Eryal TV

Eryal TV Kala soco Eryal TV Warar & Barnaamij-yo xiiso leh. Runtu Isma Qariso

19/08/2025

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka somalilnd sh Abdilaahi Daahir (c/laahi Baashe)oo Hanbalyo Iyo Salaan Ugu Tagay Suldaanka La doortay ee Beelaha Cumar Jibriil Suldaan mohamed suldaan C/raxman qodax

19/08/2025

Duqa Magaalada Muqdisho oo ka warbixiyey abaabulka iyo diyaar-garowga dagaalka ee Ciidanka Deegaanka Ee ku sugan degmada Warsheekh

19/08/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Maanta magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

MADAXWEYNAHA OO DAAH-FURAY SHIRWAYNAHA 2-AAD EE WAX SOO SAARKA KALLUUMAYSIGA.Boosaaso: 19 August 2025: Madaxweynaha Dowl...
19/08/2025

MADAXWEYNAHA OO DAAH-FURAY SHIRWAYNAHA 2-AAD EE WAX SOO SAARKA KALLUUMAYSIGA.

Boosaaso: 19 August 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 2-aad ee wax soo saarka Kalluumaysiga iyo Maamul Baahinta Xeebaha, oo ka furmay xarunta Jaamacadda Citycot ee magaalada Boosaaso.

Madaxwehnaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay Shirka wuxuuna muujiyay muhiimada ay Dowladda siinayso wax-soo-saarka Kalluumeysiga, isagoo la wadaagay madasha in sifeynta Argagixisada Qorshaha ku xiga ee Dowladda noqonayo wax-soo-saarka oo uu ugu horeyoo Kalluunka iyo Kheyraadka kale ee Badda.

Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland, iyadoo sanadkan diiradda la saaray kor u qaadista wax soo saarka kalluumaysiga iyo xoojinta maamul baahinta degmooyinka xeebaha Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADDA DOWLADDA PUNTLAND.

19/08/2025

"Waxa ugu weyn ee aan Maanta Burco u imi waa inaan Midnimadiinna Xoojiyo' wixii Mashaariic ah aanu keeno Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro

19/08/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Damdamiska ee Degmada Sheekh sidoo kalena Booqday Jaamacada Culuumta Xoolaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro weftigii uu hoggaaminayey oo maalmihi...
19/08/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro weftigii uu hoggaaminayey oo maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay Magaalada Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil ayaa ku hakaday Degmada Sheekh.

Intii uu Madaxweynaha ku sugnaa magaalada Sheekh, waxa uu soo kormeeray Iskuulka caanka ah ee
IGAD Sheikh Technical Veterinary School (ISTVS) ee Culuunta Xoolaha isaga oo warbixino iyo xog-warran aqooneed ka dhegeystay Maamulka, Macallimiinta iyo aqoonyahano ka hawl gala Iskuulkan. Waxa ay Madaxweynaha uga xog-warrameen qiimaha uu Iskuulkani u leeyahay Qaranka JSL, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in aqoonta iyo qalabka yaalla Iskuulkani haddii sideeda looga faa’idaysto ay qayb weyn ka qaadan karaan horumarka dalkeena.

Madaxweynaha waxa uu soo booqday Shaybaadho (Laboratories)
kala duwan oo ay yaallaan qalab Casri ah, sida:
1. Food Hygiene Lab oo lagu baadho feyo-qabka Cuntada,;
2. Diagnostic lab oo lagu baadho dhamaan xanuunada ku dhaca Xoolaha;
3. Soil lab oo lagu baadha Carrada iyo qaybeheeda kala duwan;
4. Tissue Culture lab: Waxa lagu tarmiyaa dhirta qiimaha le ee sii dabargo’aysa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa looga xog-warramay baahiyaha aasaasiga ah ee u baahan in la daboolo iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira Iskuulka ISTVS iyo weliba kobcinta Hay’adaha Aqoonta ee Degmada Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si rasmi ah Xadhigga uga jaray Xarunta Dab-damiska ee Degmada Sheekh, kaasi oo kor u qaadaya adeegyada gurmadka degdegga ah iyo badbaadada bulshada reer Sheekh.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

19/08/2025

"Madaxwayne Maxaan ku soo dhawaynaa intii Hargeisa aad kaga timi ee xafiisyada hor tubnayd baa ..." Gancasade Mahad Cawil.

Xasan Sheekh oo xilkii Mareeyaha Dekada Muqdisho ka qaaday Washington una magacaabay Ameriko.
18/08/2025

Xasan Sheekh oo xilkii Mareeyaha Dekada Muqdisho ka qaaday Washington una magacaabay Ameriko.

18/08/2025

DEG-DEG-: Xukuumadda Somaliland oo digniin adag u dirtay Dowlada Turkish ka.

17/08/2025

Cuqaasha Beelaha Cumar Jibriil oo Shaaciyay Caleemo Saarka Suldaanka Guud ee beelaha Cumar Jibriil Suldaan Mohamed Suldaan C/raxman Qodax

17/08/2025

Faraca Labaad Ee Maqaayada Dhadhan iyo Dharag oo Maanta Laga Xarig Jaray Suuqa weyn Ee Bakaaraha Kala Xidhidh +252617 533324

Address

365 Sipson Road West Drayton
London
UB70HU

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eryal TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Eryal TV:

Share

Category