20/09/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Magaalada Washington D.C. kulan muhiim ah kula yeeshay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool Woqooyiga Ameerika, gaar ahaan Maraykanka.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Qaranka JSL, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirro iyo hawl-wadeenno sare oo ka tirsan Xukuumadda JSL.
Madaxweynuhu waxa uu Qurba-joogta uga mahadnaqay kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan dhismaha Qaranka, daryeelka bulshada, maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta qaddiyadda Somaliland iyo raadinta aqoonsiga caalamiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku yahay mid soo jireen ah, isaga oo tilmaamay in dadka reer Somaliland ay taariikh dheer ku leeyihiin diblomaasiyadda, ganacsiga iyo la macaamilka dunida. Waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalkiisa iyo kulamadii uu Washington D.C. ku yeeshay ay tahay in Somaliland si toos ah dunida ugu muujiso xaqiiqadeeda, horumarkeeda, nabadgelyadeeda, dimuqraadiyaddeeda iyo rabitaankeeda ah in loo aqoonsado xaqeeda taariikheed iyo ka sharci.
Madaxweynuhu waxa uu Jaaliyadda la wadaagay natiijooyinka kulamadii iyo xidhiidhadii diblomaasiyadeed ee uu isaga iyo weftigiisu Washington D.C. ku yeesheen, isaga oo sheegay in ay ka soo baxeen niyad-wanaag, kalsooni iyo rajo ku aaddan xoojinta xidhiidhada, Aqoonsiga iyo Maalgashiga Somaliland.
Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Qurba-joogta ugu baaqay midnimo, isku-duubni iyo in ay kaalintooda ka qaataan nabadaynta iyo xasilinta dalkooda, isaga oo kula dardaarmay in ay ka fogaadaan wax kasta oo hurinaya khilaaf iyo colaad walaaleed.
Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer ugu mahadnaqay Dawladda Maraykanka, Congress-ka, Senate-ka, Hay’adaha iyo Mac-hadyada waaweyn ee saameynta leh ee uu kulamada la yeeshay, isaga oo xusay in Somaliland ay qiimaynayso xidhiidhada soo kordhaya iyo fursadaha cusub ee iskaashi ee ay Washington D.C. ka abuureen.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in aqoonsiga Somaliland uu dhammaystirmayo rafaad kasta oo loo maraba, isaga oo Qurba-joogta kula dardaarmay in ay isku duubnaadaan, dalkooda u maqnaadaan, goob-walba iyo fagaare walba ay ku matalaan, Qaddiyadda Somaliland ay difaacaan, waddankoodana ilaashadaan.