Heybad Media

Heybad Media Media and Marketing Company

Eid Mubarak to all the Muslims around the world. Heybad MediaIsir Television
19/03/2026

Eid Mubarak to all the Muslims around the world.

Heybad Media
Isir Television

(WAR): 25/12/2025-Khamiis:UKHAS oo soo saartay digniino ku aadan cimmilada qaboow:Hay’adda Amniga Caafimaadka UK, oo loo...
25/12/2025

(WAR): 25/12/2025-Khamiis:

UKHAS oo soo saartay digniino ku aadan cimmilada qaboow:

Hay’adda Amniga Caafimaadka UK, oo loo soo gaabiyo (UKHSA) ayaa soo saartay digniin huruud ah (Amber Alert), oo ku aaddan, Koonfur-galbeedka England, taas oo dhaqan gelaysa laga bilaabo 6:00 fiidnimo 25-ka Diseembar ilaa duhurnimada 27-ka Diseembar.

Digniintaasi waxay ka digaysaa, halis sare ee ku imaan karta dadka nugul, iyo culeyska soowajihi kara, adeegyada caafimaadka dalka.

Xafiiska Cimilada (Met Office) ayaa isaguna soo saaray digniino huruud ah, oo uu ka digayo in dabaylo imaan doonaan, digniinaha xafiiskan ayaa khuseeya dhanka Koonfur-galbeed ee gobollada England iyo Wales, iyadoo la filayo dabaylo xooggan oo ku bilaabmi doona 4:00 subaxnimo ilaa saqda dhexe.

Heybadda ayaa tibaaxday, in dabaylahaan, uu xawaarahoodu gaari karayo, 45–55 mayl saacaddiiba (mph), halka gobollada xeebaha ay gaari karaan ilaa 65 mph saacaddiiba.

Met Office-ku wuxuu sheegayaa in dabaylahu sababi karaan, carqaladdo ku yimaadda isku socodka gaadiidka iyo adeegga dabka(Korontada).




Birmingham, UK.

War(NEWS):Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka xayuubiyey sharuucda ka difaaceysa, Soomaalida Minnesota deggan in ...
22/11/2025

War(NEWS):

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka xayuubiyey sharuucda ka difaaceysa, Soomaalida Minnesota deggan in lagu celiyo dalkooda.

Donald Trump, ayaa sheegay in burcadda Soomaalida ee gobolkaasi Mennisota deggan ay argagixiyeen gobolkaas qiimaha leh, oo dhib badan geysteen, balaayiin doolarna ku maqan tahay,misna tahay, in lagu celiyo, halkeey ka yimaadeen.

Sources: Fox News
Amina M***a Wehelie

War (NEWS):War-Heybad Media-06/11/2025 Burcad-badeed rasaaseysay Markab:Shirkadda Maraakiibta Giriigga ee Latsco, ayaa x...
06/11/2025

War (NEWS):
War-Heybad Media-06/11/2025
Burcad-badeed rasaaseysay Markab:
Shirkadda Maraakiibta Giriigga ee Latsco, ayaa xaqiijisay, in markab keeda ah oo xamuulka qaadda, ee Hellas Aphrodite, la weeraray, mar uu ka yimid Sikka, India kuna socday Durban, South Africa, marayeyna xeebaha ka baxsan Somaliya.
Shirkadda maraakiibta ee Latsco ayaa xaqiijisay, in weerarka ka sokoow, dhamaanba badmaaxiintii saarnaa markabka oo 24 ahayd, ay bed-qabaan.
Howlgalka badda ee United Kingdom (UKMTO) ayaa iyaguna soo saaray digniin ku aadan weerarkaan.
Burcad-badeedda ayaa lagu soo waramayaa, in ay rasaas ka dhacda qoryaha daran-dooriga uu dhaca, iyo gantaallo ku weerareen markabka mar uu maraayey meel 560 mile koofurbari ka xigta degmada Eyl.
Heybad Media
The_Voice_Of_Somalis_In_Exile

The Launch of Isir Television, on all Social Media Heybad Media LTD, youtube:  Tiktok: HeybadMedia  X:  Tonight at 9:00P...
21/09/2025

The Launch of Isir Television, on all Social Media Heybad Media LTD, youtube: Tiktok: HeybadMedia X: Tonight at 9:00PM UK Time, WAR IYO DHEERAAD.

WAR (News):Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS ayaa boggeeda  X ku soo qortay,  in warq...
20/07/2025

WAR (News):

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS ayaa boggeeda X ku soo qortay, in warqad lagu baahiyey baraha bulshada, laguna sheegay in wasaaraddu soo saartay, ay tahay mid been abuur ah oo lagu marin habaabinayo Ummadda.
Amina M***a Wehelie

Birmingham, UK.

War hadda soo dhacay: Breaking News:Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qalinka ku duugay, sharuuc cusub oo lagu m...
18/07/2025

War hadda soo dhacay:
Breaking News:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qalinka ku duugay, sharuuc cusub oo lagu maamulayo Cryptocurrency (Lacagaha Digitalka ah).

Madaxweyne Trump oo hadda si toos ah loo tabinayo qudbadiisa ku aadan arrinkan, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay hadda wixii ka dambeeya, in la helo sharuuc lagu maamulo, una degsan lacagaha digitalka ah.

Cryptocurrency oo hadda aad u soo korortay, waligeed ma yeelan, sharuuc u gaar ah, sida lacagaha kale, haddii ay khasaaro keentana, ma lahayn meel loo raacdo.

Tani waa tallabadii ugu horeysay ee uu dal weyn oo sida Mareykanka ahi u qaado dhinaca ilaalinta lacagaha digital-ka ah.

Trump qudhiisa ayaa markii loo doortay xilka madaxweynenimada Mareykanka soo saaray lacag digital ah, hase yeeshee weey u shaqeyn kari weyday.

News Sources: ABC NEWS

Amina M***a Wehelie
Heybad Media

Heybad News is a digital news platform by Heybad Media LTD delivering news through videos, podcasts, and online reports....
12/05/2025

Heybad News is a digital news platform by Heybad Media LTD delivering news through videos, podcasts, and online reports. Real stories, Real voices, Real impact.

Heybad Media LTD.

WAR (NEWS):Raisulwasaaraha UK,  Keir Starmer, ayaa maanta daaha ka rogay, tallabooyin hor leh oo looga hortagayo, dadka ...
12/05/2025

WAR (NEWS):
Raisulwasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa maanta daaha ka rogay, tallabooyin hor leh oo looga hortagayo, dadka u soo hayaamaya UK.

Raisulwasaare Starmer ayaa sheegay. hadaad dooneyso in aad ku noolaato UK, ay qasab tahay in aad ku hadli karto, misna taqaan, luuqadda Ingriisiga.

Tani waxeey ka dambeysay, markii dhowaan uu xisbiga Reform ee midigta u janjeera, uu kaga awood badnaaday, xisbiga shaqaalaha ee talada haya, goobo ii xisbigu ku haminayey.

Awaamiinta maanta uu ku dhawaaqay, ayaa si gaar ah u quseeya, dadka muhaajiriinta ah ee ama magangeliyada u soo raadsanaya, UK amaba u imanaya shaqooyinka ugu badan ee UK laga soo raadsado ee Xaannaanada caafimaadka (Health Care).

Dhowaan ayeey ahayd markii xabsiga la dhigay, dhowr shariikadood oo dad xannaanada caafimaadka ka shaqeeya, ka soo qortay dalal u badan kuwa ku yaal Galbeedka Afrika.

Xisbiga talada haya ee UK ayaa doonaya in aneey dabeyli ka soo gelin, arrimo badan oo xisbiyada cunsiriga ah ee UK ay codbixiyayaasha ku beer-laxawsanayaan.
Sanadka dambe 2026, ayaa mar kale lagu haradamayaa, doorashooyinka dowladaha Hoose, taasoo hadda xisbiyada UK oo dhami ay baratan ugu jiraan, sideey kuraas badan uga heli lahaayeen.

Courtesy of the photo:
PM's page.

Amina M***a Wehelie
Heybad News
The_Voice_Of_Somalis_In_Exile

WAR-03/04/2025-Algeriya:Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Algeeriya, Yuusuf Xassan Jeego, ...
03/04/2025

WAR-03/04/2025-Algeriya:

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Algeeriya, Yuusuf Xassan Jeego, ayaa maanta si rasmi ah looga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo.

Danjire Yuusuf ayaa waxaa si maamuus leh uga guddoomay warqadaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda Algeeriya, Ahmed Attaf, Isla markaasna, waxaa Danjire Yuusuf, si diirran loogu soo dhoweeyey, xarunta dhexe ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Dalka Algeria.
Danjire Yuusuf Xassan Jeego ayaa sidaas ku gudageli doona, howlaha diblomaadsiyadeed, ee uu qaranku u igmaday.

Sources:
Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS.

Courtesy Of Photos:
Somali Embassy of Algeria, Office of Media.

Heybad Media

Address

Birmingham

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Heybad Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share