Saab TV

Saab TV SaabTV Waxa uu Ka Hadlaa Dhacdooyinka Saameeya Nolosha Dadka. News and entertainment channel

 :  Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yar Yar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka oo Maalintii 2-aad ka socda Hargeysa
17/09/2026

: Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yar Yar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka oo Maalintii 2-aad ka socda Hargeysa

17/09/2026

Lix sano kaddib Abraham Accords - Maxay yihiin Isbeddellada waaweyn ee gobolka ka dhacay?

 : Xafladda qalinjabinta dufcadda 10aad ee Alpha University Burco
17/09/2026

: Xafladda qalinjabinta dufcadda 10aad ee Alpha University Burco

17/09/2026

Sucuudiga oo ka walaacsan in Suudaan lagala wareego

Sucuudiga ayaa Faransiiska, Ingiriiska, Pakistan iyo Masar ka dalbatay taageero dhinaca difaaca cirka ah, iyadoo ay sii ...
17/09/2026

Sucuudiga ayaa Faransiiska, Ingiriiska, Pakistan iyo Masar ka dalbatay taageero dhinaca difaaca cirka ah, iyadoo ay sii yaraanayaan gantaallada wax ka qabta weerarrada cirka, xilli ay sii xoogaysanayaan weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta Yemen.

17/09/2026

"Hantida-dhawrka ayaa gacanta ku haya dayntii la igu wareejiyey" Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Madaxweynaha JSL Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Washington, kullan kula yeeshay khubaro iyo ma...
17/09/2026

Madaxweynaha JSL Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Washington, kullan kula yeeshay khubaro iyo masuuliyiin ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Atlantic Council iyo Hay’adda Difaaca Dimuqraadiyadda ee loo yaqaano Foundation for Defense of Democracies (FDD).

Kulamada ayaa lagu falanqeeyey arrimo muhiim u ah amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed, amniga marin-biyoodyada, ganacsiga caalamiga ah, iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.

Sida oo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu carabka ku adkeeyey taabo-galka hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka jira Somaliland oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah, isbeddel siyaasadeed oo si nabad ah u dhaca, ka qaybgalka shacabka JSL ee hannaanka Dimuqraadiyadda, iyo in Somaliland ay leedahay Hay’ado Qaran oo Dastuuri ah oo ku shaqeeya nidaamka dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay in waayo-aragnimada Somaliland ay tahay tusaale muujinaya sida xasilloonida, dawladnimada iyo dimuqraadiyaddu u noqon karaan tiirarka amniga iyo horumarka gobolka.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey muhiimadda juqraafiyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dekedda Berbera, gaar ahaan marka laga eego amniga Badda Cas, isaga oo caddeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay in ay noqoto (saaxiib) la isku halayn karo oo kaalin wax-ku-ool ah ka qaadan kara amniga iyo xasilloonida gobolka.

16/09/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maalintii labaad Capitol Hill kula kulmay Xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka

16/09/2026

Dagaalka adag ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada dawladda Yemen

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maalintii labaad ee kulam...
16/09/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maalintii labaad ee kulamadiisa Capitol Hill ee Washington, D.C., kulanno gaar gaar ah la yeeshay Xildhibaan (Congressman) Brian Mast (R–Florida) oo ah Guddoomiyaha (Chairman) Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada ee Maraykanka iyo Senator Mike Rounds (R–SD).
Waxa xusid mudan in labadan mudane ay curiyeen xeerar u adeegaya danaha Somaliland, xeerarkaasi oo kala ahaa: Somaliland Partnership Act (S. 3861)March 17, 2022 oo uu hindisay Senator Mike Rounds iyo Department of State Policy Provisions Act, on September 11, 2025; H.R. 5300 oo uu curiyey Congressman Brian Mast (R–Florida).

Kulannadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, amniga badda, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyo sida oo kale ganacsiga, maalgashiga iyo fursadaha iskaashi dhaqaale ee labada dhinac.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa Xildhibaannada ka tirsan Congress-ka Maraykanka si gaar ah ugu baraarujiyey
muhiimadda juqraafiyeed, istiraatiijiyadeed iyo dhaqaale ee ay leedahay Somaliland, iyada oo ku taalla marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in iskaashi qoto-dheer oo ay yeeshaan Somaliland iyo Maraykanku uu wax weyn ka tari karo xoojinta amniga gobolka, ilaalinta isu-socodka ganacsiga caalamiga ah iyo horumarinta danaha dhaqaale ee labada dhinac.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay aaminsan tahay isla markaana ay ku dhaqanto qiyamka iyo mabaadi’da (values) uu Maraykanku ku dhisan yahay; sida xorriyadda, hannaanka dimuqraadiyadda, amniga iyo xasilloonida, horumarka, iyo dhawrista xuquuqda aadamaha.

Waxa uu xusay in qiyamkan la wadaago ay yihiin saldhig muhiim ah oo lagu dhisi karo iskaashi istiraatiiji ah oo waara, ku dhisan kalsooni, dano wadaag iyo aragti fog.

Booqashada Madaxweynaha JSL ee Capitol Hill, waxa ay sida oo kale fursad muhiim ah u tahay in si toos ah loola wadaago dhinacyada siyaasadda iyo sharci-dejinta Maraykanka aragtiyaha, danaha iyo fursadaha istiraatiijiyadeed ee Somaliland, iyada oo la dhisayo xidhiidho cusub iyo is-faham ku salaysan iskaashi amni, ganacsi, maalgashi, horumar iyo xasilloonida gobolka.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Address

Bristol

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saab TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share