Safiirka Islaamka

Safiirka Islaamka waa Safiirka islaamka waana pagekeegya rasmika ah,waxaana sidoo Kale Iga helli kartaa you tube safii
(3)

12/01/2026

Rabbi Dhibkaaga ha kuugu Badelo Wanaag, Cabsidaadana Nabad ha Kugu Badelo, Halgankiinana ha idin kugu Badelo Gacmo Buuxa oo Barwaqo Iyo Nuur ah.🤲

12/01/2026

"In kastoo Aadanuhu ay Qoraan Sharciyadooda Iyagoo Kaashanaya Caqligooda Qoranayana Sideey Wax u Jecel yihiin ,

Laakiin AIlaah wuxuu Qorayaa Aayahayaga Nolosha Adduun iyo Tan Akhiraba isagoo Kaashanaya Caddaaladiisa iyo Naxariistiisa Allaahu Akbar Allaahu Akbar Subxaanallaah 👍 💛

Wax Badan Ka Ogow  Sirta "4ta Tiir" Ee Heider Group of Schools 9 sano KadibLasoco Goordhaw Barnaamijka Su'aalaha Safiirk...
12/01/2026

Wax Badan Ka Ogow Sirta "4ta Tiir" Ee Heider Group of Schools 9 sano Kadib

Lasoco Goordhaw Barnaamijka Su'aalaha Safiirka uu Marti ku Yahay Maamulaha Mid ka Mid ah Iskuulkada Kaalmaha H**e Ka Galay Imtixaanada Iskuulada Kenya Heider Group of Schools...

Maanta oo Isniin ah Ayay Si Toos ah u Bilaabatay Isdiiwangalinta Sanadkaan 2026..Haddaba Iska Diiwangali Halka Kuu Dhaw Sida Islii California
Ama Pangani Ama si Toos ah uga wac Maamulka Lambarkaan +254711366663

12/01/2026

Ragga Inta Jecel In aay Xaasas Badan Guursataan Iyo inta Xaaska Koowaad ee ku Qasabdo in Aay La Guursadaan Yaa Badan ?

11/01/2026

"Bal ka waran Dhimashada Dabadeed? 👍 💛

Haddii Qofku Ogaan lahaa sida ay Xusuustiisu Dadka Dhexdiisa uga Nooshahay ,

Wuxuu u Sujuudi lahaa oo Keliya Allaah, oo wuxuu Jeclaan lahaa oo keliya Raallinimadiisa.

Maalgasho Sumcaddaada Jannada, waayo, waa wax aan Dhammaanayn ,

Sidoo Kale Adduunka uga tag Dhaxal Wanaagsan"

11/01/2026

2da Tiir ee Nolosha Aadaha Qurxisa 👍 💛

"Waxyaabaha Ugu Waaweyn ee uu Eebbe Weyne Addoonkisa uu Siiyo Waxaa ka mid ah

Dabacsanaan iyo Deeqsinimo Ruuxi ah,

Isaga oo ka Dhigaya meel Ammaan ah oo Aanay Dadku ka Baqayn Dhagar iyo Qallafsanaan toona.

Haddii Labadaan Heysado Dheh Alxamdullilaah Haddii Aadan Heeysana Kasbo oo Isbar Maanta

11/01/2026

"Ma jiro Cadow uga Daran Bini'aadamka Jaahilnimada naftiisa. 👍

Inaad illowdo Ceebahaaga waxay ka Dhigan tahay inaad Dooratay inaad ku sii jirto Gunta hoose ee Qummanaanta Naftaada

Aragtidu waxay ka Bilaabataa Gudaha Naftaada,

Haddii Aadan Haysan Geesinimo aad ku Qiimeyso Naftaada, ma heli Doontid shahaadooyin aad ku Qiimeyso Adduunka Kale Waxa Ka Socta.

Jooji Daawashada Dadka Kale, oo Bilaw inaad ilaaliso Naftaada si aad u Aragto Wanaaggeeda."

11/01/2026

Sheikh Boqolsoon Iyo Culimadii uu Waxkasoo Bartay Taariikh Kooban Dr Sheikh Yusuf Axmed

11/01/2026

Alla! Iga Nasiib Badnaaya Ninka intu Nabiga Scw Soo Hor istagay Ishiisuna Mar Qura Qabatay, Dhabankiisii Quruxda Badneey iyo Dhoolacadeeyntiisii
اللهم صل وسلم وبارك عليه ❤

10/01/2026

Cafiska iyo Dulqaadashadu Maaha itaaldarro, laakiin waa Taajka Qalbiyada Wanaagsan Qurxiya

Iimaankani Wuxuu Beeraa Dabacsanaan Xagga Dhaqanka ah, Naxariista Iyo isdhexgalka bulshada,

Dhalaalka Muuqaalka, iyo Naxariista Qalbiga. Qofkaas oo kale Nafta ayaa laga Aqoonsadaa Jidhka ka hor.

Wuxuu ku Dhex Jiraa Qalbiyada sida sawir la jecel yahay oo Kale.

Markay Dunidan ka Tagaanna, Xusuustooda Quruxda Badani Waxay Dadka u Ahaanaysaa il Duco oo Joogto ah.

Guuleeysta Inta Qalbiyada Qurxoon

Usii Gudbi Qof aad Wanaag La Jeceshahay ♥️

10/01/2026

Fadlan Farriintaan Iga Gaarsiiya Ducaada

10/01/2026

"Da'da Buuqa Dhijitaalka ah, Aamusnaanta waxay Noqotay Sirdoon istiraatiiji ah.

Kuma Qasbanid in Qof kastaa Ku fahmo,

Laakiin Waxaa Waajib Kugu ah inaad Naftaada ku Raaxaysato Adigoo Aamusan

Aamusnaantaada u Rog meel Gaar ah oo Korriin Aay Ka Heleeyso Maskaxdaada,

Dadka Kalena u Dhaaf Si xor ah inay u Tarjumtaan Fikirka Aay Kaa Qabaan ."

Guuleysta Saaxiibada Aamusnaanta Guusha Ku Gaara

Intaad Faallooyinkeena Ka Faa'ido Fadlan Walaalkaa Ama Walaashaa Baa U Oomane Gaarsii Si Adigana Allaah uu Ajar kaaga Siiyo 👍 💛 "

Address

1 Frisby Road
Leicester
LE50DB

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Safiirka Islaamka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Safiirka Islaamka:

Share