13/05/2026
Maanta waxaa la filayaa in ay furmaan wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, xilli uu waqtiga harsan ee dowladda hadda jirta uu aad u kooban yahay.
Dhinaca dowladda waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, waxaana wehlinaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Injineer Saalax.
Dhanka mucaaradka waxaa matalaya Madaxweynihii h**e Sharif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni.
Wadahadalladan ayaa salka ku haya khilaafka ka taagan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.
Dowladda Federaalka waxay ku adkeysaneysaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo shacabka si toos ah uga qeyb galaan, iyadoo tusaale u soo qaadaneysa doorashooyinkii ka dhacay Gobolka Banaadir iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Hase yeeshee mucaaradka ayaa qaba walaac weyn oo ku saabsan hufnaanta iyo kalsoonida doorasho ay dowladda maamusho, iyagoo aaminsan in nidaam kasta oo dowladda keliya hagto uu noqon karo mid dhinac u janjeera oo aan si buuxda loo wada aamini karin.
Maanta waxaa si weyn loo sugayaa in mucaaradku miiska keenaan hindisahooda ku saabsan doorashada, taas oo noqon karta tallaabo muhiim ah oo lagu fahmi karo halka ay dooddu u jihaysan karto.
Waxaa markaas kadib la arki doonaa in dowladda Federaalka ay aqbasho soo-jeedimahaas, mise ay ku adkeysato jidkeedii h**e ee ku aaddanaa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Natiijada wada-hadalladan ayaa muhiim u ah jihada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo suurtagalnimada in la gaaro heshiis siyaasadeed oo laga wada qanacsan yahay.
Safaaradda Mareykanka iyo dalal kale ayaa qeyb ka ah dadaallada dhex-dhexaadinta si labada dhinac loogu dhoweeyo is-afgarad siyaasadeed.
Waxa shacabka Soomaaliyeed intooda badan rajeynayaan ayaa ah in wada-hadalladan laga gaaro heshiis dhex-dhexaad ah oo labada dhinacba ay aqbali karaan, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed ama dib u dhac kale oo ku yimaada hannaanka doorashooyinka dalka.
Natiijada kulamadan ayaa si weyn u saameyn karta mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya maalmaha soo socda.