Ustad Sacuudi

Ustad Sacuudi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ustad Sacuudi, TV Channel, The Orchard, Bilston.

Qoraalkaaga maanta wuxuu noqon karaa nabad lagu abuuro ama colaad lagu huriyo—doorashada adigaa leh.
27/06/2026

Qoraalkaaga maanta wuxuu noqon karaa nabad lagu abuuro ama colaad lagu huriyo—doorashada adigaa leh.

Mudane Madaxweyne:Hoggaamintu waa mas'uuliyad weyn oo u baahan caddaalad, daacadnimo, iyo aragti fog. Waxaan kugu boorri...
26/06/2026

Mudane Madaxweyne:

Hoggaamintu waa mas'uuliyad weyn oo u baahan caddaalad, daacadnimo, iyo aragti fog. Waxaan kugu boorrinayaa inaad mudnaanta koowaad siiso nabadda, dib-u-heshiisiinta bulshada, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

Ka shaqee sidii loo xoojin lahaa amniga, loo dhiirrigelin lahaa dhalinyarada iyo haweenka, loona abuuri lahaa fursado shaqo iyo horumar dhaqaale. Sidoo kale, muhiimad gaar ah sii wada-tashiga bulshada, odayaasha dhaqanka, culimada, iyo qeybaha kala duwan ee shacabka si go'aannada siyaasadeed ay u noqdaan kuwo loo dhan yahay.

Hoggaamiye wanaagsan waxaa lagu xusuustaa caddaaladda, hufnaanta, iyo sida uu uga shaqeeyo danta guud ee shacabka, kana hormariyo midnimada iyo xasilloonida danaha gaarka ah.

Waxaan kuu rajeynayaa guul, xikmad, iyo in Alle kugu asturo gudashada waajibaadka laguu igmaday, si Koonfur Galbeed u gaarto nabad, horumar, iyo barwaaqo waarta.

  waa masuuliyad, ee ma aha hadal oo keliya.
26/06/2026

waa masuuliyad, ee ma aha hadal oo keliya.

🇸🇴 Hambalyo 26 June – Maalinta Xorriyadda Soomaaliya 🇸🇴Maanta waa 26 June, maalintii taariikhiga ahayd ee gobollada Waqo...
26/06/2026

🇸🇴 Hambalyo 26 June – Maalinta Xorriyadda Soomaaliya 🇸🇴

Maanta waa 26 June, maalintii taariikhiga ahayd ee gobollada Waqooyiga Soomaaliya ay xorriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska sannadkii 1960. Waa maalin xusuus iyo sharaf u leh halyeeyadii naf iyo maalba u huray in calanka buluugga ah ee Soomaaliyeed si xor ah u babado.

26 June waxay ina xasuusinaysaa qiimaha ay leedahay midnimada, waddaniyadda, nabadda iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliyeed. Aynu maamuusno halgankii geesiyaasheenna, kana shaqayno Soomaaliya nabad ah, horumarsan, oo jiilasha dambe ay ku faanaan.

Xorriyaddii way nalaheed, ilaalinteeduna waa waajib ina saaran.

🇸🇴 Hambalyo 26 June dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Soomaaliya ha noolaato, Midnimo iyo Guul! 💙🤍⭐

 : Sawirkaan waxa uu ahaa 9 Sanno ka hor xili aan ahaa Ardey jaamcadeed, aniga iyo saaxiibkey Mohamed Yusuf Ibraahim.Wax...
21/06/2026

: Sawirkaan waxa uu ahaa 9 Sanno ka hor xili aan ahaa Ardey jaamcadeed, aniga iyo saaxiibkey Mohamed Yusuf Ibraahim.

Waxaan halkaan ugu mahadcelinaya gudoomiyaha Jaamacada ahaana Maamulka maaliyda Jaamacda Baay oo Runtii xiligaas aad ugu dadaali jiray inuu kor u qaado magaca Jaamacada.

 : waa 7 sano kahor sawiradaan xili aan ahaa macalin Computer, Barida Ardada Computerka waxaan bilaabay 2014 ilaa 2022, ...
20/06/2026

: waa 7 sano kahor sawiradaan xili aan ahaa macalin Computer,
Barida Ardada Computerka waxaan bilaabay 2014 ilaa 2022, waa 9 sanno waxaana ku bilaabay iskuulka ee magaalada Baydhabo.

hada Ardadaan horteyda fadhisa dhamaantooda waa jaamiciin badankoodana waxay Jaamacada uga baxeen kuliyada IT ga. Qaarkood hada cilmiga Computerka way iigaga sareeyaan, Master ayay ku diyaarinooyaan.

Waxaan halkaan Ugu mahadcelinayaa Macalinkeyga Computerka oo runtii mar waliba iigu dhiiri gelin jiray inaan iskuulka ka tagin oo sii joogo.

'aal: Ma soo martat macalinnimo?

Kuwa maanta ku liidaayo baa beri ku aami doonna hadaad samirka badiso. 🤔
13/06/2026

Kuwa maanta ku liidaayo baa beri ku aami doonna hadaad samirka badiso. 🤔

Qof waliba maalin ayuu leeyahay, hadii maalmahaaga wacanna ku jirto waa inaad ka faa'ideysataa, Hadii kale waa inaad sam...
13/06/2026

Qof waliba maalin ayuu leeyahay, hadii maalmahaaga wacanna ku jirto waa inaad ka faa'ideysataa, Hadii kale waa inaad samirka iyo dulqaadka badisaa xaqiiq waxaa ah in ay maalin un Murugadaad isku bedeli doonto farxad.

Never give up!

12/06/2026

Anaga isma rabno iyagana nama rabaan

Hampalyo mudane madaxweyne
10/06/2026

Hampalyo mudane madaxweyne

Address

The Orchard
Bilston
WV140EA

Telephone

+4745165029

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ustad Sacuudi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category