Himilo Media Tv

Himilo Media Tv We are Himilo Media Tv Himilo Media Tv presents news behind the scene

05/12/2025

Magaalada Boorama waxa caawa ka dhacay rabshado sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Rabshadaga ayaa bilaabmay kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo shacab gadoodsan oo bannaan-baxyo ka sameeyey magaalada.

Sida ay xaqiijyeen warar laga helay xarumaha caafimaadka ee magaalada, waxa rabshadagha ku geeriyooday Afar qof oo shacab ah iyo dhaawaca tobanaan kale oo ay ku jireen askar ka tirsan ciidanka booliska.

Shacabka bannan-baxa ka sameeyey Boorama oo u badan dhalinyaro, ayaa weeraray xarumaha dowladda gaar ahaan xarunta maamulka Gobolka iyo xarunta Bangiga dowladda, taasoo sababtay inay ciidamadu dadka shacabka ah u adeegsadaan rasaas nool nool.

Kacdoonka shacavka Boorama ayaa bilaabmay gelinkii dambe ee maanta kaddib markii wasiirka warfaafinta oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal uu sheegay inay dowladdu ogolaatay in magaalada Saylac lagu qabto bandhiga buugga Xeee Ciise oo xiisad ka dhex abuuray beelaha dega gobolka Awdal ee Ciise iyo Gadabuursi.

Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdalle Sandheere ayaa h**e u sheegay inaay joojiyeen bandhigga buuga xeer ciise oo lagu eedeeyey inuu ka soo jeedo Jiritaanka Somaliland.

Maalmihii u dambeeyey waxa socday wada xaajoodyo u socday madaxda dhaqanka Awdal iyo wasiiirada gobolka u dhashay, kuwaas oo diyaarinayey qorshe ay kaga noqon karaan goaankaas h**e kadib markii madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro culays lagu saaray bandhiga buuga xeer ciise inuu ogolaado.

Si kasta, xaalada magaalada ayaa xilligan degan dadkina waa kala hoydeen, hadana lama saadalin karo xaalada ay magaaladu berri u ekaan karto.

26/11/2025

Ciidanka Maraykanka ee AFRICON oo Berbera ka degay

Saraakiil ka socota hawlgalka ciidanka Maraykanka ee AFRICON ee fadhigiisu yahay wadanka Jabuuti ayaa maanta lagu soo dhaweeyey garooonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Maraykanka ayaa ku hawlan sidii uu saldhig militari uga samaysan lahaa magaalada Berbera.

Saraakiisha oo maanta gaaray Hargeysa ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland Cabsiraxmaan Cirro.

24/11/2025

Volcano noociisa aan h**e looga arag oo ka qarxay Ethiopia

21/11/2025

Madaxweyne Trump oo Aqalka Cad ku Qaabilay Maayirka la Doortay ee New York.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa goor-dhawayd aqalka cad ku qaabilay Maayirka loo doortay magaalada NewYork, Zohran Mamdani oo noqonaya Muslimkii u h**eeyey ee loo doortay masuulka ugu sarreeya maamulka magaalada ugu maalqabeensan caalamka ee New York.

Mamdani ayaa ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ah, waxaana jiro hadallo ay labada masuul isku weerareen horaantii bishan.

Xayiraad lagu soo Rogay Dhalinyarada 30-jirka ka yarMaamul goboleedka Woqooyi Bari ayaa xayiraad ku soo rogay dhalinyara...
15/11/2025

Xayiraad lagu soo Rogay Dhalinyarada 30-jirka ka yar

Maamul goboleedka Woqooyi Bari ayaa xayiraad ku soo rogay dhalinyarada da'doodu ka yar tahay 30 jir inay ka baxaan deegaannada maamulkaas.

Wareegto ka soo baxday wasaaradda hawlaha guud ayaa sheegaysa in goaankani ka dambeeyey markii laga war helay farsamooyin casri ah oo da'yartu ugu baxayaan dibadda iyagoo raadsanaya nolol ka fiican ta ay ku haystaan dhulkooda hooyo.

Maamulka ayaa sheegay in koox magafeyaal ahi faro baas ku hayaan dhalinyarada oo tahriib ku baxaya.

Itoobiya oo ishaartay duullaan iyo dagaal lagama maarmaan ah oo dhexmara EritreaDowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Eritr...
15/11/2025

Itoobiya oo ishaartay duullaan iyo dagaal lagama maarmaan ah oo dhexmara Eritrea

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Eritrea inay taageerto maleeshiyaad hubeysan ee ka howlgala gudaha dalkeeda isla markaana ay ku xad-gudubtay madax-bannaanideeda dhuleed.

Dhanka kale, Ethiopia waxa at xaqiijisay in dekedda Casab ay weli tahay mudnaan istaraatiiji ah oo u qorsheysan inay gacanta ku dhigto.

Dowladda Ethiopia waxa ay ka ku gooddiday inaanu ciidankeedu indhaha ka qarsan karin daan-daansiga kaga imanaya Eritrea

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos oo 13kii bishan hadal ka jeediyey Madasha falanqeynta Siyaasadda Dibadda oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Horn Review iyo Jaamacadda Addis Ababa, waxa uu si faahfaahsan ugaga hadlay xiisaha soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo halka ay salka ku hayaan.

Wuxuu sheegay in qaybo ka mid ah dhulka Ethiopia ay xilligan gacanta ku hayaan ciidamada Eritrea, taasina ay tahay xad-gudub ka dhan ah Ethiopia.

Mar uu ka jawaabayey su'aal laga weydiiyey dekedda Casab ee dalka Eritrea, wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in dekedda Casab ay weli tahay mudnaanta koowaad ee Itoobiya, waxaanu ku dooday inay dowladda Ethiopia maalgeshi baaxad leh ku samaysay ka hor intii aanay Eritrea ka goosan dalkaas sannadkii 1991kii.

Himilo Media Tv

15/11/2025

Xiisad Ka taagan Saylac oo saamayn ku yeelatay isu socodka Gaadiidka Somaliland iyo Djibouti

09/11/2025

Musiibo Hargeysa Ka Dhacday: Aabbe Afar Carruur ah oo uu dhalay ku Gubay Gurigooda

YahuudiGii u h**eeyey oo is-casilay saacado kaddib Guusha Maayirka Cusub ee New YorkMadixii Waaxda Dabdemiska ee magaala...
05/11/2025

YahuudiGii u h**eeyey oo is-casilay saacado kaddib Guusha Maayirka Cusub ee New York

Madixii Waaxda Dabdemiska ee magaalada New York ayaa xilka iska casilay saacado kadib markii Maayirka cusub ee magaalada Loo doortay Zohran Mamdani.

Robert Tucker Oo Yahuudii ah, ayaa xilka uu iska casilay ee Waaxda dab-demiska wareejin doona 19-ka December ee sannadkan.

Iscasilaadiisa ayaa timid saacado kadib markii Zohran Mamdani oo Muslim ah kana sharraxnaa xisbiga Democratic uu ka adkaaday Curtis Sliwa oo ka tirsan Jamhuuriga.

Xag-xagashada Shirkadaha suuqa laguma soo galo ee God kale uga guur ganacsadeAasaasaha Shirkadda Worldremit wuxuu eedayn...
04/11/2025

Xag-xagashada Shirkadaha suuqa laguma soo galo ee God kale uga guur ganacsade

Aasaasaha Shirkadda Worldremit wuxuu eedayn aan sharci ku dhisneyn ujeediyey bangiga Premier Bank Somaliland, isagoo aan soo bandhigin caddeymo iyo hab-raac sharci oo taageero u noqon kara arrimaha uu bulshada la wadaagay Ismaaciil Ibraahim Axmed.
Ganacsade Ismail inuu eedayntan oo kale u jeediyo shirkad ganacsi oo dalkiisa ka dhisan lana mid ah shirkaddiisa isagoon soo bandhigin daliil cad oo uu markhaati ka dhigan karo, waxa liddi iyo baalmarbku tahay anshaxa suubban ee ganacsiga xorta ahi ku dhisan yahay iyo shuruucda gundhigga u ah suuqa xorta ah iyo ganacsiga muwaadiniinta.

Bangiga Premier Bank oo noqday shirkaddii u h**eysay ee shacabka Somaliland u qabata adeegyo maaliyadeed oo fursad u siiya inay ku xidhmaan caalamka, waxa laga aasaasay oo uu si madax-bannaan uga shaqeeyaa Somaliland, mana mudna in loo jeediyo eedayn aan sharci ku dhisnayn, taas oo u muuqata inay salka ku hayso kala riixasho dhinaca suuqa ah maadaama oo ganacsade Ismail Axmed ganacsigiisu la xidhiidho adeegyada maaliyadeed ee uu qabto Bangiga Premier.

Waxaan odhan lahaa haddii Ismail Axmed danaynayo inuu furto Bangi uu leeyahay, waxa la gudboon inuu dariiqa sharciga ah u maro si uu uga qayb qaato tartanka suuqa adeegyada maaliyadda dalka ee uu dibadda ka joogo.

Gebo-gabadii, Waxaan kula talin lahaa Ganacsade Ismail inuu ka waantoobo dhaliilaha noocan ah ee uu sida indho la'aanta ugu weerarayo shirkadaha dalka ka jira, haddii uu danaynayo inuu ku soo biiro tartanka suuqa xorta ah ee JSL, waxa ku waajib ah inuu si ka badheedho oo ganacsiga u soo galo hannaan farshaxan iyo ixtiraam ku dheehan yahay.
Aqoonyahan Xaashi Saleebaan Muuse.

01/11/2025

"Faratoon Kuma Wadine, Firdhiiye Ayaan Ku Waday Midhkaasina Wuu Iga Qarxay"- Baabulaahi Oo Raaligelin bixiyey

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay 30 bilyan oo doollar oo lagu casriyeynayo kaabayaasha duulista ee AfrikaUrurka Midowga Af...
01/11/2025

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay 30 bilyan oo doollar oo lagu casriyeynayo kaabayaasha duulista ee Afrika

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaddy qorshe maalgashi oo dhan US$ 30 bilyan kaas oo lagu casriyeynayo kaabayaasha duulista ee qaaradda iyada oo la raacayo hanaanka Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika (SAATM).

Qorshahan ayaa lagu soo bandhigay shirka Maalgelinta iyo Casriyeynta Kaabayaasha Duulimaadyada Madaniga ah ee Afrika si kor loogu qaado Isku-dhafka Hawada Qaaradaha iyo Awood-siinta dhaqdhaqaaqa xorta ah ee hoos yimaada SAATM.

Address

Hartland Road
London

Telephone

+447251662300

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Himilo Media Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Himilo Media Tv:

Share

Tartan

Tartan