16/07/2024
ISLAAMKA IYO XORIYADA HADALKA IYO RA'YIGA
Diinta Islaamku maaha mid u timid inay caburiso xoriyada Hadalka iyo Aragtida,bal way dhiiri galisay,dhab ahaantii hadaad u dhaba gasho Nusuusta Diinta Islaamka qaybaha ka hadlaya arimahaan waxaad ogaanaysaa sida inaba haba yaraatee uusan Islaamku xasaasiyad oga qabin Aragti dhiibashada ama Xoriyadda hadalka,kaliya Islaamku wuxuu dadka faraa inay wax fiican ku hadlaan.
"وقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا وَأَقِيمُو"
"Dadka wanaag kula hadla"
"وَقُلْنَ قَوْلًا مَّعْرُوفًا"
"Hadal wanaagsan ku hadla"
Islaamku wuxuu dhiiri galiyaa doodaha furan ee wanaaga iyo wax kala kororsiga ku dhisan sida Ilaahayba marar badan ku cel celiyay,
"وَجَادِلْهُمْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنْ ضَلَّ عَنْ سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ"
"Ula dood hadba sida u wanaagsan Rabigaa oo kaliya ayaa og cida jidkiisa ka luntay sidoo kalana isaga uun ayaa og kuwa hanuunsan"
Sidoo kale Islaamku waxa uu reebay inaanay dadka ka diin duwan Muslimiinta sida Ahlul kitaabka aysan si xun ula doodin oo aysan ku xumaynin doodda,
"وَلَا تُجَادِلُوا أَهْلَ الْكِتَابِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِلَّا الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ ۖ وَقُولُوا آمَنَّا بِالَّذِي أُنزِلَ إِلَيْنَا وَأُنزِلَ إِلَيْكُمْ وَإِلَٰهُنَا وَإِلَٰهُكُمْ وَاحِدٌ وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ"
"Ha kula doonina Ahlul kitaabka wax aan wanaag ahayn marka laga reebo kuwa dulmiga u badala dooda oo iyaga ka mid ah,waxaadna tiraahdaan waxaan rumaynay wixii naloo soo dajiyay iyo wixii idinka laydiin soo dajiyay,Ilaahayaga iyo Ilaahiina waa mid kaliya anaguna Ilaahaad ayaan u hogaansanahay.
Rayi cabiridda Islaamku dhiiri galiyay waxaa ka mid ah wada tashiga iyo badinta doodaha wax dhisaya ee lagu kala faa'iidaysanayo oo Ilaahay wuxuu ku amaanay Muslimiinta inay yihiin dad tashada oo ay arintoodu ku qotonto aqoon isweydaarsi.
"﴿وَالَّذِينَ اسْتَجَابُوا لِرَبِّهِمْ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَمْرُهُمْ شُورَى بَيْنَهُمْ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ﴾"
""Muslimiintu waa kuwo Rabigooda abiijbay oo Salaadda oogaya,taladoodana ay tahay mid ay ka tashadeen oo wixii aan ku irsaaqnayna wax ka bixinaya".
Xitaa Rasuulka scw oo uu Ilaahay waxyigiisa ku hagaayay ayaa la faray inuu dadka la tashado oo ilaahay waxa uu yiri:-
"﴿وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ﴾"
"Kala tasho arimaha"
Islaamu waxa uu qabaa in Muslimiintu dhexdooda iyaga oo Alle iyo Rasuulkiisa scw wada rumaysan u doodi karaan si hufan,haddii ay dooda ka taag taagmatana aysan isu gacan qaadin ee halka ay iskula noqonayaan uu noqdo kitaabka Alle iyo sunada nabiga scw.
"يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ ۖ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا"
"Kuwa iimaanka laga helayoow adeeca Alle iyo rasuulka iyo kuwa hadba talada idiin haya,oo haddii aad wax isku qabataan ula noqda kitaabka Alle iyo sunada Nabiga,haddii aad tihiin kuwo Alle iyo maalinka Aakhiro rumaysan,saasaa idiin khayr badan oo ugu haboon inaad wax isku dhacsiisaan"
Xoriyada hadalka Islaamku wuxuu gaarsiiyay inay Muslimiintu ku dhiiradaan cabiridda aragtidooda oo ay xitaa Nabiga scw oo ay og yihiin inuu waxyi ku soo dagayo aysan kala gaban bareerahooda oo intaas oo goor ay Rasuulka scw ka badaleen ra'yi uu qabay ama aragti uu qaadan lahaa Asxaabtiisa.
Tusaale ahaan dagaalkii Badar meel uu Rasuulka scw dagay ayaa nin Asxaabtiisa ka mid ah oo khabiir ku ahaa arimaha istaraatiijiyada dagaalka uu ku yiri:-Rasuulkii Allow halkan aad na dajisay ma waxyi Alle xagiisa ka yimid ayaad nagu dajisay mise waa xeelad dagaal,Rasuulka scw wuxuu yiri:-waxyi kuma dagin ee waa xeelad dagaal,markaas ayuu Saxaabigii yiri:hadaba Rasuulka Alloow halkaan maaha meel ku haboon kaarto dagaal ee ka rar Ciidanka oo daji afafka ugu shisheeya ee ceelasha Badar oo dhan si aan cadowga biyaha oga xigsano oo markaas nalama gali karaan dagaal dheer iyaga oo ooman iyo anaga oo biyo haysana,Rasuulka scw wuu u guuxay taladaas oo sidii buuna yeelay.
Tusaalaha kale waa markii ay Qureysh iyo qayb Yahuudda ka mid ah oo garabsanaya qabiilooyin Carbeed oo reer baadiye ah ay ku soo duuleen maagalada Madiina oo ay ku soo saareen Ciidan ka badan kuwa Muslimiinta Madiina dagan oo dhan xitaa markii lagu daro Caruurta iyo Haweenka,goortaas ay Muslimiintii talo ku cadaatay ayaa waxaa taliyay nin Asxaabtii Rasuulka scw ka mid ahaa oo asal ka soo jeeday Faaris oo ah wadanka iminka Iiraan loo yaqaan,ninkaas Saxaabiga ah waxaa la oran jiray Salmaan al Faarisi,wuxuu yiri Rasuulka Alloow anaga reer Faaris marka ay arinta noocaan ah nagu dhacdo waxaan qodan jirnay dhufays ama god weyn oon isku soo wareejino,kaas oo ay ku adag tahay in ay Fardaha Cadowga soo jiiraan,halkaas oo aan difaac ka gali jirnay oo Ciidanka Cadowga hadii uu isku dayo inuu isaga oo lugayna ka soo gudbo godka aan fallaaro oodda oga qaadi jirnay oon godka ku dhex gumaadi jirnay.
Taladii ayuuna Rasuulka scw qaatay oo godkii bay Magaalada Madiina ku soo wareejiyeen,ilaa uu yaabay Abuu Sufyaan oo markaa Ciidamada Gaalada hogaaminayay oo yiri wallaahi xeeladaan maaha mid ay Carab taqaanay ee Muxamad cid kale ayaa gacan ka siisay,
Halkii bay ka laabteen maalmo ka dib iyaga oo guul daraystay,taladii Salmaanul Faarisina u noqotay Muslimiinta mid ka badbaadisay gumaad baahsan.
"وَرَدَّ اللَّهُ الَّذِينَ كَفَرُوا بِغَيْظِهِمْ لَمْ يَنَالُوا خَيْرًا وَكَفَى اللَّهُ الْمُؤْمِنِينَ الْقِتَالَ وَكَانَ اللَّهُ قَوِيًّا عَزِيزًا "
"Ilaahay waxa uu ku celiyay Gaaladii caradooda iyaga oon guul gaarin,Muslimiintiina waxa uu ka kaafiyay in ay galaan dagaal ay ku hoobtaan oo Ilaahay waa mid awood badan oo ay tiisa uun soconayso.
Walaalayaal Xoriyadda Hadalka iyo Ra’yi cabirida Islaamka waxa uu gaarsiiyay heer aan Qofka lagu ciqaabaynin xitaa haddii hadalkiisu dambi yahay,kaliya Islaamku waxa uu qabaa in hadal looga jawaabo hadal kale,ficilna ficil,haddii uusan hadalkaasu ahayn mid qadaf iyo aflagaaddo shakhsi xambaarsan markaa Islaamku taas wuxuu ka waajibiyay ciqaab ku dhacda qofka bilaaba cayda iyo weerarka afka ee ku aadan qofka kale.
Taasna waxaa daliil kuugu filan in Rasuulka scw oo ka ahaa Magaaladii Madiina hogaamiyaha ugu awoodda badan ay Gaalada iyo Munaafaqiinta kula dhiiranayeen aflagaaddo iyo wax aan qabanin suubanaha scw markaasuu Rasuulkana uusan wax tilaabo ficil ah ka qaadi jirin marka laga reebo inuu mararka qaar ugu jawaabo erayo kuwii ay yiraahdeen la mid ah.
Tusaale ahaan waxaa dhacday inuu Rasuulka oo Xoolo qaybinaya uu Nin la oran jiray Cabdullahi dil Khuweysara uu ka carooday oo uu yiri wallaahi qaybtan maaha mid Cadaalad ku dhisan oo markaa intuu Rasuulka aad u carooday uu yiri oo hadaanan aniga Cadaalad samaynin yaa cadaalad sameynaya,oo markaa intuu Cumar Binu Khadaab carooday uu Rasuulka scw ku yiri ii fasax Rasuulku Allow aan ninkan Surka ka gooye,markaana uu Rasuulka scw yiri iska daa Cumaroow ninkan waxaa ka tafiirmi doona Qoom Salaadooda markaad aragtaan aad tiina yaseysaan oo waxayna Islaanimada oga bixi doonaan sida Leebka uu Qaansada oga baxo.
"وعن ابي سعيد الخدري رضي الله عنه قال بينا النبي صلى الله عليه وسلم يقسم جاء عبد الله بن ذي الخويصرة التميمي فقال اعدل يا رسول الله فقال ويلك ومن يعدل إذا لم أعدل قال عمر بن الخطاب دعني أضرب عنقه قال دعه فإن له أصحابا يحقر أحدكم صلاته مع صلاته وصيامه مع صيامه يمرقون من الدين كما يمرق السهم من الرمية"متفق عليه.
Tusaale kalana waxaa inoogu filan in Yahuuddu ay Nabiga caayi jireen ama habaari jireen iyagoo iska dhigaya dad salaamaya,Rasuulka scw kaliya wuxuu ku oran jiray waxaad tiraahdeenba laydin yiri mana dhicin inuu marna yiri ii soo qabqabta nimankan i caayaya aan ciqaabee. Iska daa inuu suubanaha ciqaabo kuwa Anafada u geystay ee xitaa Xaaskiisa Caa’isha rc oo maalin maqashay iyaga oo afxumadaa kula kacaya Rasuulka scw oo si xun ugu jawaabtay ayuu Rasuulka scw ka kululaaday oo yiri Caa’ishaay dhimri oo Islaamka ku qurxi dhimrinta anigaaba u jawaabaye maxaa adiga kuu geeyay.
"عَنْ عايشة رضي الله عنها، قالت : أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أُنَاسٌ مِنْ الْيَهُودِ ، فَقَالُوا : السَّامُ عَلَيْكَ يَا أَبَا الْقَاسِمِ ، قَالَ : " وَعَلَيْكُمْ " ، قَالَتْ عَائِشَةُ : قُلْتُ بَلْ عَلَيْكُمُ السَّامُ وَالذَّامُ ، فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَا عَائِشَةُ : " لَا تَكُونِي فَاحِشَةً " ، فَقَالَتْ : مَا سَمِعْتَ مَا قَالُوا ؟ فَقَالَ : " أَوَلَيْسَ قَدْ رَدَدْتُ عَلَيْهِمُ الَّذِي قَالُوا قُلْتُ : وَعَلَيْكُمْ " . وفي لفظ اخر بِهَذَا الْإِسْنَادِ غَيْرَ أَنَّهُ ، قَالَ : فَفَطِنَتْ بِهِمْ عَائِشَةُ ، فَسَبَّتْهُمْ ، فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : " مَهْ يَا عَائِشَةُ فَإِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْفُحْشَ وَالتَّفَحُّشَ " ، وَزَادَ فَأَنْزَلَ اللَّهُ عَزَّ وَجَلَّ : وَإِذَا جَاءُوكَ حَيَّوْكَ بِمَا لَمْ يُحَيِّكَ بِهِ اللَّهُ سورة المجادلة آية 8 إِلَى آخِرِ الْآيَةِ .
"Xadiis caa'isha warinayso ayaa wuxuu ahaa inay tiri waxa dhacday inay Rasuulka u yimaadeen qolo Yahuuda ka mid ah oo ay yiraahdeen "Assaamu caleeyka"oo la micno ah Mowd ha kugu dago,Rasuulkana scw uu yiri idina sidoo kale,Caa’isha oo maqlaysay ayaa tiri :-Mowd idinku dag oo balaayo idin asiibtay,markaas baa Rasuulka scw yiri Caa’ishaay ha noqonin tu af xun,markaasay Caa’isha tiri oo miyaadan maqlaynin waxay ku yiraahdeen,markaasuu Rasuulka yiri oo miyaanan u jawaabin oon oran intay i yiraahdeen"
Ilaahay sareeye oo arintaas Aayad ka soo dajiyay wuxuu uun tilmaamay falkoodii foosha xumaa oo wax ciqaab dunawi ah uma yaboohin oo wuxuu yiri-"kuwa markay kuu imaanayaan aan kugu salaameynin salaantii Alle kugu salaamay".
Walaalayaal Xoriyadda Hadalka ee Islaamka xitaa wuxuu gaaray in hadal kaliya loogu jawaabo kuwii ku xadgudbi jiray Rasuulka scw ee xitaa mararka qaar ku jees jeesi jiray diinta,oo runtii hadaad u dhaba gasho Quraanka marka uu ka hadlayo aflagaadadii ay Munaafaqiinta iyo Yahuuddii Madiina daganeyd ku hayeen Rasuulka iyo Muslimiintu marna ma gayaysiin Muslimiintu inay gacan kaga jawaabaan iyagoo si kasta oga adkaa munaafaqiinta iyo Yahuuda.
Ilaahayna marka uu ka hadlayo ficilkooda xun uun buu tilmaami jiray isagaana ciqaab Aakhiro u yaboohi jiray marna ma idmin in hadal xun oo ay ku hadleen ficil looga jawaabo oo waxaa Quraanka ku badan marka uu Alle timaamo hadalkooda
(Qaaluu)waxaa la farayay Rasuulka (Qul) yacni haday sidaa ku dhahaan adna sidaa ugu jawaab.
Munaafaqiinta wax aysan Rasuulka ku sheegin lama arko,waxay ku quursan jireen marka uu Sadaqada aruurinayo ama qaybinayo oo waxay oran jireen oo Suuska iyo Shoodda uu kan dadka siiyay maxay ka deeqi,
"وَمِنْهُمْ مَنْ يَلْمِزُكَ فِي الصَّدَقَاتِ...."
Waxay kaloo Rasuulka scw ku sheegi jireen inuu dhag ween yahay markaasaa Ilaahay ugu jawaabi jiray waa dhag weyn idinka khayr badan,tiiyoo uusan Rasuulka scw wax ciqaab ah oo hadal looga jawaabo dhaafsiisan uusan u dalici jirin,ilaahayna uusan farin wax ciqaab ah oo ay Dunida ku mutaan marka laga soo rago ciqaabta Aakhiro.
"وَمِنْهُمُ الَّذِينَ يُؤْذُونَ النَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٌ ۚ قُلْ أُذُنُ خَيْرٍ لَّكُمْ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَيُؤْمِنُ لِلْمُؤْمِنِينَ وَرَحْمَةٌ لِّلَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ ۚ وَالَّذِينَ يُؤْذُونَ رَسُولَ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ "
Waxaa kale oo la og yahay inay meel fagaare ka caayi jireen Rasuulka scw iyaga oo xukunkiisa ku hoos nool oo ay kicin jireen fitmooyin iyo brobogaando mana dhici jirin inuu Rasuulka scw ficil ugu jawaabo,waxay siiradu xustaa inuu kii munaafaqiinta madaxa u ahaa oo ka jawaabaya dagaal dhex maray laba wiil oo uu midna Ansaar ahaa midna Muhaajiriin ahaa oo dhagta laga qaniinay kii Ansaariga ahaa inuu yiri"oo ma sidaasay yeeleen oo sida Awrka mid kale u qaniino ayay Wiilasheenii u qaniineen horaa loo yiri Eygaada cayili ha ku cunee"
Intaasoo dhan suubanaha ficl ogama jawaabi jirin bal markay Asxaabta ka codsadaan noo idin aan dilnee Munaafaqiinta wuxuu oran jiray"ma waxaad rabtaan inay dadka ku sheekeystaan Muxamad Asxaabtiisa ayuu laayaa"
Walaalayaal sida aan arkayno lama hayo meel uu Islaamka ku caburiyay Xoriyadda Hadalka ee dadka oo waxaan u jeednaa sida uu ula mucaamilay kuwii sida xun u adeegsaday Xoriyadda Hadalka kolay ku tahay,waxaan kaloon aragnaa sida uusan Islaamku ficil gacan ah oga jawaabin hadal xun oo la yiri dartii,marka sidaa darteed miyeysan haboonayn in ay Muslimiinta u laabtaan diintooda oo aysan caburin Xoriyadda Hadalka iyo soo jeedinta Ra’yiga.
Islaamku waxa uu ka digay in la caburiyo Xoriyadda Hadalka oo wuxuu ceebeeyay gaaladii isku dayi jirtay inay caburiyaan Xoriyadda Hadalka ee Ambiyadii loo soo diray oo ahaa kuwo aan Ciidan wadan kaliya talo Alle xagii looga soo dhiibay u siday kuwa caburinaya. Quraanka waxaa ku badan hanjabaadihii ay gaalada kala hortagi jireen Xoriyadda Hadalka oo ay ka mid yihiin :-
"لَئِنْ لَمْ تَنْتَهِ لأَرْجُمَنَّكَ )
"Hadaadan ka joogin dhagax baan kugu dili"
"قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَاكَ فِينَا ضَعِيفًا وَلَوْلا رَهْطُكَ لَرَجَمْنَاكَ وَمَا أَنْتَ عَلَيْنَا بِعَزِيزٍ "
"Shucayboow anagu garan mayno wax badan oo ka mid ah waxaan aad sheegayso,waxaanan kuu aragnaa mid dhexdeena daciif ku ah,haddii aanan tolkaa kugu xaq dhowreynina waa h**e ayaan dhagax kugu dili lahayn,mana tihid min nagu culus".
"قَالُوا أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ الْعَالَمِينَ )
"Waxay yiraahdeen:Oo Luudoow sow taan kaa reebnay inaad meelaha ka hadasho ood dadka wax u sheegto"
Dhab ahaantii waxaa muhiim noo ah hadaynu nahay Muslimiinta maanta nool inaynu tixgalin siino Xoriyadda Hadalka oo aynaan ku tuman tacaaliimta diinteena ee tilmaan ku filan naga siisay sidii aan u tixgalin lahayn xoriyadda Hadalka iyo cabirida ra’yiga.
Ugu dambayntiina Waxaa inala gudboon inaan iska dayno tacasubka oo aan ka faa'iidaysano ra'yi kasta oo suuban oo wax dhisaya oo ay Maslaxo ku jirto,isla markaana aan qofna lagu dhibaateyn ra'yi uu la yimi ama hadal uu meel ka yiri ama Buug uu aragtidiisa ku qoray,kaliya laga jawaabo si Nasteexo ku dhisan oo hadal ah wixii khalad u muuqda ee uu qofkaasi yiri ama qoray oo aan la isku dayin in gacan loola tago Qof aan isaguba gacan qaad iyo hub u adeegsan meel marinta fikirkiisa.
Waadna mahadsan tihiin..