26/07/2026
بسم الله الرحمن الرحيم
“Riyo kastaa waxay ku bilaabataa hal tallaabo, guul kastana waxay ku timaaddaa talo saarasho rabbi, dulqaad iyo dadaal.”
Alxamdulillaah, xalay waxaan si rasmi ah u furnay Beder Hajj & Umrah
Ma aha oo keliya furitaanka shirkad, balse waa habeen ay rumoowday riyo muddo dheer qalbiga ku noolayd.
Waxaan Eebbe uga mahadcelinayaa nimcada uu nagu galladaystay iyo fursadda uu noo siiyey inaan u adeegno Martida Alle.
Sharaf ka weyn ma jirto in qof loo fududeeyo safarkiisa cibaado.
Mahadnaq gaar ah waxaan u dirayaa asxaabtayda, martidii nagu sharaftay munaasabadda xarig-jarka iyo qof kasta oo duco, talo ama garab nagu siiyey intii aan safarkan ku jirnay.
Waxaan Alle ka baryayaa inuu Hajj& Umrah ka dhigo albaab khayr, barako iyo adeeg lagu kasbado raallinimada Rabbigeenna, isla markaana uu noo fududeeyo inaan si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh ugu adeegno macaamiisheenna.
اللهم بارك لنا في هذا العمل، واجعله خالصًا لوجهك الكريم، وانفع به عبادك، وافتح لنا أبواب الخير والرزق 🤲