Yahye Adan Dubad

Yahye Adan Dubad Official page for sharing news, media content, and updates related to [Yahye Adan Dubad]

15/04/2025

Official Announcement

We are excited to announce that we are merging this Page with another one of our official Pages as part of our rebranding process.

This step is taken to better serve our audience with consistent updates, unified branding, and clearer communication.

We appreciate your support as we make this transition and continue to grow together.

Thank you for being part of our community

Wafti Heer Caalami Ah oo Somaliland u Baxaya si ay Uga Wada Hadlaan Ictiraafka iyo Heshiiska Saldhigga Milatari ee Maray...
17/03/2025

Wafti Heer Caalami Ah oo Somaliland u Baxaya si ay Uga Wada Hadlaan Ictiraafka iyo Heshiiska Saldhigga Milatari ee Maraykanka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafti sare oo heer caalami ah uu u ambabaxayo dalka Maraykanka, iyaga oo matalaya Somaliland, si ay u xoojiyaan dadaallada ictiraaf raadinta iyo wada-hadallo la xiriira heshiis milatari oo ay la galayaan dowladda Maraykanka.

Sida xoguhu tilmaamayaan, waftigan ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, aqalka Congress-ka, iyo hay’adaha amniga, si ay uga wada hadlaan iskaashi dhanka difaaca ah iyo muhiimadda ay Somaliland u leedahay istiraatiijiyadda Maraykanka ee Geeska Afrika.

Heshiiskan milatari ee laga wada hadlayo ayaa la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay qorshe lagu xoojinayo amniga Badda Cas iyo marin-biyoodka caalamiga ah ee muhiimka ah, iyada oo Somaliland ay muhiimad gaar ah u leedahay xasilloonida gobolka.

Dowladda Somaliland ayaa muddo dheer dadaal ugu jirtay inay hesho aqoonsi caalami ah, waxaana socda dadaallo ballaaran oo ay ku dooneyso inay ku hesho taageero dhanka diblomaasiyadda iyo iskaashiga milatari ee ay la yeelanayso dalalka waaweyn sida Maraykanka.

Wixii warar dheeraad ah ee ku saabsan safarkan iyo natiijooyinka ka soo baxa, waan idinla socodsiin doonnaa.

Taiwan: China Waligeed Ma Xukumin Taiwan, Xiriirka Somaliland & Taiwan Waa Mid XoogeysanayaXafiiska Wakiilka Taiwan ee S...
17/03/2025

Taiwan: China Waligeed Ma Xukumin Taiwan, Xiriirka Somaliland & Taiwan Waa Mid Xoogeysanaya

Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa si adag u beeniyay sheegashada China ee ah in Taiwan ay ka tirsan tahay, iyagoo xusay in China aysan marnaba maamulin Taiwan. Taiwan waxay uga mahadcelisay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee G7 taageeradooda, kuwaas oo ka soo horjeestay wax kasta oo lagu beddelayo xaaladda Taiwan Strait si khasab ah.

Taiwan waxay xustay in maamulka Trump uu 2020 si furan u aqoonsaday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, xiriirkaas oo sii xoogeystay kaddib doorashadii madaxtinimada ee 2024. Taiwan waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in dalal dimoqraadi ah ay garab taagan yihiin xiriirka Taiwan-Somaliland, ayna rumeysan tahay in xiriirkooda uu horseedi karo taageero caalami ah oo dheeraad ah.

Ugu dambeyn, Taiwan waxay uga digtay China in gargaar bini’aadantinimo aan loo adeegsan in lagu huriyo colaadaha gudaha, waxayna ugu baaqday inay joojiso wax kasta oo carqaladeyn kara xasilloonida Geeska Afrika.

15/03/2025

Waxa dhawaan la filayaa in Somaliland ay ku tallaabsato guul siyaasadeed oo weyn, taas oo ah in beesha caalamku aqoonsato magaceeda cusub ee “Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Somaliland”. Magacan cusub wuxuu muujinayaa himilada Somaliland ee ah in ay ka mid noqoto dalalka caalamka ee si rasmi ah loo aqoonsan yahay, iyada oo xoojinaysa mabda’a dimuqraadiyadda iyo dowladnimada wanaagsan.

Qaddiyadda Somaliland ayaa si isa soo taraysa u kasbanaysa taageero caalami ah, waxaana rajo laga qabaa in dhawaan la gaadhi doono guul la taaban karo oo keeni doonta in Somaliland hesho aqoonsi rasmi ah.

09/03/2025

Sambuuska Aynu Cuno Bisha Ramadan
Ma Somalida Ayaa Hindistay mise Waa la Soo Waariday?
Halke Ayuu ka Yimid Asalkiisu

Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolka Saaxil ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Xuseen Axmed Cali, oo lagu eedeeyay i...
26/02/2025

Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolka Saaxil ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Xuseen Axmed Cali, oo lagu eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah xuquuqda carruurta, isla markaana aflagaaddo, hanjabaad, iyo cay ula kacay ilmeyar. Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro iyo dareen xun.

Boolisku waxay sheegeen in eedaysanaha si degdeg ah loo horgeyn doono hay’adaha garsoorka si sharciga loola tiigsado.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

25/02/2025

Xanuunka Kansarka Iyo Xanuuno Kale oo Laga Qaado Cuntooyinka Dhacay

23/02/2025

Safarka Madaxweyne Cirro Ee Sucuudiga🇸🇦
•Sucuudiga Oo Somaliland Ku Cadaadinaya Inay Cadayso Mawqifkeda Falastiin

Aqoonsiga mareekanka iyo Waxa Uu Kaga Bedelanayo

23/02/2025

Xalay Hido Dhawr
Way Banaysatee Yaa U bixi Kara

Fanaanada Hodka Dahabiga Ah Ee haboon nuura iyo Wacdarihii Hargeisa xalay

Maxamuud Xaashi waa siyaasi deggan, xasilloon, oo door weyn ku lahaa xukuumaddi Kala Dambeeyay Dhisitaankooda. Wuxuu had...
21/02/2025

Maxamuud Xaashi waa siyaasi deggan, xasilloon, oo door weyn ku lahaa xukuumaddi Kala Dambeeyay Dhisitaankooda. Wuxuu hadda hogaaminayaa xisbi rasmi ah (Kaah), wuxuuna taageero ka haystaa beelo kala duwan, gaar ahaan Beesha Habar Jeclo iyo beelo kale oo rajo ka qaba xisbi cusub oo ka duwan Kulmiye iyo Waddani.

• Xirsi Cali Xaaji Xasan waa siyaasi aad u firfircoon, go’aan adag, una heellan in uu guul keeno Mar uun. Wuxuu sameeyay waxaana lagu yaqaannaa in uu dhiso xulufo adag. Wuxuu taageero ballaaran ka haystaa Garxajis iyo beelo kale

Midke u qalma Inu Hogaamiyo Bulshada somaliland

21/02/2025

Waa Noocma Shaaha Messi Cabaa Ciyaaraha Waawayn Ka Hor
Muxuu Jidhka U Taraa

19/02/2025

Abwaan Hadraawi Fikrada Ah in Binu Aadamku Gorile ka Soo Jeedo Iyo Fikirkiisa

Kim Jong Un oo mamnuucay daawashada ciyaaraha kooxda Tottenham: Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, ayaa soo saa...
19/02/2025

Kim Jong Un oo mamnuucay daawashada ciyaaraha kooxda Tottenham: Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, ayaa soo saaray amar mamnuucaya in dalkaasi laga daawado ciyaaraha kooxda kubadda cagta ee Tottenham Hotspur, sababo la xiriira siyaasadda gudaha ee dalkaas.

Kabtanka kooxdaasi ee heung min son ayaa kasoo jeeda wadanka waqooyiga kuuriya Taas Oo sababtay in kooxdu taageerayaal badan ku yeelato dalkaas

Dr. Edna Adan Oo Caawa Lagu Maamuusay Somaliland Achievement AwardsDr. Edna Adan, oo ah aas-aasaha cisbitaalka Edna Adan...
18/02/2025

Dr. Edna Adan Oo Caawa Lagu Maamuusay Somaliland Achievement Awards

Dr. Edna Adan, oo ah aas-aasaha cisbitaalka Edna Adan Hospital iyo hormuud u ah horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa caawa lagu maamuusay abaalmarinta Somaliland Achievement Awards. Xafladdan oo lagu qabtay Hargeisa ayaa lagu sharfay shaqsiyo iyo hay’ado door weyn ka qaatay horumarka iyo dhismaha qaranimada Somaliland, waxaana Dr. Edna Adan si gaar ah loogu abaalmariyey doorkeeda muuqda ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta bulshada.

Fanaanada caanka ah Ee Haboon Nuura Oo Bandhig Faneed ilyartu is Qabato ku Dhigan doonta Hido dhawr Hargeisa
18/02/2025

Fanaanada caanka ah Ee Haboon Nuura Oo Bandhig Faneed ilyartu is Qabato ku Dhigan doonta Hido dhawr Hargeisa

18/02/2025

⚠️Ha isku Cabin Shaah Iyo Beer

IronDeficiency waa sababta qarsoon ee daalka iyo tabar-darrada muruqyadaada! Haddii aad dareemayso tamar yari, waa waqtigii aad hubin lahayd heerka birta jirkaaga. 🚀

Sida cashuurta Ay U kala Bixiyaan degmooyinka hargaysa
27/11/2024

Sida cashuurta Ay U kala Bixiyaan degmooyinka hargaysa

06/09/2023

Daawo Sida Darreenka leh Ee Hadraawi Uga Sheekaynayo Qisada Libaaxa Iyo Hooyada Dhashay Hadraawi Iyo Waliba Qisada Heesta a

Ilaahii dareenkaas currinta naxriista ku Dheehan tahay Ku ilhaamiyey ayaan kaaga Baryaynaa Inuu Kuugu Naxariisto Bal Daawo

Adresse

Koodbuur
Courbevoie

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Yahye Adan Dubad publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Yahye Adan Dubad:

Partager