Red Sea intelligence

Red Sea intelligence RSI Media (TV
Lasoco wixii ka dhaca gayiga soomaalida iyo caalamkaba

Hadaad ku cusub tahay follow iyo like dheh . THANKS.

25/11/2025
07/11/2025
25/10/2025

Madaxweyne Cirro oo si adag ugu jawaabay Somalia.

25/10/2025

Yaabka yaabkiis ๐Ÿ˜„

25/10/2025

Daawo:-Khilaafka dhex-,qarxay beesha dhulbahante "Dagaalkii Laascaanood Rag Ayaa maanta ka taajirey oo"

21/10/2025

Shacabka Reer Ceerigaabo oo fagaarayaasha ugusoo baxay soo dhawaynta madaxweynaha qaranka Somaliland.

Xog Sir:- Qaabka Uu Weerarka Ugu Qaadayo Magaalada Laascaanood Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan CirroLaascaanood,(Re...
18/10/2025

Xog Sir:- Qaabka Uu Weerarka Ugu Qaadayo Magaalada Laascaanood Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro

Laascaanood,(Red Sea Intelligence)-Magaalada Laascaanood,ayaa waxa ka dhex-socota abaabul ay ku jiraan bulshada ku dhaqan Degmadda Laascaanood.Isla markaana jidadka iyo waddooyinka ku dhex-yaal xaafadaha magaaladaa sawirka Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo daabacey istiikaro iyo boodhadh MadaxweynevXasan Sheekh Maxamuud oo lagu dhejinayo gudaha magaalada Laascaanood.
Saraakiil ka ag-dhaw guriga uu la degan yahey magaalada Laascaanood, oo ka gaabsadey in aanu sheegno magacood sababa la xidhiidha arrimo amaanka naftooda ah,ayaa u sheegay Red Sea intelligence in magaalada Laascaanood ay socoto daa-bulida ciidamo tiro-badan oo dawladda Soomaaliya ka soo gurayso magaalada Muqdisho.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamo isugu Jira milliteri,boolis iyo sirdoonka Nisa ka soo horaynayaan socdaalka Xasan Sheekh Maxamuud ee Laascaanood.
Sidoo kale,qaar ka mid ah Ilaalada Askarta Madaxweynaha loo doortey Waqooyi Bariga Sool Firdhiye,ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku imanayo saddex diyaaradood,Halka laba diyaaradood isaga iyo masuuliyiin xilal ka haysa xukuumaddiisa iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya soo raacayaa.Iyagoo xusay in diyaarada saddexaadna ugu talo galey marka uu ku noqonayo Muqdisho ku qaadayo askarta maxaabiista Somaliland ee ku xidhan laascaanood.Balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahey oo ka ag-dhaw Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Xasan iyo Garaadada beesha dhulbahante ka wada-hadlayaan in la Soo raaciyo Maxaabiista madaama uu yahey Madaxweyne Soomaaliyeed oo aan faro-madhnaan la Soo dirin hadhow,arrinkaas ay ka wada-hadlayaan Garaaddada Beesha Dhulbahante iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale,dawladda Somaliland,ilaa hadda kamey hadal socdaalka la sheegayo innuu Madaxweynaha Soomaaliya ku imanayo Laascasnood,Isla markaana ma jiro war rasmi ah oo sheegaaya in Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro weerar ku qadaayo magaalada Laascaanood,oo lagu joojinayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Xigasho Red Sea Intelligence.

Ethiopia and Somaliland Commit to Economic Cooperation( Red Sea Intelligence)in  2025, the heads of the central banks of...
12/10/2025

Ethiopia and Somaliland Commit to Economic Cooperation

( Red Sea Intelligence)in 2025, the heads of the central banks of Somaliland and Ethiopia held talks in Addis Ababa with a focus on strengthening financial and economic cooperation, including cross-border trade and banking ties.

Somalilandโ€™s Central Bank Governor, Abdinasir Ahmed Hersi, and Mamo Esmelealem Mihretu, former governor of the National Bank of Ethiopia (NBE), met at NBE headquarters to discuss collaboration on payments and settlement systems, foreign exchange and trade financing, anti-money laundering measures, fintech licensing, and forex operations.

The two sides agreed to establish a joint technical working group to follow up on these initiatives. Governor Hersi highlighted the strategic importance of Somalilandโ€™s Berbera Port and trade corridor for Ethiopiaโ€™s regional commerce, urging swift progress on banking and insurance protocols to facilitate port-use agreements. Governor Mamo, who resigned from his post in the days following the talks with his Somaliland counterpart, welcomed the initiative and pledged to raise the matter with Ethiopiaโ€™s Ministry of Foreign Affairs.

he meeting also addressed strengthening financial flows, formalizing the khat trade across the border, and the potential opening of a branch of Ethiopiaโ€™s state-owned Commercial Bank in Somaliland. Both governors emphasized their commitment to deepening cooperation to support economic growth and regional stability. Yared Nigussie of The Reporter Magazine caught up with Abdinasir Ahmed to learn more.
https://thereportermagazines.com/4200/

30/09/2025

Qaab Ka Duwan Nidaamkii H**e Oo Lagu Daahfuray Tartanka Marshuuc Guddida Qadaraasyadda Dawladda Somaliland



Hargeysa [Red Sea Intelligence]-Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland,ayaa maanta furay tartanka hal mashruuc,isla markaana waxa u baratamaaya 20 shirkaddood .
Xubnaha Guddida qaadeysa imtaxaanka shirkadaha u tartamaaya marshuucan ayaa lagu dhaariyey kitaabka quraanka ka riimka ah.

๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐š๐ก๐š๐š ๐๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐š๐ฌ๐ค๐š ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐Ž๐จ๐๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐ž ee Gobolka Daad-madheedh,ayaa maanta si daahfuran oo babliga ah lagu soo bandhigay Mashruucan oo ku soo tartamay 20 shirkadood.
Furitaanka Mashruucan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Xubnaha Guddida, Agaasimaha Guud ee G Q Q iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Abdoo Axmed Aayir ayaa u mahadnaqay shirkaddaha ku soo tartamay Mashruuca dhismaha Xabsiga Degmada Oodwayne sido kale u sheegay in goโ€™aanka shirkada ku guulaysata mashruucan lagu dhawaaqi doonno maalinta sabtida Octobar, 04, 2025.

21/09/2025

Shirkii bisha 25 keeda dhici lahaa oo lajoojiyay.

Maxaad ka taqaan Ragga Qoyska Madaxweynaha Somaliland Ee Ku Shaqaysta Awooda Iyo Shaadhka  Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro...
16/09/2025

Maxaad ka taqaan Ragga Qoyska Madaxweynaha Somaliland Ee Ku Shaqaysta Awooda Iyo Shaadhka Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro

Uk'(RSI Media)- Lix nin oo la Soo jeeda qoyska Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro,ayaa awood qarsoon ku dhex-leh xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee beesha Muuse Cabdale (Habaryoonis), gaar ahaan Abokor Looge.isla markaana lixda inan ee isku jifada ah ayaa awooddii madaxweynaha ku tagrifalaaya, iyagoo ka faa'iidaysanaya xidhiidhka ay madaxweynaha la leeyihiin.

Lixda inan ee Abokor Looge ee doonaya tacabkii Soomaalilaan, kii Garxajis iyo kii Muuse Cabdalle-ba inay qol madaw iyo xaaraan ku cunaan.

1.Siciid Xuseen Guuleed [beesha Abokor Looge ] la taliyaha cusub ee madaxweyne Cirro. Inanka loo jabiyay balankii madaxweyne Cirro ee ahaa qof Muuse Cabdalle ah digreeto ku magacaabi maayo Balse isagoo Abokor Looge ah la magacaabay. Siciid waa xoghayaha dad badan ee Cirro waana ninka loo diyaarinayo inuu qaato mashruuca dhiska guryaha ciidamada ee Qatar bixinayso. Shirkad dhismo ma leh waa mulkiilaha TV ga CBA haddana wuxu isu diyaarinayaa mashruucaas weyn malaayaantii inuu qaato.

2.Mahad Cabdi Cali [beesha AbokorLooge ]: Maareeyaha Horn Petroleum.

Ku dhowaad boqolkiiba konton shidaalka dawladdu isticmaasho waxa laga qaataa shirkadda uu maamulaha ka yahay ee Horn Petroleum. Mahad wuxu sidoo kale dagaal ugu jiraa inuu share ka helo shaybaadhka qaranka ee Berbera isagoo booskaas ka qaaday kornayl Faarax oo uu habeen ka xigo Cirro.

3.Cabdishakuur Cabdilaahi Cismaan. Hogaanka saadka iyo maaliyadda ee ciidanka laanta socdaalka [ beesha Abokor looge ].

Cabdishakuur waxa uu si dadban u haystaa ciidanka sirdoonka madaxtooyada wuxu laba jeer qaatay mashruuca dirayska ciidanka ilaalada madaxweynaha.

4.Jaamac Gaabuush [beesha Abokor Looge ] Jaamac laydiin sheegi maayo. Jaamac wuxu leeyahay haayad nabadaynta ka shaqaysa oo la dhaho Talo initiative. Jaamac maalin dhowayd wuxu saxeexay mashruuc $2 malyuun uu kaga qaatay dawladda Norway oo uu leeyahay Laascaanood ayaan nabadayn ka samaynayaa.

5.Maxamuud Cirro. Waa Madaxweyne Cirro walaalkii.

Maxamuud waa dhakhtarka gaarka ah ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, wuxu dhowaan samaystay shirkad dawooyinka soo dejisa, isaga oo doonaya inuu dhamaan la wareego dawooyinka iyo qalabka cisbitaalka weyn la keeno ee magaalada Hargeysa.

6.Xildhibaan Xasan Ogaal [beesha Abokor Looge ].

Xasan Ogaal laydiin sheegi maayo mashaariicda uu qaatay intii dawladda cusu ee Cabdiraxmaan Cirro wax uu qaatey marshuuca kiraynta gaadiidka talaalka,kaas oo qimad ku lahaa gaadhi kasta oo wacyi-gelinta iyo deegaanada kala duwan gaadhsiinayey talaalka dhulka Somaliland.

Address

Birmingham

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Red Sea intelligence posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share