Rasumal Tv Fadlan ka mid noqo saaxibada Rasumal Tv

23/01/2025

Daawo Shirka jaraa’id ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi.

Tobannaan dadweyne ah ayaa salaaddii Jimcaha kadib isugu soo baxay dibadda masjidka Cumar Bin Khadaab ee magaalada Muqdi...
17/01/2025

Tobannaan dadweyne ah ayaa salaaddii Jimcaha kadib isugu soo baxay dibadda masjidka Cumar Bin Khadaab ee magaalada Muqdisho iyagoo taageeray heshiiska xabad joojinta ah ee looga dhawaaqay magaalada Qasa. Dadweynaha ayaa watay boorrar ay ku qornaayeen nabadda Qasa iyo calamada Falastiin.

Haddallo ay dibad baxa ka jeediyeen xubnaha ka qaybgalay ayay ku sheegeen in heshiiska uu muujinayo guul ay gaareen shacabka Falastiin iyo dadka reer Qasa.

Isra'iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ka dib 15 bilood oo dagaal ah, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Mareykanka.
Ra'iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, ayaa sheegay in heshiiska uu dhaqan geli doono Axadda haddii golaha wasiirrada Israa'iil uu ansixiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in tani ay 'joojin doonto dagaalka Gaza, korna ay u qaadi doonto gargaarka bini'aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay ee shacabka Falastiin, isla markaana ay maxaabiistu la mideyn doonto qoysaskooda.

Markii ugu h**eysay ee dhexdhexaadiyeyaasha heshiiska ee Qatar iyo Mareykanka ay ku dhawaaqeen heshiiska, waxay sheegeen in heshiiska uu dhaqan gelayo maalinta Axadda ah iyadoo ay ansixin doonaan golaha wasiirada Israa’iil.

Dagaal ayaa la sheegayaa inuu dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug, gaar ahaan Meygaagta, sida ay RasumalTv u sheegeen...
15/01/2025

Dagaal ayaa la sheegayaa inuu dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug, gaar ahaan Meygaagta, sida ay RasumalTv u sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Dagaalka saaka ayaa yimid xilli ay dhawaanahan socdeen dedaallo nabadeed oo lagu heshiisiinayo dhinacyada dagaalamaya.

Wasiirro ka socday Puntland iyo Galmudug oo loo soo diray howlaha nabadeynta gobalka Mudug ayaa dib ugu kala laabtay Garoowe iyo Dhuusamareeb.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulada Puntland iyo Galmudug ay sheegeen in xal laga gaaray dagaalka sida hadda muuqatana heshiiskaas ayaanan dhaqan gelin.

Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamaanka JFS ku matala Jubbaland ayaa dhaleeceyn kulul ujeediyay dowladda Federaalka a...
15/01/2025

Xildhibaanada Labada Golle ee Baarlamaanka JFS ku matala Jubbaland ayaa dhaleeceyn kulul ujeediyay dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Xasan Sheikh Maxamuud kuwaas oo ku eedeeyay inay siyaasadeeysay arimaha gargaarka, kabka Miisaaniyada iyo Deeqaha Caalamiga ah ee Jubbaland.

Sawirrada hadal haynta dhaliyay ee soo dhaweyntii heerkeedu sareeyay ee ay Itoobiya u sameysay  Madaxweyne Xasan Sheekh ...
12/01/2025

Sawirrada hadal haynta dhaliyay ee soo dhaweyntii heerkeedu sareeyay ee ay Itoobiya u sameysay Madaxweyne Xasan Sheekh taas oo lagu tilmaamay soo dhaweyntii ugu sarreysay ee ay Itoobiya u sameyso madaxweyne Soomaali ah.

Waddooyinka magaalda Addis Ababa iyo dhismayaasha ayaa waxaa lagu xardhay calanka Soomaaliya iyo sawirrada madaxwynaha.

Maxay kulatahay?

Saraakiil katirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xoogga saareen howlgallada looga hortagayo dib usoo laabashada Kooxa...
10/01/2025

Saraakiil katirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xoogga saareen howlgallada looga hortagayo dib usoo laabashada Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida oo bilihii u dambeeyay bilaabay dhaq-dhaqaaqyo iyo isku dayo ah in ay qaadaan weerarro ka dhan ah maraakiibta.

Waxay sheegeen in roondada ay sameysanayaan Maraakiibta Dagaalka oo ay wehliyaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa Duulliye la’aanta ee Drones-ta loo yaqaan ay fududeynayaan kahortagga weerarrada kooxahaas.

Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo katirsan labada aqal ee Baarlamanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in Ga...
06/01/2025

Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo katirsan labada aqal ee Baarlamanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in Ganacsade Ajnabi ah uu u uxiray Dhoofka Xoolaha oo loo diiday Ganacsatadii Soomaaliyeed.

05/01/2025

Waxaa jira dalal badan oo aanan dooneeynin ineey soomaaliya NABAD noqoto hadaba waa kuwee dalalkaas?

Maxeeysa tahay sababta ka danbeeysa arinkaas?

02/01/2025

Hadal-jeedintii Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle).

02/01/2025

Hambalyada Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay ugu dambeysay 54 sano ka hor.

54 sannadood ka dib Soomaaliya ayaa ku fadhiisatay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.Soo...
01/01/2025

54 sannadood ka dib Soomaaliya ayaa ku fadhiisatay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaalida ayaa xilkan haynaysaa labada sanno ee soo socota ee 2025-2026. Wakiilada ayaa sheegay in ay ka go’antahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Faahfaahin aanu ka heleyno deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ayaa tibaaxaya in saaka uu dagaal ku dhexmaray ciidamada ...
31/12/2024

Faahfaahin aanu ka heleyno deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ayaa tibaaxaya in saaka uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Puintland iyo Kooxda Daacish ee buuraleyda Calmiskaad.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka saaka uu ku bilowday weerar Ismiidaamin ah oo uu fuliyey baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin kamid ah kuwa ciidamada Puntland.

Kadib waxaa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Xogo laga helayo saraakiil ciidan oo ku sugan furinta h**e ayaa sheegaya in dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday ay dagaalka ku dhinteen inkastoo Rasumal TV aysan si madax bannaan u xaqiijin karin warkaas.

Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inay dileen 8 qof oo u dhashay dalal shisheeye oo kamid ah maleeshiyaadka weearka soo qaaday.

"Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish.," ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ciidanka Puntland.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ay duubeen Askar isticmaala Aaladaha Internet ka ayaa muujinaya Maydad dad Anaajiib ah oo ku dhintay dagaalka saaka dhacay.

Puntland ayaa mudooyinkii danbe qorshaynaysey duulaan ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyuda Calmiskaad, weerarka saaka lagu soo qaaday ciidanka Puntland ayaana noqday bilwoga dagaalka labada dhinac.

Address

London Borough Of Islington

Telephone

+447447684369

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rasumal Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Rasumal Tv:

Share