SITI TV Waligaa Intaad Nooshahay Taariikhdaada yaan Mugdi Lagaa Gelin

Waxaa markii ugu horreysay Deeganka laga fuliyay qaliinnada baddalka jilibka, miskaha (sinaha), iyo seedaha.Madaxweynaha...
22/08/2025

Waxaa markii ugu horreysay Deeganka laga fuliyay qaliinnada baddalka jilibka, miskaha (sinaha), iyo seedaha.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa booqday Cusbitaalka Takhasuska Sare ee Sheekh Xasan Yabare oo toddobaadkii ugu danbeeyay waday ol'ole qaliin oo ay ka caawinayeen dhakhaatiir heer caalami ah oo ka socday Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Turkiga, ayna ka faa'iidaysteen 30 bukaan.

Qaliinnadan waxaa fuliyay koox isugu jirtay dhakhaatiir Soomaaliyeed iyo khuburo caalami ah oo ay TİKA u soo dirtay Deegaanka, waxaana fulinta qaliinnadan ku baxa malaayiin lacag ah balse bukaannadani ayaa hadda ku helay si bilaash ah, waana markii ugu horreysay ee meel ka baxsan caasimadda dalka ee Addisababa laga fuliyo qaliinnadani.

Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay dhakhaatiirta fulisay qaliinnadani :"Tani waxa ay sii xoojinaysaa xidhiidhka, walaalnimada iyo kalgacaylka ka dhaxeeya labada dal ee Itoobiya iyo Turkiga, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida. Ajir iyo xasanaad allaha idinka siiyo adeegani bilaashka ah eed soo gaadhsiiseen bulshada", ayuu yidhi Madaxwayne, Mustafe Muxummed Cumar.

Marar badan ayaa cusbitaalkan laga fuliyay qaliinnno ay ka caawiyeen dhakhaatiir ajinabi ah, taasi oo baajisay malaayiin lacag ah oo bukaannadaasi kaga bixi lahaa caafimaad ay udoontaan wadamo shisheeye; Daddaalkani waxa uu calaamad u yahay yididiilada mustaqbalka caafimaadka Deegaanka, gaar ahaan kor u qaadidda adeegyada takhasuska ah ee ay heli karaan bulshadu.

Shirka Qiimaynta waxqabadka shaqada Booliska gobolka shabeele ayaa ka furmay magaalada Godey ee xarunta gobolka shabeele...
22/08/2025

Shirka Qiimaynta waxqabadka shaqada Booliska gobolka shabeele ayaa ka furmay magaalada Godey ee xarunta gobolka shabeele

Waxaana shirka furay Madaxda Maamulka Ciidanka Booliska DDS, G/le sare Fadxi Cabdi Jaamac iyo Taliyaha Booliska Gobolka shabeele, G/le sare Maxamed Aaden Waxaana ka soo qaybgalay taliyeyaasha iyo saraakiisha booliska degmooyinka gobolka, kuwa maamulka magaalada iyo sidoo kale kuwa gobolka.

Qiimayntan ayaa xoogga lagu saaray shaqooyinkii booliska gobolka ay qabteen sanadkii dhamaaday ee 2017 T.I, iyadoo diiradda la saaray, sidii loo sixilahaa gal-daloolooyinka jiray ee shaqo, loona adkaynlahaa waxyaabihii wanaagsan ee la qabtay, isla markaana loo dardargelinlahaa howlaha amniga ee qorshaysan sanadka cusub ee 2018-ka.

Golaha Wakiilada Shacabka iyo Xafiisyada Fulinta ee Ismaamulka Diri Dhaba oo kala saxiixday Qorshe Hawleed Sanadeed
21/08/2025

Golaha Wakiilada Shacabka iyo Xafiisyada Fulinta ee Ismaamulka Diri Dhaba oo kala saxiixday Qorshe Hawleed Sanadeed

Jidka Xawaaraha Sare ee Maa,iso ilaa Diridhabe oo ay ku baxayso 62.5  Bilyan oo Birr, waxa uu faa,ido weyn u leeyahay gu...
20/08/2025

Jidka Xawaaraha Sare ee Maa,iso ilaa Diridhabe oo ay ku baxayso 62.5 Bilyan oo Birr, waxa uu faa,ido weyn u leeyahay guud ahaan bulshada

Ka hor mashruucan, dalka waxaa ka jiray 391 km oo jidad xawaare sare ah. Sidoo kale, waxaa hadda socda dhismaha 171 km oo kale. Jidka cusub ee la dhagax-dhigay ayaa noqon doona 144 km, waxuu qorshuhu yahay in lagu dhameeyo muddo afar sano ah oo laba waji kala leh.

Jidkan waxaa loo dhisi doonaa qaab casri ah, waxaana laga samayn doonaa meelo loogu talagalay dadka iyo xoolaha inay si nabad ah uga gudbaan.

Jidkan xawaaraha sare ayaa deegaanka ka mari doona Degmooyinka Maa,iso, Afdem, Erar, Gota-Biki iyo tuulooyin badan oo hoostaga, waxaana loo samayn doonaa goobo ganacsi oo dadku isugu yimaadaan, taasi oo ay ku heli doonaan adeegyo dhamaystiran.

Jidadkan xawaaraha sare ah ayaa tusaale u ah horumarka waddamada horumaray, waxayna ujeeddadu tahay kor u qaadista dhaqaalaha, ganacsiga, iyo isu socodka dadka iyo badeecadaha.

Ka sokow jidkan gobolka Siti, waxaan xadhiga ka jarnay mashaariic bulshadu baahi weyn u qabeen, waxaana dhagax-dhignay mashaariic kale si looga jawaabo baahiyaha horumarka ee bulshada oo ay qorshe u qaateen xisbiga iyo xukuumaddu.

waxaa qoray madaxwayne ku xigeenka DDS
Mudane Ibraahin Cusmaan

Waxaa la booqday iskaashatada soo saarta Dahabka ee Biin oo ku taala duleedka Biyo-qaboobe.Madaxweynaha DDS, Mudane Must...
20/08/2025

Waxaa la booqday iskaashatada soo saarta Dahabka ee Biin oo ku taala duleedka Biyo-qaboobe.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiintii uu hoggaaminayay ayaa booqday Iskaashatada Macdanta Biin ee soo saarta Dahabka oo ku taala deegaanka biyo-qaboobe ee degmada Ayshica ee gobolka Siti.

Iskaashatadan oo ah mid cusub oo hadda uun la aas aasay ayaa la filayaa in wax weyn ay kusoo kordhiso dhanka shaqo-abuurka iyo ilaha dhaqaale ee Deegaanka.

Gobolka Siti ayaa qani ku ah khayraadka kala duwan ee macdanta, waxsoosaarka beeraha iyo guud ahaan marinno muhiim u ah guud ahaan ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiintii uu hoggaaminayay ayaa booqday xarunta korontada lagag...
20/08/2025

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiintii uu hoggaaminayay ayaa booqday xarunta korontada lagaga dhaliyo dabaysha ee afka qalaad loogu yaqaano Wind Power oo ku taalla degmada Ayshaca ee gobolka Siti. Xaruntan ayay masuuliyiintu dhir beeris ka sameeyeen kaddib booqasho iyo kulammo ay la qaateen maamulka xarunta.

SITI TV

Waxaa saka  la dhagax-dhigay billowga dhismaha  Cusbitaalka Darajada Koowaad ee magaalada Ayshaca oo ay ku baxayso addun...
20/08/2025

Waxaa saka la dhagax-dhigay billowga dhismaha Cusbitaalka Darajada Koowaad ee magaalada Ayshaca oo ay ku baxayso addun lacaaged oo dhan 205 Milyan oo Birr
Waxana dhagax-dhigay

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxwayne ku-xigeenka, Mudane Ibraahim Cumaan Faarax iyo Wasiirka Xafiiska Caafimaadka, Dr. Muuse Axmed balaadhinta xarunta caafimaadka Ayshaca oo laga dhigay Cusbitaalka Darajada Koowaad, uuna fulinayo Xafiiska Caafimaadka DDS; kaasi oo socon doona muddo 18 billood
Insha allah marku dhamaaday waxa laga raysan doona ama yaraanto xawaarihi anbalasta iyo qayladeed

Sawirro: Soo dhawaynta wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ee ku guda jiray socdaa...
19/08/2025

Sawirro: Soo dhawaynta wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ee ku guda jiray socdaalka qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Siti oo xilli habeenimo ah gaadhay degmada Ayshica ee gobolka Siti.

19/08/2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Hadhagaale ee gobo...
19/08/2025

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Hadhagaale ee gobolka Siti.

Address

Greater Manchester

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SITI TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SITI TV:

Share