Geesey Media

Geesey Media Geesey Media waa madal warbaahineed oo madax-bannaan, u heellan faafinta xogaha dhabta ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxwey...
18/07/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda, shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo qoyska uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Hassan Omar Mohamed.
Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa masuul qaran oo door muuqda ka soo qaatay horumarinta hay’adaha difaaca, adkeynta amniga iyo xoojinta doorka Jamhuuriyadda Jabuuti ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, isaga oo si dhow uga qeyb qaatay dadaallada lagu taageerayo Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Jabuuti xilligan murugada leh, isaga oo tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo, iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

11/07/2026

Caaliya Maxamed Nuur waa Gabadha kaalinta 1aad u gashay Qalinjebiyaasha Dufcaddi 8aad ee ciidanka xoogga dalka soomaliyeed ee Turkisom

11/07/2026

Wasaaradda Gaashaandhigga oo si kulul uga jawaabay muuqaal la faafiyay!"

  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada, C...
11/07/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida Alle ha u naxariistee Halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Col. Cali-Shoocaac), oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Xaaji Cali uu ahaa halgamaa qaran oo door weyn ka soo qaatay difaaca dalka, adkeynta midnimada Soomaaliyeed iyo ilaalinta dowladnimada, isagoo xusay in uu raad muuqda ku lahaa marxalado kala duwan oo taariikhda Soomaaliya ah

11/07/2026

Soomaaliya oo la wareegtay Document muhiim ah, kaas oo wax wayn ka taraya taariikhda iyo dhaxalka Soomaaliya.
Safiirka Soo.aaliya u fadhiya wadanka Swedan, C/kariin Maxamed oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Stockholm ee caasimadda Swedan ayaa warbaahin u faah faahinaya, waxa Documents kaas uu ku saabsan yahay.

09/07/2026

Shir-jaraa'id Daawo Xisbiga Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Moodel doorasho oo u gaar ah kana warbixiyay kulamadii maanta dhacay.

  Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku falanqeeyay khatarta roobabka Super El Niño, kuwaa...
09/07/2026

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku falanqeeyay khatarta roobabka Super El Niño, kuwaas oo la filayo inay sababaan fatahaado, daadad iyo barakac, isla markaana saameyn ku yeeshaan beeraha, xoolaha iyo amniga cuntada. Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay habraaca isku-xirka farriimaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah, iyo saddex heshiis is-afgarad oo Soomaaliya la gashay dalalka Turkmenistan, Hindiya iyo Masar.

08/07/2026

WAR DEG-DEG AH: War-saxaafadeed laga soo saaray Kulankii Xasaasiga ahaa ee Muqdisho ku dhex maray Dowladda iyo Mucaaradka!

Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saartay wadahadallo  dh...
08/07/2026

Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saartay wadahadallo dhaxmaray madaxda dowladda fedraalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo labad dhinac aragtiyahooda ka dhiibay

08/07/2026

Donal Trump oo weerar ku qaaday Madaxda dowladda Iran,Isaga oo af-xumo ku caaya madaxda iran daawo👀

Address

Greater Manchester

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Geesey Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share