Somali Update News SUN

Somali Update News SUN Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali Update News SUN, Media/News Company, Maida Vale, London Borough of Islington.

13/06/2025

XOGO LA KOOBAY:- Isr4l aya dib u bilaawday weeraro rogaal celin ah, kaddib jawaab adag oo ay kala kulantay weeraradii goor sii h**e oo maanta ah ay fulisay.

Nidaamka difaaca ee Iiraan ayaa dib u habeyn lagu sameeyay, waxaana ay haatan ka hortagayaan gantaalada uga imaanaya dhinaca Talaab!!!b, si ka duwan kuwii maanta.

Mareykanka ayaa sheegay in Awoodda iiraan ay ka sareyso halka ay ku qiimanayeen, warkan waxaa loo fasiran karaa in sida ay aamisnaayeen ay ka khatar yar tahay.

Ruushka ayaa qadka taleefanka kula hadlay labada hoggaamiye, inkastoo aanee natiiijo wax ku ool ah kasoo bxin.

Amiirka Qatar iyo Duaxal sugaha Sacuudiga ayaa Trump lala hadlay soo af jarista xiisadda iyo in lagu laabto miiska wada hadalka, cidna dhag jalaq uma siin.

Faransiiska waxa uu meesha ka saray in lagu noolaan karo duni ay hubka wax gumaada ee Nugliyeeka ah ka heysato Iiraan, waxaa xusid mudan in Faransiisku uu qeyb ka yahay dadaallada lagu difaacayo Sahnuuniyadda.

Yaman waxaa si aad ah loola socdaa Madaafiicda ku qul quleysa Talaab!!b, waana shacabka kaliya ee Iiraan hadda taageerada u muujiyay.

TALAABIIB:- Marka loo eego warkan kasoo baxay taliska Difaaca Isr4l, waxaa jira khasaare baaxad leh oo ka duashay weerar...
13/06/2025

TALAABIIB:- Marka loo eego warkan kasoo baxay taliska Difaaca Isr4l, waxaa jira khasaare baaxad leh oo ka duashay weerarka Aargudashada ah ee ka imaanaya Iiraan, kaasi oo yimid ku dhawaad 24 saac kaddib Bartilmaameedyadii lagu wiiqay awooddeeda.

Taliska ayaa ku baaqay inaan la baahin sawirada goobaha ku burburay weerarada is daba joogga ah ee Iiraan la beegsatay xarumo muhiim ah oo ay ku shaqeeyeen Hay'ado ay ku jiraan, Mosad iyo IDF.

waxaa jirta suurtagalnimada ah in xubno muhiim ah ay isaga baxeen Isr4l, walo aan xog rasmi ah laga heyn, Iiraan ayaase weli wada jawaabta ay ka bixineyso weerarkii khasaaraha ba'an lagu gaarsiiyay awoodeeda dagaal.

13/06/2025

BARIGA DHEXE: Xiisadda gobolka bariga dhexe ayaa caawa kasii dartay, iyadoo maamulka Natenyahu ay helayaan taageero uga imaanaya dalalka reer galbeedka sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, kuwaasi oo qeyb weyn ka qaadanaya ka caawinta nidaamka Difaaca ee isr4l.

sida ay tabinayaan warbaahinta caalamka jawaabta Iiraan ayaa noqotay tii ugu sareeysay ee la filaye, iyadoo adeegsaneysa hubka Palastic-kada oo saameyntiisa laga dareemayo Talaab!!b, iskamarkaana burburiyay dhismayaal, walow aan si rasmi ah loosoo warin dhimashada iyo dhaawaca.

sicirka saliidda ayaa cirka isku sii shareeraya, dalalka gobolka ayaa dalbanaya in miiska wada hadalka lagu laabto, halka Iiraan ay shaacisay in wadada diblumaasiyadda ay iska xertay, diyaarna u tahay ka jwaabista gar darro kasta oo ka dhan ah jiritaankeeda, iyadoo adeegsaneysa awood kasta.

marka la eego khasaaraha gaaray Iiraan, weli ma sameyn aar-gushadii ay u baahneyd, walow maamulka Isr**il ay dadkooda goor sii h**eysay ku amreen inay u diyaar garoobaan dagaal aan dhamaad laheyn, kuna nagaadaan goobaha gabaadka ah ee ku yaal dhulka hoose.

Jawaabta Iiraan ay ka bixineyso weerarkii lagu cuuryaamiyay nidaamyadeeda dagaal, waxa ay u muuqdaan kuwa ay si taxadar leh u fulineyso, inkastoo taageerada Reer galbeedka ee Yah^^dda uu yahay mid iska cad oo aan gor gortan ku jirin, hase yeeshee tallaabooyinka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Tahraan ay yihiin kuwa ay dhaliilayaan, maadaama ay ka hor imaanayaan danahooda Bariga dhexe.

Aragtidaada Bariga dhexe noo reeb.

14/08/2024

"Sheegow ciidanka ayuu ka baxsaday, Uganda ayuuna aaday" Xeer ilaalinta

Address

Maida Vale
London Borough Of Islington
NW65PS

Telephone

+447501444350

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Update News SUN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share