Saab TV

Saab TV At Saabtv Somali, we focus on events that affect people's lives. We bring topics that often go under. News and entertainment channel

 :Xafaldda Qalinjabinta Addis Ababa Medical University College.
25/09/2025

:Xafaldda Qalinjabinta Addis Ababa Medical University College.

"Ardayda maanta ka qallinjabisay Jaamacadda Addis Ababa Medical University ee xirfadaha caafimaadka baratay waxa aan mar...
25/09/2025

"Ardayda maanta ka qallinjabisay Jaamacadda Addis Ababa Medical University ee xirfadaha caafimaadka baratay waxa aan marka h**e kula dardaarmayaa in aad mar walba Alle ka cabsiga ku dedaashaan iyo in aqoonta iyo xirfadaha aad barateen si daacadnimo iyo xirfad leh ugu gudbisaan dadka aad u shaqaynayso iyo bulshadaba, waana la idinku soo tabcay waalid iyo macalimiinba, waanan idiin ducaynaynaa" Sidaa waxa yidhi Hormuudka Waxbarashada Jaamacadda Addis Ababa Medical University Maxamed Cabdillaahi oo maanta la hadlay dufcaddii 15aad ee ka qalinjabisa Jaamacaddaasi.

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen mudahraadyo ka dhacay Waqooyiga dalka Hindiya,...
25/09/2025

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen mudahraadyo ka dhacay Waqooyiga dalka Hindiya, oo lagu dalbanayo in wax ka badel lagu sameeyo dastuurka.

Dhalinyarada Gen Z , ayaa sheegay in ay doonayaan in guddoomiyayaasha gobolada si toos ah oo doorto.

25/09/2025

"Ardayda qallinjabisa waa u sadaqo iyagoo aan aan mushahar qaadan haddii dadkooda u shaqeeyaan" Wasiirka Warfaafinta

Siyaasi Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, isagoo baaqna u diray bulshada iyo daw...
25/09/2025

Siyaasi Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, isagoo baaqna u diray bulshada iyo dawladda Somaliland.
Waxaanu qoraal uu soo saaray maanta ku yidhi;

"Dadka reer Somaliland waa ummad jecel Dawladnimada iyo dalkooda. Beesha Subeer Awalna waa mid ka mid ah Beelaha ku suntan Dawladnimada iyo dal-dhiska.

Dalkeenu waxa uu marayaa marxalad xasaasi ah oo aynu u baahanahay in aynu gacmaha isu-wada qabsano taabba-gelinta dawladnimadeena.

Si aynu uga gudubno qabyaaladaynta Siyaasadda, Xisbiyadu waa in ay noqdaan madalo furan oo afkaarta iyo aragtiyaha si siman loogu soo bandhigi karo, maadaama oo Xisbiyadii Siyaasadda saddex qudha lagu soo koobay.

Si aynu h**e ugu socono, waxa aan ku talinayaa in khilaafyada siyaasiga ah lagu xaliyo Xisbiyada dhexdooda

Xukuumaddana waxa ku waajib ah si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka umadda reer Somaliland in ay ka fogaato xadhiga siyaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan mudanayaasha Xasaanadda leh.

Sidaa awgeed, Xukuumaddu waa in ay sida ugu dhakhsaha badan xoriyaddooda ugu soo celiso muwaadiniintii xalayto la xidhay." Ayuu yidhi siyaasi Anwar Cabdiraxmaan Warsame.

25/09/2025

"Lacag dhan $3 bilyan ayaa Soomaalida kaga baxa caafimaadka Hindiya" Cabdiqaadir Baaxeer

25/09/2025

"Waa inaad shaqo-abuur ku samaysaan xirfadaha caafimaadka ee aad barateen" Madaxweynaha Addis Ababa Medical University

"Maanta xirfado ayaad barateen, aqoon ayaan leedihiin, markaa waxa aan idinkula talinayaa in aad aqoontaas uga faa'iiday...
25/09/2025

"Maanta xirfado ayaad barateen, aqoon ayaan leedihiin, markaa waxa aan idinkula talinayaa in aad aqoontaas uga faa'iidaysaan dalka iyo dadkeena. Waa inaad u baxdaan Gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka oo aad shaqo abuur ka samaysaan, xirfadaha caafimaadka ee aad barateena uga faa'iidaysaan.

Inta badan dalkeena waxa laga cawdaa shaqo la'aan, markaa waa in aad shaqo kasta oo aad qaban kartaan ha yaraato ama ha weynaato aad ka faa'iidaysataan,"Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jaamacadda Addis Ababa Medical University Saxardiid Askar oo ka hadlay qalinjabinta dufcaddii 15aad ee ka jaamacadaasi maanta ka baxday.

25/09/2025

: Xafaldda Qalinjabinta Addis Ababa Medical University College

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminay...
25/09/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta.

Safarkan Madaxweyne Cirro ayaa ah kii saddexaad ee uu ku tago Imaaraadka Carabta mudada uu xilka hayey, waxaanu halkaasi kaga qaybgalo shirweynaha caalamiga ah ee dhaqaalaha cagaaran ee dunida oo ay ka qaybgalaan madax iyo masuuliyiin dawladeed oo ka socda in ka badan 31 dawladood oo caalamka, ergooyin, ganacsato, diblomaasiyiin, maalgashadayaal iyo ergooyin kale oo tiradoodu ka badan tahay 3,300 oo qof, waana shir muhiim u ah dunida iyo dalalka ka qaybgelayaba.

25/09/2025

Dadweynaha oo ka niyad jabay xisbiyada

Address

Unit 51 Easton Business Centre, Felix Raod
Bristol
BS50HE

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saab TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Saab TV:

Share

Saab Tv

At Saabtv Somali, We Focus On Events That Affect People's Lives. We Bring Topics That Often Go Under-Reported, Listening To All Sides Of The Story We Give A Platform Those Who Don’t Have. Reaching More Than 12 Million Households In Over 120 Countries Across The Globe, Our Viewers Trust Saabtv Somali, To Keep Them Informed, Inspired, And Entertained.