SomUpdates

SomUpdates warar Sugan iyo madadaalo

Man Utd vs Barnsley xiliga:             10;00 habeenimo xiliga geeska afrika Taarikhda:     caawa oo Talaado ah 17ka Seb...
17/09/2024

Man Utd vs Barnsley
xiliga: 10;00 habeenimo xiliga geeska afrika
Taarikhda: caawa oo Talaado ah 17ka Sebtember 2024.
Garoonka: Old Trafford
Cup-ka Carabao Cup

Koobabka gudaha ayaa Erik ten Hag ku sii hayay booska tababaranimo ee Manchester United ilaa haatan, waxaana saaran cadaadis ah inuu sii wado rikoorkaas waqtigaan.

United waxa ay Old Trafford ku soo dhawaynaysaa wajiga koowaaad kooxda Barnsley caawa oo talaado ah.

Wiilasha ten Hag waxay ku bilaabeen xilli ciyaareedkaan qaab aan fiicneen oo isku dhafan, iyagoo laba guul ah iyo laba guuldarro dusha ku sita

Ten Hag ayaa xaqiijiyay in dhamaan ciyaaryahanadiisa kala ah Matthijs de Ligt, Lisandro Martinez iyo Noussair Mazraoui ay diyaar u yihiin kulanka kadib dhaawacyo looga saaray kulankii Southampton
Rasmus Hojlund iyo Luke Shaw ayaa la sheegay inay kasoo kabanayaan dhaawacyadii ay qabeen laakiin diyaar uma aha kulankaan labadoodaba. Victor Lindelof, Mason Mount, Tyrell Malacia iyo Leny Yoro ayaa mar kale seegi doona.

Manchester United vs Barnsley

Man Utd ayaa guuleysatay : 22 jeer
Barbaro waxay galeen : 11 jeer
Barnsley ayaa guuleysatay : 5 jeer

Barnsley waxa ay fadhisaa kaalinta lixaad ee heerka saddexaad ka dib bilow fiican oo xili ciyaareedkaan ah . Dabcan, waxaa ka go’an inay xisaab adag kala hortagaan kooxda man united.

Kooxda Tykes ayaa rigoorayaal kaga badisay Wigan iyo kooxda Championship-ka ee Sheffield United ayadoo u soo baxday wareegga saddexaad.

Address

East Grinstead
5444

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SomUpdates posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SomUpdates:

Share