Haybadle Media News Channel

Directions

Haybadle Media News Channel Somali journalist and media news services

Xogaha Cusub: Ruushka oo Badda Geliyay hubka qiyaamaha.Ruushka ayaa la sheegay inuu badda u diray gujis cusub oo loogu y...
26/08/2026

Xogaha Cusub: Ruushka oo Badda Geliyay hubka qiyaamaha.

Ruushka ayaa la sheegay inuu badda u diray gujis cusub oo loogu yeero malinta qiyaamaha, kaas oo awood u leh inuu qaado hub nukliyeer oo aad u halis ah.

Gujiska loo yaqaan Khabarovsk ayaa la sheegay inuu ka baxay dekedda Severodvinsk si uu u maro tijaabooyin badeed. Warbixinnadu waxay sheegayaan in gujiskan loo sameeyay inuu qaado ilaa lix diyaaradood oo biyaha hoostooda ku socda oo loo yaqaan Poseidon, kuwaas oo qaadi kara madaxyo nukliyeer ah.

Tallaabadan waxay ku soo beegmaysaa xilli xiriirka Ruushka iyo NATO uu weli aad u kacsan yahay, taasoo kordhinaysa walaaca laga qabo awoodda cusub ee Ruushka ee ka hortagga nukliyeerka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa h**e u sheegay in la tijaabiyay nidaamka Poseidon, oo ah hub biyaha hoostooda ku socda oo leh matoor nukliyeer ah.!!?
Haybadle Media News Channel

Dadka ku dhaqan Waqooyiga magaaalada Muqdisho gaar ahaanna degmada Yaaqshiid ayaa xalay gelinkii dambe ku soo baraarugay...
23/08/2026

Dadka ku dhaqan Waqooyiga magaaalada Muqdisho gaar ahaanna degmada Yaaqshiid ayaa xalay gelinkii dambe ku soo baraarugay huganka rasaas halkaas ka dhacaysa taas oo markii dambe la ogaaday in ay u dhaxayso dadka xaafadda Tookyo iyo ciidanka ammaanka Soomaaliya oo doonayey in ay xoog ku raran dadka halkaas deggan.

Ciidanka ayaa dadka u sheegay in ay xaafaddan ka baxaan ka hor inta aan la gaadhin 7 subaxnimo ee saaka, balse dadka ayaa diiday. Waxana dhacay iska hor imaad iyo bannaan bax xaafaddan ka dhacay.

Warbaahinta Muqdisho ayaa werinaysa in uu jiro khasaare ka dhashay hawl galka ay ciidanka Soomaaliya ka sameeyeen Yaaqshiid balse lama xaqiijin inta uu leeg yahay.

Dawladda Soomaaliya ayaa weli sii wadda barakicinta dadka ku dhaqan dhulka danta guud taas oo ah arrin soo jirtay tan iyo sannadkii h**e.
Haybadle Media News Channel

21/08/2026
Boosaso; "Ninkii Lacagta Dhacay Ee Iska Dhigay Maydka- Isagoo Aan Dhiman.."Sadaam, ayaa waraysi ka qaaday wiil ka soo je...
19/08/2026

Boosaso; "Ninkii Lacagta Dhacay Ee Iska Dhigay Maydka- Isagoo Aan Dhiman.."

Sadaam, ayaa waraysi ka qaaday wiil ka soo jeeda Jigjiga(haybta Yabaree) oo Lacagtisii Boosaso lagu dhacay. Hoos ka akhri qiso yaable👇👇

Yaxye, wuxuu ka shaqaysan jiray oo uu ku barbaaray waddanka Yemen, waxayna is barteen nin dhalinyaro ah oo ismaacil lagu magaacabo oo Putland kasoo jeeda. Yaxye iyo Ismaacil waxay ka xamaalan jireen xeebaha Yemen. Ismaacil wuxuu yaxye ku tashkiiliyay inuu Bosaaso ka shaqaysto oo Gaadhi yar oo Taxi ah uu ka iibsado Putland, Hami badan kadib Yaxye waxuu isu dhiibay ha'yad dadka qaxootiyada ah dalka dib ugu soo celisa oo waxuu is keenay Bosaaso.

Sidii ballanku ahaa Ismaacil ayaa gaadhi yar oo Vitz ama Tukhaan ag u keenay Yaxye oo ku yidhi; kan ayaa diyaara oo gaadhi cusub weeye, dhanka kale Yaxye wuu ku qancay gaadhigii oo 3300$ iyo 200$ oo dilaalkii ah ayaa laga qaaday. Gaadhigiina isku tijaabi oo kaxee ayaa lagu yidhi. Waxaa lagu dhahay: "Subaxa ayaan waraaqaha iyo documents gaadhiga oo dhamaystiran kugu wareejinaynaa." Yaxye na wuu aqbalay isagoo lacag 3500$ bixiyay, Markii uu waagu baryay ayuu wacay lanbarkii oo Golis ahaa oo nin waddaad ah oo dilaalka ahaa watay, waxuuna u sheegay in ninkii Ismaacil ee gaadhiga ka iibinayay ee ragga u keenay geeriyooday xalay oo Garoowe lagu aasayo. Waxay ku dhaheen markay tacsidu dhamaato unbaa lacagtaas la baadi goobayaa. Lanbarkii wuu ka xidhay oo wuu waayay jaan iyo cidhib meel uu dhigay. Bilooyin kaddib Yaxye waxuu yimid Deegaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga oo uu asal ahaan kasoo jeedo.

Mudo 3 sano kadib ah ayuu Bosaaso ku noqday, waxuu arkay ninkii ismaacil ahaa ee lacagtii gaadhiga ka qaaday ee lagu yidhi wuu dhintay isagoo soconaya oo nool, meshii ayuu ku dhagay oo qabsaday isagoo leh: "Ninkan hala ii xidho oo ila qabta lacag ayuu iga dhacaye.." Kadibna odayaal meesha joogay iyo laba askari oo ismaacil la socday ayaa kasii daayay iyagoo leh miyuu waallanyahay? Cidna uma garaabin, Yaxye

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaalada Gaalkacayo gaar ahaann...
17/08/2026

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaalada Gaalkacayo gaar ahaanna qaybta Galmudug halkaas oo socdaal uu ku marayey muddooyinkii la soo dhaafay.

Safarka Xasan Sheekh ee Gaalkacayo ayaa ah mid ku eeg daanta Koonfureed isaga oo aan u gudbi doonin dhinaca Waqooyi ee ay maamuusho dawladda Puntland

14/08/2026

Hala hays baa ahaa : Aduun Ceebi k**a dhamaato.!!

"Masaajidka hortiisa baa shacabkii reer muqdisho mudaahiraad ku qabteen. Ileey qofka damiirta leh baa danqada waaba iska qoslayaa. Xasan "

Haybadle Media News Channel

14/08/2026

"Iran oo bur burisay 40 diyaarado maraykanka ah.!!

Haybadle Media News Channel

Puntland: Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in maxaabiista Laascanood ku xidhan ee kasoo jeeda Somaliland loo haysto ...
13/08/2026

Puntland: Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in maxaabiista Laascanood ku xidhan ee kasoo jeeda Somaliland loo haysto hab la mid ah qaabka magafayaaha oo kale, isla markaana halkii maxbuus maalintii lacag dhan $9 lagaga qaato Hay’adda Laanqeerta Cas.

Wasiirku wuxuu sheegay in Maamulka Woqooyi-bari ay tani u tahay fursad uu dhaqaale ku helo, oo bishii boqolaal kun oo dollar laga sameeyo haysashada maxaabiistaas.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray inaanay maxaabiistu arrimo siyaasadeed u xidhnayn, ee waxa ugu weyn Firdhiye u haysta ay tahay sidii lacag looga samayn lahaa.

Maxay kula tahay adiga.?

Haybadle Media News Channel

09/08/2026

"Soomaaliya oo Wajahaysa Qalalaase Dhaqaale, Ku-tiirsanaantii Caawimada Dibaddana oo Sii Dabar-go’aysa!!

Qorshe xumada Xasan culusow!!
Oo Aad usoo if-baxaysa"!!?

Haybadle Media News Channel

Address

125 Stapleton Road
Bristol
BS5OPS

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haybadle Media News Channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share