13/10/2025
Guddoomiye Xirsi Cali iyo Hal-beegyada Lagu Cabbiro Bisayl kiisa Hoggaamineed.
------------------------------------------
โ Waxa jira dabeecado caalami ah, oo hal-beeg u ah, kana marag-kaca, hoggaamin ta bisil, ee uu cokan yahay shakhsi ga hoggaamiyaha ahi (Good Leadership Characteristics)
~ Bisayl ka hoggaamineed, ee Guddoomiye Xirsi Cali X. Xasan, bulshada reer Somaliland waxa uga markhaatiya qodobbadan hoos ku xusan, kuwaas oo ay bulshada lafteedu na kula wada qirayso, marka aad qodob-qodob isu dul taagto;
1. Learning Agility
~ Aqoon tu, waa hub ka koowaad, ee lagaga xoroobo gumeysi ga jahli ga. Bulsho waliba, bulshada ay uga hoodada badantahay, hanashada hoggaamiye aqoon-yahan ah, way ka horu-mar iyo nolol wacan tahay.
~ Hoggaamin ta Guddoomiye Xirsi Cali, iyada oo ah mid ka marag-kacaysa inay aqoon tu tahay furaha koowaad, ee badhaadhaha bulsho iyo qof ahaan ba, waa mid aan ka daalin barashada cilmi ga (Maaddi iyo Diini ba). Xirsi iyo Goon ka Qalin-jebin tu waa walaalo, oo gu' kasta waxaad arkaysaa, isagoo 'Field' wax-barasho soo af-meeray, oo goon ku jeeni-qaaran.
2. Long-term vision
~ Waa hoggaamiye aanay aragti diisa siyaasadeed ku koobnayn 'Gur-gur Qaanso', balse wax ka hilaadin kara meel fog. Xirsi, waa hoggaamiye dugsanaya bisayl-siyaadeed, oo ku gudaya ilays ka dayaxa, halka toosh saddex-dhagaxle ah ay dhiggiisu ku gudaan. Waa hoggaamiye sahan-guura, oo arag ti fog leh (Vision), kaas oo aan ku go'aan qaadan sida ay maanta tahay cimilada siyaasaddu, balse fiiro dheer u leh, oo huud ku qaba hilaadin ta siyaasadda. Waa hoggaamiye cokan, nooca hoggaamineed, ee loo yaqaan 'Hoggaamin ta is-bedel ka' - (Transformational Leadership), taas oo ah inaanuu hoggaamiyuhu ku go'aan qaadan ama aanay niyad-jabin xaaladda maanta u muuqata, balse uu yahay ka aan marna ba is dhiibin, ee curiya xal kii ay timaaddadu isu sixi lahayd, ee ay ugu noqon lahayd mid geyaysiisa inuu dhoosha ka qoslo
3. Resilience
~ Adkay sigu, waa sahay da koowaad, ee hoggaamiyaha.
~ Hoggaamin ta Guddoomiye Xirsi Cali, waa mid lagu majeer to u adkaysi ga caqabadaha siyaasi ga ah iyo ku dhegganaan ta hadaf ka iyo aragti da. Dhawr xaaladood, oo la soo dersay ba, waxa uu kaga soo gudbay adkaysi, hoggaamin tiisu si aanay maraq-saar u noqonna, waxa uu ka guurayay guri ga uu markaa u arkayay inay ku saqiirayso, mar na waxa uu ahaa mid ku negaanayay guri giisa, isaga oo la imanayay hal-abuur isaga marti loogu soo wada noqdo kol ba geed ka uu markaa haysto.
4. Promise keeping
~ Ilaalin ta ballan ku, waa qodob diiniya, oo uu Alle kaga hadlay kitaab kiisa suubban, ee Qur'aan ka.
~ Guddoomiye Xirsi, qodob ka koowaad, ee aanay bulshada reer Somaliland kaga caban, waa xagga 'Ballan ka'. Ilmaha yar, ee 10 jir ka ah iyo qof ka weyn, ee 60 jir ka ah, isku si ayuu ula macaamilaa dhan ka ballan-oofin ta, waqti ga uu la ballamo na, inuu qof kii kasoo dib-dhaco mooyee, Xirsi Cali iyo ballan-darradu waa isku 'NATO iyo WARSO'.
5. Active Lessing
~ Guddoomiye Xirsi Cali, hoggaamin tiisu maaha, nooca dhagaysata ama jawaab ta, iyadoo dhabar ka u sii jeedda, balse waa mid uu Alle hibo dabiici ah u siiyay, inuu isku si u dhagaysto Wasiir ka iyo Waash-maan ka.
6. Humility
~ Damiir ka hoggaamineed, ee Guddoomiye Xirsi Cali, waa mid uu qanjaha joogo 'Is-dhul-dhiggu', oo marka uu curyaan ka la hadlayo, isuma arko inuu ka cimaamad sarreeyo, ee waxa uu dhegaha u raariciyaa, isaga oo jilbo-jooga, oo aan qoor ta jajabinayn, af ka na aan taagayn.
7. Integrity
~ 'Daacad-nimo' iyo 'Daacad-nimo-la'aan', waa labada dabeecadood, ee sida ay caddeeddu u ifayso, u kala ifiya, xalaal-nimada iyo xaaraan-tinimada hoggaamin ta uu shakhsi huwan-yahay.
~ Dammiir ka hoggaamineed, ee Guddoomiye Xirsi Cali, sida uu uga gilgisho balan-darrada, waa mid 'YAC' isaga dhaha, daacad-nimo-darrada, sida uu ballan ka u oofiyo na, waa hoggaamiye run-sheeg badan, oo si daacada ugaga dhabeeya wax kasta oo ay cid isku ogaadaan, kaddib marka uu dhex maro kulan ay ballani ka sii horraysay, oo waqti giisii ku qabsoomay.
8. Gratitude
~ Qof ka aan dad ka u mahad-niqin, Alle na uma mahad-naqo. Guul iyo guul-darro ba, gobonimada hoggaamineed, ee Guddoomiye Xirsi Cali, waa mid u mahad-naqda cidda ay shaqo dhex marto.
9. Social Communication
~ Bulshadu waa baalasha hoggaamiyaha, xidhiidh ka bulshadu na, waa Biriij ka isku xidha hoggaamiyaha iyo baalashiisa uu ku duulayo.
~ Hoggaamin ta Guddoomiye Xirsi Cali, waa mid u dhigan ta 'Boqor ka Shinnida', shabaqiisu na wuxuu soo qab-qab taa, malab-sameeyaha midi ba mid ka uu kasii shirribanyahay. Waa hoggaamiye u jawaaba muwaaddin kasta oo la soo xidhiidha, oo sida ragga qaar maaha inuu u soo jawaabo uun qof ka uu markaa garanayo ama uu dan ka leeyahay.
10. Compassion.
~ Hoggaamin ta Guddoomiye Xirsi Cali, waa mid aad u cokan naxariis ta iyo inuu la dareen noqdo had ba kii markaa jlicsan, ee uu waayuhu la gaddoomay. Nin ka qadeeyay uun la qolo maaha, ee kii qatanna waa la qolo iyo jaal.
11. Adaptability.
~ Hoggaamin ta Guddoomiye Xirsi Cali, waa mid ku suntan, la qabsi ga kolba halkii uu markaa joogo. Waa hoggaamiye, si uu hal kiisa u iimaansado, la yimaadda hal-abuur iyo curin uu bulshada ku tusayo qiimaha uu leeyahay geed ka uu hadhsanayaa. Waa hoggaamiye macne weyn u sameeya kolba xil ka uu markaa hayo.
12. Youth Empowering
~ Dhallin-yaradu, waa caqli ga iyo cududda uu qaran wali ba ku ciidamiyo. Hoggaamiye-yaasha aanay taladoodu tuur ta lahayn, ee ay toosantahay, waxay tayeeyaan jiilasha soo kacaya.
~ Hoggaamin ta Guddoomiye Xirsi Cali, waa mid la jaal ah jiilasha qaran keenna u soo kacaya. Waxa uu xoogga saaraa sidii uu qaran kan ugu soo xuli lahaa dhallin-yaro aqoon leh, oo siyaasadda dal kooda ku soo kordhin karaya hal-abuur iyo curin (Creativity and innovation)
13. Confident
~ Hoggaamin ta Guddoomiye Xirsi Cali, maaha mid sida ragga qaar ay 'Bac' du shaqayso, oo ka shakiya cidda ay wada-shaqayn tu ka dhaxayso, ee waa mid kalsooni weyn tusta qof ka ay ka dhexeeyaan danaha siyaasi ga ahi. Qof ku marka uu arko kalsooni da loo muujiyay, waxa uu noqdaa mid u hambeeya sidii loogu lisay.
FG. Intan iyo ka badan ba, waa astaamaha ay bulshada Somaliland ku majeeranayso guddoomiyaha xisbi ga WADDANI Md. Hersi Ali H Hassan.
W/Q- Aqoonyahan- Aadan Cali Bile