22/08/2026
🚨Joao Pedro oo ka hadlaya qandaraaska cusub uu u saxiixa Chelsea:
🗣️ "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heshiis cusub u saxiixo Chelsea, had iyo jeer waxaan ku riyoon jiray inaan u ciyaaro koox weyn, waxayna ii tahay wax badan inaan siiyo ballanqaadkayga muddada dheer kooxdan, Chelsea waxay leedahay dhaqan dheer oo ah guul waxayna leedahay hami weyn oo mustaqbalka ah.
Xiriir aad u wanaagsan ayaan la leeyahay qof walba oo jooga kooxda, waxaana dareemay London inay tahay gurigeyga tan iyo markii aan ku soo biiray kooxda.
Qof walba aad ayuu ugu faraxsan yahay xilli ciyaareedkan, waan ognahay inaan gaari karno waxyaabo badan, waxaan haysanaa koox wanaagsan, waxaan leenahay tababare doonaya inuu guuleysto oo horey u guuleystay, qof walba waxaa si buuxda go'an xilli ciyaareedkan, qof walba waa diyaar waxaana rajeynayaa inaan gaari karno hadafkeena."
- Sāãmi Yaré