Somalilandpost Media Inc.

Somalilandpost Media Inc. An Independent News and Media Company

14/07/2025

"Inankeygu isagaa Libaaxa Xeradiisa Ugu Dhacay" - Aabaha dhalay NinHargeysa Libaax Ku Cunay

10/07/2025

"Xadhigga Saxaafaddu wuxuu soo dedejin karaa Cimriga Xukuumadda" - Suxufi Cabdifataax Ismaaciil Mursal

The Era of Photo Ops: How Somaliland’s Foreign Policy Is Undermining Its Sovereignty NarrativeIn the volatile geopolitic...
10/07/2025

The Era of Photo Ops: How Somaliland’s Foreign Policy Is Undermining Its Sovereignty Narrative

In the volatile geopolitical theater of the Horn of Africa, where diplomacy is a contest of narratives and leverage, Somaliland’s foreign policy under President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro has entered a phase of symbolic performance and strategic incoherence. Over the past seven months, the administration has projected an image of diplomatic activity foreign visits, MoUs, and ceremonial engagements but has failed to deliver tangible outcomes, coherent messaging, or institutional credibility. Worse, some of its actions have actively eroded Somaliland’s diplomatic standing and weakened its sovereignty narrative.

READ THE FULL ARTICLE AT: https://hargeisatoday.com/the-era-of-photo-ops-how-somalilands-foreign-policy-is-undermining-its-sovereignty-narrative/

SOMALILAND’S SHIFTING POLITICAL TRAJECTORY – A Betrayal of Sovereignty or a Pragmatic Pivot?  - Written by Suleiman Bola...
09/07/2025

SOMALILAND’S SHIFTING POLITICAL TRAJECTORY – A Betrayal of Sovereignty or a Pragmatic Pivot? - Written by Suleiman Bolaleh

For over three decades, Somaliland has stood as a rare beacon of stability and democratic governance in the Horn of Africa. Since reclaiming its independence in 1991, the self-declared republic has built functioning institutions, held competitive elections, and maintained internal peace—remarkable achievements in a volatile region. Under former President Muse Bihi Abdi, the pursuit of international recognition gained notable traction through strategic partnerships with Ethiopia, the UAE, and key Western allies.

Yet the election of President Abdirahman Mohamed Abdillahi ‘Irro’ in December 2024 appears to mark a significant shift in Somaliland’s political trajectory—one that risks reversing years of diplomatic progress and undermining its hard-earned sovereignty.

READ MORE AT: https://hargeisatoday.com/somalilands-shifting-political-trajectory-a-betrayal-of-sovereignty-or-a-pragmatic-pivot/

09/07/2025

Qoyska Muwaadin 11-sanno Ku Xidhnaa Jabuuti oo Hadlay iyo Masuuliyiin ay sababta xorriyadda Wiilkooda U Majeerteen

Madaxda dhaqanka Ee bariga Gobolka Sanaag Oo ka hor-yimid Qorshe Xasan Sheekh Wado.Suldaanka guud ee beesha Warsan-geli ...
08/07/2025

Madaxda dhaqanka Ee bariga Gobolka Sanaag Oo ka hor-yimid Qorshe Xasan Sheekh Wado.

Suldaanka guud ee beesha Warsan-geli Suldaan Siciid Cabdisalaan iyo Madax-dhaqameedka kale ee bariga Sanaag, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in aanay ogolayn in dadkooda lagu qasbo inay ku biiraan waxa loogu yeedho 'SSC-KHAATUMO'.

Waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu faraha lala baxo arrimaha gobalka Sanaag isla-markaana uu joojiyo colaadda uu ka hurinayo.

Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu dadka reer Somaliland ee bariga Sanaag hoos-geeyo koooxaha Huwanta ah ee Laascaanood, waxaanu dhawaan deegaanka Ceel-buh geeyay Ciidamada Haram-cad oo uu Muqdisho kaga soo daad-gureeyay diyaarado.

Somalilandpost Media Inc.

Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ina wada deeqda● Cid kasta oo jecel Jumhuuriyada Somaliland,  ha baraarugto, h...
08/07/2025

Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ina wada deeqda

● Cid kasta oo jecel Jumhuuriyada Somaliland, ha baraarugto, hana ogaato in jiritaankooda, dawladnimadooda, nabadooda duulimaad lagu yahay, laysuna bahaystay.

● YAYNAAN ISKU MASHQUULIN.
● CAQLIGU HA SHAQEEYO, DAWLADNIMAADA AY KU NAF WAAYEEN IN KA BADAN 100 KUN OO REER SOMALILAND AH, E AYNU GAADHKA KA HAYNAY 34 SANADOOD, HA LA ILAALIYO.

● GUUSHII IYO ICTIRAAFKII AYAA SOO IFAYA .

● WAR XUMA TASHIIL IYO DANAYSTE AAN UMADIISA U NAXAYN, DANA KA LAHAYN, OO KALIGII NOOLA IHI, YAANU KAA DUMIN.
● DHAGTA WAR QALDAN OO QABYAALADAYSAN YAAN SHAYDAANKA ALLE INOOGA DIGAY KUU SAARIN.

● UMADA YAAN SHAKI LA KALA DHEX DHIGIN, CADAWGA U ADEEGAYA.

● AYNU WADA ILAALINO QARANIMADA, WADA JIRKA, WALAALTOOYADA, NABADA, TAAS AYAY DANTEENU KU WADA JIRTAA.
● YAYNAAN BAAHIN WAR KASTA OO FITNO WADA, OO UMADA KALA DILAYA.

● BANI AADAM AYAYNU NAHAY, QALAD WAA DHACAA, HORANA WAA UU U DHACAY, WAANU DHICI DOONAA,
WIXII INAGA QALDAMA KOLBA MASKAX IYO WADA JIR AYNU KU XALINO, KUNA SAXNO.

● CADAWGEENA YAYNAAN KA FARXIN

● XUSUUSNOW MAR KASTA WAAYIHII SHALAY.

● GUUL IYO ICTIRAAF DAG DAGA, INSHA ALLA, JUMHUURIYADA SOMALILAND.

GUUL IYO GOBONIMO

● ARAGTIDAADU HA FOGAATO, MEEL FOG WAX KA EEG, IYO GUUSHA SOO BIDHAAMAYSA.

Dawladda Itoobiya Oo Maanta Soo Bandhigtay Heshiiskii Somaliland & Baahida Ay Qabto In La DhamaystiroAddis Ababa (SL.POS...
07/07/2025

Dawladda Itoobiya Oo Maanta Soo Bandhigtay Heshiiskii Somaliland & Baahida Ay Qabto In La Dhamaystiro

Addis Ababa (SL.POST) - Dawladda Itoobiya, ayaa daaha ka qaadday muhiimadda uu u leeyahay heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland.

Mac-hadka siyaasadda arrimaha dibedda ee dawladda Itoobiya, ayaa Maanta baahiyey bayaan uu ku sharraxay baahida Itoobiya u qabto inay gasho badda cas iyo sida uu muhiim u ahaa heshiiska Somaliland, kaasi oo u saamaxayey inay muddo 50 sano kiraysato 19KM oo ka mid ah xeebta Somaliland ee badda cas.

Mac-hadka Arrimaha dibedda ee Itoobiya oo ka mid ah meelaha lagu jaan-gooyo siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkaasi, ayaa bayaanka uu baahiyey oo Ciwaan looga dhigay "Raadinta Itoobiya ee marin-u-helidda Badda Cas iyo Is-afgaradkii Somaliland" ayaa lagu bilaabay sidan "Itoobiya oo la saadaaliyay in ay gaadhi doonto 150 milyan oo qof sanadka 2030-ka, ayaa weli ah mid aan bad lahayn oo ku taal Geeska Afrika.

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo gelitaanka Badda Cas, oo muhiim u ah kobaca iyo xasilloonida dalka Itoobiya.

Taariikh ahaan, Itoobiya waxay ku xidhan tahay Badda Cas ilaa Boqortooyadii Aksumite, laakiin Itoobiya waxay lumisay marin toos ah dabayaaqadii qarnigii 19aad markii Talyaanigu qabsaday Ereteriya.

January 1, 2024, Itoobiya waxa ay Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad ah, kaas oo muddo 50 sannadood ah u ogolaanaya in la gaadho 19 kilomitir oo ah xeebta ku teedsan gacanka cadmeed. Heshiiskan ayaa inkasta oo uu muhiim yahay, haddana waxa xiisad ka abuurtay Soomaaliya oo ku muransan madax-bannaanida Somaliland, waxaana fursad ka helay ciyaartoyga caalamiga ah sida Masar iyo waddamada Khaliijka.

Raadinta Itoobiya ee marin-biyoodka ayaa muhiim u ah xasilloonida gobolka waxayna u adeegtaa (badda Somaliland) wax ka qabashada caqabadaha soo waajaha waddamada aan badda lahayn.." ayaa lagu soo koobay warka Mac-hadka Arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu hakad ku jiro oo aan la dhamaystirin heshiiska aqoonsiga iyo badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Heshiiska oo uu Madaxweynihii h**e ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi la saxeexday Raysal-wasaaraha Itoobiya, ayaa isaga oo aan la dhamaystirin waxa Somaliland xukunkeeda qabtay Xukuumad cusub oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cirro, waxaanu heshiiskani ka mid yahay waxyaabaha ugu waaweyn ee sugaya inuu dhamaystiro.

Somalilandpost Media Inc.

Somaliland Oo Talo-qaran Ka Yeelanaysa Oromada Itoobiya Oo Culays Ku HayaHargeysa (SL.POST) - Badhasaabka gobolka Marood...
06/07/2025

Somaliland Oo Talo-qaran Ka Yeelanaysa Oromada Itoobiya Oo Culays Ku Haya

Hargeysa (SL.POST) - Badhasaabka gobolka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad, ayaa ka hadlay culayska ay Somaliland ku hayaan dadka ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada Itoobiya ee ku sool qul-qulaya.

Badhasaabka gobolka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad oo Maanta Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dadka Oromada ah oo soo badanayaa ay yihiin waxa laga qabo cabsiga ugu weyn marka la joogo Somaliland.

Axmed Maxamed Cadaad, wuxuu sheegay In dadka Oromada ahi ay ka qayb-qaataan amni-xumooyinka dhaca, sida Tuuganimada iyo xaaladaha kale ee nabadgalyada waxyeeli kara.

Guddoomiyaha Maroodi-Jeex, wuxuu ku baaqay in Talo Qaran laga yeesho wax ka qabashada dadka ka imanaya Itoobiya ee Somaliland ku soo qul-qulaya, kuwaasi oo uu tilmaamay inay shaqooyinkii hoose kala wareegeen muwaadiniinta Somaliland, ilaa ay u gudbeen dhulka baadiyaha ah, iyagoo ka shaqaynaya beeraha iyo raacista xoolaha.

Dadka ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya oo si koox koox ah loogu arko Hargeysa iyo magaalooyinka kale, ayaa waxa marmarka qaarkood raafa oo dalka ka saara ciidamada socdaalka Somaliland, laakiin waxa muuqata in hawl-galladaasi aanay wax badan ka tarin oo ay tiro ahaan sii kordhayaan.

Dadkan ayaa u badan Dumar wata Carruur, Rag Waayeel ah iyo dhalinyaro qabta shaqooyinka hoose, wallow inta badan dumarka ubadka sita iyo waayeelka kale ay dadweynaha dhexdiisa ka dawarsasaan ama ka tuugsadaan.

Somalilandpost Media Inc.

FAAHFAAHIN: Xaaladda Coleed Ee Sanaag & Hadafka Ciidamo Uu Xasan Sheekh Diyaarado Ugu Daabulay Gobolkaas.Sanaag (SL.POST...
06/07/2025

FAAHFAAHIN: Xaaladda Coleed Ee Sanaag & Hadafka Ciidamo Uu Xasan Sheekh Diyaarado Ugu Daabulay Gobolkaas.

Sanaag (SL.POST) - Dhaqdhaqaaqyo coladeed oo xooggan, ayaa ka socda bariga gobolka Sanaag ee Somaliland.

Dhaqdhaqaaqyada oo ujeeddadoodu tahay dagaal kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood doonayaan inay ku qaadaan Magaalada Ceerigaabo, ayaa Maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay bariga fog ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in deegaano ay ka mid tahay degmada Ceel-buh ay soo gaadheen Ciidamo ka socda dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo lagu sheegay inay ka tirsan Ciidamo lagu magacaabo "Haram-cad".

Ciidamadan oo halkaas lagu keenay diyaarad ka soo qaadday Muqdisho, ayaa la tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku taageerayo kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood oo bilihii u dambeeyay qorshaynayey dagaal culus oo ay ku qaadaan Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ee Somaliland.

Colaaddan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doonayo inuu ka abuuro gobolka Sanaag oo salka ku haysa qorshe siyaasadeed oo la xidhiidha in kooxaha Laascaanood ee la baxay SSC-KHAATUMO ay helaan gobol labaad oo u soo raaca Gobolka Sool, si loo helo Sawir sheegaya in waxa loogu yeedho SSC-KHAATUMO ka kooban tahay laba gobol, maaddaama oo Dastuurka ku meel-gaadhka ah ee dalka Soomaaliya uu dhigayo in Maamul-goboleed kastaa uu ka koobnaado 2 gobol iyo dheeraad.

Dhaqdhaqaaqan oo sida la soo weriyey dadka bariga Sanaag qaarkood ka soo horjeedaan, ayaa waxa dadka wada ka mid ah Guddoomiyihii h**e ee Golaha Wakiilada Puntland Cabdiashiid Jibriil oo uu adeegsanayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, wallow Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni uu diiddan yahay qorshahan oo lid ku ah Puntland oo sheegata maamulka deeganada bariga Sanaag & Somaliland oo ay ka tirsan yihiin sharci ahaan labadaba.

Dadka bariga gobolka Sanaag, ayaa qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud uga soo horjeeda inay diiddan in gobolka Sanaag laga hoos-saaro Somaliland oo ay sharci ahaan uga mid yihiin iyo Puntland oo dadkaas qaarkood hayb ahaan iskugu tirayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Wararkii u dambeeyay ee Warbaahinta ka soo gaadha Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa tilmaamaya in qorshaha xilligan socdaa uu yahay in Ciidamada kooxaha Huwanta oo gacan ka helaya kuwa Haram-cad ay marka h**e muquuniyaan dadka bariga Sanaag oo ay Maamul ahaan hoos-geeyaan Huwanta bariga gobolka Sool ee uu hoggaamiyo Cabdiqaadir Firdhiye, marka labaadna dagaal culus ay ku qaadaan Magaalada Ceerigaabo, si haddii ay suurto-gasho ay ula wareegaan Maamulkeeda isla-markaana ay hoos-geeyaan Magaalada Laascaanood.

Saacadihii u dambeeyay, muuqaalo la baahiyey ayaa muujinaya gaadiid tikniko ah oo jihooyin kala duwan kaga soo qul-qulaya bariga gobolka Sanag, arrintaasi oo sawir ka bixinaysa culayska ka jira aaggaasi.

Xaaladaha siyaasadeed iyo colaadeed ee ka taagan gobolka Sanaag, ayaan illaa hadda Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan-Cirro wax war ah ka soo saarin, inkasta oo xogaha hoose tibaaxeen inay ka war hayso xaaladda ka taagan isla-markaana ay waddo qorsheyaal ay ku soo xero-gelinayso Odayaasha iyo Waxgaradka bariga Sanaag, si dadka deegaankaasi aanay u wada qaadan hal mawqif oo khatar amni keeni kara.

Dedaalka aamusan ee Xukuumadda Madaxweyne Cirro waddo, ayaa dadka qaarkood waxay tusaale uga dhigayaan Ciidamo wata gaadiid dagaal oo toddobaad ka hor ka soo kicitimay bariga Sanaag oo gaadhay Magaalada Ceerigaabo, kuwaasi oo la weriyey in qorshahoodu ahaa inay wada-hadallo nabadeed Xukuumadda kula galaan Magaalada Hargeysa, Inkasta oo aan xilligaas ka dib warkooda la maqal.

Xaaladda bariga gobolka Sanaag oo sii adkaanaysa isla-markaana u baahan feejignaan siyaasadeed iyo mid ciidan oo Xukuumadda Somaliland ka yeelato, ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyihii Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe oo qoraal uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey bartiisa X ama Twitter-ka, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ka socda bariga Somaliland ay wadaan oo ay ku lug-leeyihiin Soomaaliya, Jabuuti & Shiinaha, kuwaasi oo uu sheegay inay doonayaan inay gobolka Sanaag ka hoos-saaraan Somaliland.

Faysal oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Reer Somaliland-now maxaa inoo talo ah. ? Waad arkaysaan oo waa taas loo badheedhay duminta JSL iyo in maamul-goboleedyo laga dhex sameeyo. Arrinkaasi waa duullaan qaawan oo lagu soo qaaday jiritaanka Somaliland, waxaana qorshahaas dhagaraysan si qaawan iskaga kaashanaya maamulka fashilmay ee Muqdisho iyo dawlado shisheeye oo ay ka mid yihiin Jabuuti & Shiinaha. Sidoo kale, dagaalka siyaasadeed ee lagu soo qaaday dhulka JSL, waxa barbar socda oo aan mugdi ku jirin kii qoriga oo lagu doonayo in lagu qabsado qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Gobolka Sanaag oo miiska cadowga saaran hadda.

Haddaba, reer Somaliland-now maxaa inooga meel yaalla duullaankaas lagu soo qaaday dalkeenna? Sidaa awgeed, waxa loo baahan yahay talo qaran iyo tab iyo xeelad midaysan oo si deg-deg ah loogu waajaho halista badheedhka ah ee xaqiiqdeedu ina hor-taal ee cadowga kala duwan ku soo qaadeen qarannimada iyo jiritaanka JSL..."ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Somalilandpost Media Inc.

05/07/2025

War-murtiyeed Ka Soo Baxay Shir-beeleed Lagu soo gebo-gabeeyey Deegaanka Qool-buulale oo ka tirsan Degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex

Xukuumadda Madaxweyne Cirro oo Shacabka ugu Baaqday Inay Hubka Qaataan Oo Wax Iska CeliyaanXukuumadda Madaxweyne Cadirax...
05/07/2025

Xukuumadda Madaxweyne Cirro oo Shacabka ugu Baaqday Inay Hubka Qaataan Oo Wax Iska Celiyaan

Xukuumadda Madaxweyne Cadiraxmaan Cirro, ayaa bulshada Somaliland ee tabashada ka qabta maamulka xukuumadda ugu baaqay inay Qoriga qaataan oo bannaan-baxka u baxaan, waxna iska celiyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex Wali Cabdi Jaamac oo hadalkiisu daba-socda shaqaaqo dhawaan ka dhacday Degmada Agabar oo Ciidanku boolisku ku dileen dad shacab ah, ayaa ku dooday inaanay tabashadu ku haboonayn bannaan-bax dumarka iyo carruurtu dareenkooda ku muujiyeen, balse ay tahay inta bannaankaas loo baxo oo hub la qaato wax la layska celiyo.

"Haddaad Wax Diideyso Qiri iyo Baaskoolad iyo waxaad dooneysaba qaado oo bannaankaas u bax, laakiin dumar iyo carruur laga dhex baroorto anigu raganimo uma Aqaanno," sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex Wali Cabdi Jaamac.

Bannaan-bax lagaga soo horjeedo dilka 2-da qof ee ku geeriyooday shaqaaqada Agabar, ayaa Arbacadii ka dhacay Hargeysa ka hor intii aan arrintan lagu soo afjarin heshiis Shan Qodob ka kooban oo Xukuumadda iyo odayaasha deegaanku isku raaceen.

Qaybaha bulshada oo siyaabo kala duwan uga falceliyey hadalka masuulkan, ayaa qaarkood ku micneeyeen wejiga saxda ah ee siyaasadd Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo in qorshaheedu yahay sidii ay dab iyo dagaal uga dhex-qarxin lahayd gobollada Galbeedka Somaliland,

Hargeysa Today

Address

Isleworth

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalilandpost Media Inc. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somalilandpost Media Inc.:

Share

About us

News and Entertainment Media