Safiirka Islaamka

Safiirka Islaamka waa Safiirka islaamka waana pagekeegya rasmika ah,waxaana sidoo Kale Iga helli kartaa you tube safii
(2)

31/05/2026

Duco xoog iyo awood badan qofka siisa shaqaalana uu uga maarmo...sheikh Mahad Abdinur Xadde

Ibnu Al-Qayyim (Alle ha u naxariistee) wuxuu yiri:Qofku sii wadaa ku dadaalka adeecidda Alle iyo la halganka naftiisa il...
31/05/2026

Ibnu Al-Qayyim (Alle ha u naxariistee) wuxuu yiri:

Qofku sii wadaa ku dadaalka adeecidda Alle iyo la halganka naftiisa ilaa uu ka barto oo uu jeclaado. Markaas ayuu Alle u sahlaa waxyaabo ku dhiirrigeliya cibaadada,
kuna boorrinaya wanaagga; wuxuu ka toosaa hurdadiisa si uu u cibaadaysto, wuxuuna ka kacaa fadhigiisa isagoo u dhaqaaqaya adeecidda Alle.

Alle weyne wuxuu yiri:

قَالَ اللهَ تَعَالَى: وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبْلَنَا".

“Kuwa ku dadaala dariiqayaga dartiis, hubaal waxaan ku hanuunin doonnaa
jidadkayaga.”

( Suuratul Cankabuut 29:69) 🤍📖🌿🕊️

Waxay tilmaamaysaa in qofka si daacad ah ugu dadaala adeecidda Alle, Alle u fududeeyo hanuunka iyo camalka wanaagsan. 🤲✨

Allahayow, gabdhaheena u guuri nin wanaagsan oo saalix ah, mid ka farxiya, oo qaddariya, oo raalli geliya. Allow sii mid...
31/05/2026

Allahayow, gabdhaheena u guuri nin wanaagsan oo saalix ah, mid ka farxiya, oo qaddariya, oo raalli geliya. Allow sii mid u noqdo astur iyo garab alle weyne ku xira, kana hesha dhammaan wixii aay ku hamminaysay oo aay ku taamaysay. Rabbiyow, ducadayda aqbal. 🤲🤍🌹

اللهم آمين. ✨🕊️🌿

Ibnu Al-Jawzi (Alle ha u naxariistee) wuxuu yiri:"Ma aanan arag wax qofka murugada iyo welwelka ka saara sida akhrinta Q...
31/05/2026

Ibnu Al-Jawzi (Alle ha u naxariistee) wuxuu yiri:

"Ma aanan arag wax qofka murugada iyo welwelka ka saara sida akhrinta Qur’aanka oo si qoto dheer looga fiirsado;
Qalbiguna wuxuu ku noolaadaa nolol aan la mid ahayn nolol kale."

📚 Sayd Al-Khaatir (143) 🤍📖🌿

31/05/2026

Ilaahayow noo
fududee gaaritaanka, riyooyinkeena wanaagsan noogana dhig kuwo khayr iyo barako leh. 🤍✨🌿

30/05/2026

Ilaahayow ha ka reebin addoomahaaga booqashada Gurigaaga Barakaysan (Kacbada) iyo istaagga Carafo. 🤲🤍

Meesha keliya ee ugu qurxoon uguna macaan🥹 ay ilmadu ku qubataa, qalbiguna deganan,duco iyo xasillooni uu ku hello ❤️🤲

Farriin ku socota waalidiinta iyo maamulada dugsiyada iyo iskuulada kenya...👍 Waxaa Kenya ku Soo badanaya aftuubka Carru...
29/05/2026

Farriin ku socota waalidiinta iyo maamulada dugsiyada iyo iskuulada kenya...👍

Waxaa Kenya ku Soo badanaya aftuubka Carruurta,

Waxaa guryahooda ka maqan carruur aad u farabadan oo waalidkood aay ka baafinayaan idaacada maxaliga ah iyo laamaha amniga,

Carruurta ugu badan waxaa laga aftuubtaa waddooyinka soo gala iskuulada aay dhigtaan.

Qaarna waddooyinka xaafadahooda iyo meelaha aay ku cayaaraan.

Iskastoo Carruurta ugu badan ee maanta maqan aay yihiin kuwa Kenyanka aay dhaleen,hadana carruurta Somaliyeed k**a marna ubadka la raadinayo maanta ee ku maqan gacanta burcada.

Dhanka kale burcada carruurta dhacda markii la ogaado xeeladaha iyo qaababka aay carruurta u dhacaan,isla markiiba waxay la imaadaan gaarta cusub oo aay dadka ku jahwareerinayaan.

Tusaale ahaan hadda gaarigaa jaalaha ama yellow ka ah ee hadda idiin muuqda waa gaari loo soo igeeysiiyay gaawaarida iskuulada uu ardeyda lagu qaado oo waay soo buufiyeen magac waay kusoo qorteen, lakiin malahan plate number ama lambarka gawaarida lagu aqoonsado.

Waxayna soo dhigaan meel u dhaw iskuulada si carruurtu markii lasoo fasaxo ugusoo yaacaan

Isla gaari labaadna iyagaa wadda wax lambar ahna malahan.

Sidoo kale waxay ku qaraabtaan mootooyin,

Fadlan Farriintaan ugudbiya waalidka ubadkooda iska soo tira ama isaga soo tuura gaarigeey arkaan ee u eg gaawarida iskuulada.

Sidoo kale Farriintaan gaarsii maamulada iskuulada ee iska soo Fasaxa ardeyda ee aan hubsan gaariga aay galayaan. Ama dadka aay Soo raacayaan.

Idanka alle Waxaan idiin soo gudbin doonaa xaqiiqooyin arinkaan muujinaya

Nuxurka ciidda waa daahirinta nafta iyo hagaajinta qalbiga. Run ahaantii waxa muhiimka ahi waa in raadkii cibaadadu sii ...
29/05/2026

Nuxurka ciidda waa daahirinta nafta iyo hagaajinta qalbiga.

Run ahaantii waxa muhiimka ahi waa in raadkii cibaadadu sii jirto xitaa marka ciiddu dhammaato.

Marka qofku ku sugnaado daacadnimada iyo camalka wanaagsan,

maalin kasta oo uu ku qaato adeecidda Allah waxay u noqotaa ciid dhab ah.

Ciiddu ma aha oo kaliya farxad kooban,dhar cusub oo la xirto iyo tamashleeyn,

Balse ciiddu waa qofka ka cabsada maalinta gooddiga.

Allah ha inagu gaarsiiyo sannado badan oo barako leh, Aamiin .

Saddexaan calaamadood qofkaad ku aragdo waa jaahile isaga Fogoow *Jawaab bixinta ka hor inta aan wax la dhageysan,*mucaa...
28/05/2026

Saddexaan calaamadood qofkaad ku aragdo waa jaahile isaga Fogoow

*Jawaab bixinta ka hor inta aan wax la dhageysan,

*mucaaradnimada ka hor inta aan wax la fahmin,

*iyo xukun ku ridid deg deg ah wax aan la aqoon ama aan la hubsan.

28/05/2026

Ma jiro nin ka ragannimo badan ninka xaaskiisa qadariya, sharfa, oo masayr wanaagsan u haya, sida in uu ka taxadaro labiskeeda iyo akhlaaqdeda.

Address

1 Frisby Road
Leicester
LE50DB

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Safiirka Islaamka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Safiirka Islaamka:

Share