrib, wuxuu qarka u saarnaa waali, wuxuuna dareemayay argagax uusan waligiis horay u dareemin, wuxuu isku dayay inuu galo magaalada Makka balse wuxuu ka warhelay magaaladii oo dhinac walba ay malaa'iktii Allaah raxmaanka isku hareereysay, ayagoona gabi ahaanba kahor istaagay shayaadiinta iney Magaaladaas galaan.
Waa dhacdadii ugu weyneyd taariikhda waana maalintii uu dhashay Suubanaheena Muxammed SCW.