Ali Dheere

Ali Dheere NABADAA NAAS LA NUUGO LEH 🇸🇴

31/08/2026

Masagaweyn 16 sano kadib kor ayeey u soo kacday, waa taa culimadeedii xusuusaneeysa.

Mahadsanid Shiiqeyga, Sheikh Said Haji.
Siyaarta Maqbuul Allah ka dhigo.

14/08/2026

💍Hambalyo Aroos wacan 🥰

‎ﺑﺎﺭﻙ ﺍﻟﻠﻪ ﻟﻜﻤﺎ ﻭﺑﺎﺭﻙ ﻋﻠﻴﻜﻤﺎ ﻭﺟﻤﻊ ﺑﻴﻨﻜﻤﺎ ﺑﺎﻟﺨﻴﺮ

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Aroos wacan, Gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax, waxaan hambalyo farxadeed oo aan qoraal lagu soo koobi karin halkan uga dirayaa my bro Dr. Mohamed Othman & Marwadiisa Dumashi Fowsiyo Sheikh Abukar. Wiil iyo caano gabar iyo caano 💍❤️

Hambalyo, waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Walaashey Malyuun Abuukar  oo loo magacaabay Xoghayaha Degmada Xamarjaj...
08/08/2026

Hambalyo, waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Walaashey Malyuun Abuukar oo loo magacaabay Xoghayaha Degmada Xamarjajab, waxaan leeyahay Allah hakuu fududeeyo masuuliyada culus ee laguu igmaday.

28/07/2026

Caweeysin wanaagsan, from Masagaweyn.

19/07/2026

Shaah iyo Sheeko
Masagaweyn, Galcad, Galgaduud.

19/07/2026

Ururka Siyaasadda Ramaas Party ayaa si rasmi ah uga bilaabay wajiga labaad ee ololaha abaabulka iyo wacyigelinta Door-to-Door deegaanka Mesagoweyn, degmada Galcad, Gobolka Galgaduud.

Ololahan ayaa lagu booqanayaa guryaha shacabka iyo goobaha ganacsiga si bulshada loola wadaago himilada iyo barnaamijyada Ururka Ramaas, loona dhiirrigeliyo ka qaybgalka muwaadiniinta ee geeddi-socodka doorashooyinka.

Muwaadin, Codkaagu Waa Mustaqbalkaaga.


28/06/2026

Waxaan kulan Mira dhal ah wada qaadanay aqlabiyada Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Dharkeynley waxaan Isla garanay inaan Ka wada shaqeeyno aayaha Bulshada Ku nool Degmada.

26/06/2026

Hambalyo maalmaha Xuriyada Soomaaliya.

🛡️ Amni | ⚖️ Cadaalad | 📈 HorumarMaanta waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inaan ahay Musharrax u taagan xilka Guddoomiy...
23/06/2026

🛡️ Amni | ⚖️ Cadaalad | 📈 Horumar

Maanta waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inaan ahay Musharrax u taagan xilka Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley .

Degmada Dharkeynley waxay mudan tahay hoggaan daacad ah, hufan, isla markaana leh aragti fog iyo qorshe cad oo lagu gaari karo horumar waara. Waxaan aaminsanahay in wadajir, isku duubni iyo maamul wanaag lagu dhisi karo degmo ammaan ah, horumarsan, isla markaana fursado u abuurta dhammaan bulshada.

Himiladaydu waxay ku dhisan tahay saddex tiir oo muhiim ah:

🛡️ Amni – Sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.

⚖️ Cadaalad – Maamul daahfuran, isla xisaabtan leh, oo qof walba xuquuqdiisa dhowra.

📈 Horumar – Biliceyn, adeegyo tayo leh, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada loo sameeyo.

Mudanayaasha sharafta leh ee Golaha Deegaanka, codkiinnu waa codka shacabka, waana furaha lagu dooranayo hoggaanka iyo mustaqbalka degmada. Waxaan idinka codsanayaa inaad taageertaan isbeddel dhab ah, hoggaan cusub, iyo himilo horumarineed oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Dharkeynley.

🤝 Aynu si wadajir ah u dhisno Dharkeynley ammaan ah, caddaalad ah, horumarsan, kana hanaqaadda nabad iyo barwaaqo.

🗳️ U Hiili Isbeddelka!

Ali Yusuf Abdullahi Ahmed ( Ali Dheere )
Musharrax Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley.

29/04/2026

Ciyaal Xamar aabahood ❤️

Adresse

Cherbourg

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Ali Dheere publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Ali Dheere:

Raccourcis

Partager