12/05/2025
WAR (NEWS):
Raisulwasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa maanta daaha ka rogay, tallabooyin hor leh oo looga hortagayo, dadka u soo hayaamaya UK.
Raisulwasaare Starmer ayaa sheegay. hadaad dooneyso in aad ku noolaato UK, ay qasab tahay in aad ku hadli karto, misna taqaan, luuqadda Ingriisiga.
Tani waxeey ka dambeysay, markii dhowaan uu xisbiga Reform ee midigta u janjeera, uu kaga awood badnaaday, xisbiga shaqaalaha ee talada haya, goobo ii xisbigu ku haminayey.
Awaamiinta maanta uu ku dhawaaqay, ayaa si gaar ah u quseeya, dadka muhaajiriinta ah ee ama magangeliyada u soo raadsanaya, UK amaba u imanaya shaqooyinka ugu badan ee UK laga soo raadsado ee Xaannaanada caafimaadka (Health Care).
Dhowaan ayeey ahayd markii xabsiga la dhigay, dhowr shariikadood oo dad xannaanada caafimaadka ka shaqeeya, ka soo qortay dalal u badan kuwa ku yaal Galbeedka Afrika.
Xisbiga talada haya ee UK ayaa doonaya in aneey dabeyli ka soo gelin, arrimo badan oo xisbiyada cunsiriga ah ee UK ay codbixiyayaasha ku beer-laxawsanayaan.
Sanadka dambe 2026, ayaa mar kale lagu haradamayaa, doorashooyinka dowladaha Hoose, taasoo hadda xisbiyada UK oo dhami ay baratan ugu jiraan, sideey kuraas badan uga heli lahaayeen.
Courtesy of the photo:
PM's page.
Amina M***a Wehelie
Heybad News
The_Voice_Of_Somalis_In_Exile