02/10/2026
Hargeisa International Half Marathon 2026
Hargeysa waxaa si qurux badan uga qabsoomay Hargeisa International Half Marathon, oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, iyadoo ay taageertay Dahabshiil Group
Tartanku wuxuu isu keenay orodyahanno iyo dhallinyaro ka kala socday qaar ka mid ah waddamada Geeska Afrika,
Dahabshiil Group waxay ku faraxsan tahay inay garab istaagto hindisayaasha kobcinaya awoodda dhallinyarada, horumarinaya ciyaaraha, isla markaana abuuraya fursado ay jiilka soo korayaa ku muujin karaan kartidooda.