Tuse 24 Tv

Tuse 24 Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Tuse 24 Tv, News & Media Website, Flat 22 chiltern house, London.

Shalay, waxa aan booqasho ku tagay Xarunta Baarlamaanka Boqortooyada UK. Waxa aan Xafiiskiisa kulan kula qaatay Xildhiba...
22/10/2025

Shalay, waxa aan booqasho ku tagay Xarunta Baarlamaanka Boqortooyada UK. Waxa aan Xafiiskiisa kulan kula qaatay Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada UK. Sir Gavin Williamson waa saaxiib weyn oo muddo dheer u ololaynayey xaqa iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu h**e u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaaradda Difaaca UK. Markuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga UK waxa uu booqasho rasmi ah ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa xusid mudan in Calanka barakaysan ee Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhex babbanayey xafiiska Xildhibaanka. Mahadsanid Sir Gavin Williamson.

Xoghayihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii 5aad ee JSl
Mubaarik Ismail Tani
Uk

Waxa aan maanta kulan kula qaatay magaalada Washington U-qaabilsanihii H**e ee Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Qa...
16/10/2025

Waxa aan maanta kulan kula qaatay magaalada Washington U-qaabilsanihii H**e ee Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Qaaradda Africa, Prof. Tibor Nagy. Prof. Tibor waxa uu muddo dheer ahaa Diblomaasi Maraykan ah, waxaanu Safiir dalkiisa Maraykanka uga soo noqday dalalka Itoobiya iyo Guinea. Prof. Tibor Nagy waxa uu dadaal badan oo ku dhisan waayo-aragnimo galiyey in Jamhuuriyadda Somaliland hesho Aqoonsi Caalami ah. Waxaan uga mahad-celiyey taageerada uu muddadaa dheer siinayey jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Prof. Tibor Nagy waxa uu sidoo kale khadka telephone-ka kala hadlay Madaxweynihii h**e ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ku bogaadiyey heerka wacan ee uu gaadhsiiyey dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii quruxda iyo milgaha lahayd ee uu xukunka dalka u wareejiyey doorashooyinkii dalka ka dhacay November 2024, taas oo ah wax naadir ku ah Qaaradda Africa. Madaxweyne h**e Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhinaciisa uga mahad-celiyey Prof. Tibor Nagy in uu muddo dheer soo garab istaagay jiritaanka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ilaa maantana u taagan yahay isaga oo ah Saaxiib weyn oo Somaliland leedahay. Waxaanu u sheegay in abaalka Prof. Tibor Nagy u galay Qaranka iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay xasuusnaan doonaan jiilasha badan ee Qarankan ee soo socda ilaa mustaqbalka fog.

Mubarak Taani,
Xoghayihii gaarka ahaa ee Madaxweyne Biixi
Washington D.C.
15th October 2025

10/10/2025

Kornel dodaal oo dhaanto la istaagay

Waxaa qortay xaaska abwaan cabdishakuur Alle ha u naxaristeeJanada ayaynu reer ku noqonaynaa cabdishkuur wankujecelahay ...
10/10/2025

Waxaa qortay xaaska abwaan cabdishakuur Alle ha u naxaristee

Janada ayaynu reer ku noqonaynaa cabdishkuur wankujecelahay walhi ima maqlaysid Ikn jacaylka dhabtii waa inaan marwalba kuuso duceeyo illaahy waa illaaha wanaagsan ee intii yarayde an cuntada kuso samynayey igu simay inaynu wakhti wada qaadano

Cabdishkuur markan ku noqday sagoo sare fadhiya Ayan intan sariirti uyara giigijiyay hoos fadhiistay saga markaasan intu gacantaydi so qadaybu idhuunkaday markaasan ku idhi waan ku jecelahy markasuu iigu jawaabay sidookle markaasu intu ii eegay Sl dareen leh ayu igu yidhi haday xisaabtu dhamaato oo an is idhi wuxu uga jeedaa hadii wakhtigaygu dhamaado markaas hadalkisu wuu yaraa oo way sii cuslaanaysay xaaladisu wu iga aamusay wan kaco wan isku duubay naqaskaa ku dhagay markan daremay Inu naqasku ku dhagay Ayan ka fuqay

Intaan gacmaha qabtay ayaan ataxyaadka ugu cel celiyey oo igadaba lahaa marna Yara galayey muudh

Waxan aad ugu faraxsanahy in cabdishkuur ashhadu ana laailaaha illalaah sago leh ay ka baxaday
Waxa kaloon aad ugu qushuucsanahy oo aad ugu faraxsanahy in wadnahygaa aan intaaba dultaagna ee aanan minid qudha kadul dhaqaagin intaan yaren guriga kuso maqnaa inuuna illahy iga qaadin ee illahy igu simo in aan isu sheegano jacaylkayaga aanu isu qabno

Waa illaahy qadarkiisa
cabdishkuur waxan u waday
hindiya waxa aan utafa xaytay in beerkan laga badalo oo an beerkayga u jaro
Shandaduhu way li xidh xidhnaayeen waxa aan dhakhtarka u gaynay in aanu inta aanu baxayno dhiigna lagu shubo xaaladisana dhakhtar la socdo

Tigit ka diyaaradu wuu noo go'naa 5ta bisha 12ka duhurnimo Ikn illaahy baa taladeena lehe 12kii duhurnimo ayuu cabdishkuur u baxay safar kii aakhiro Cabdishkuur laguma dhibin sakaraadka illahybaan ugu mahadnaqayaa taasna sagoo illaahy waynidisa qirayaanay ka baxday

Cabdishkuur qof li wanaagsan buu ahaa oo aad li jecel intii guriga inuun nagula nolayd ama aragtay way ogtahaye muwaahib intu iigu yeedha way yarayd
NUURAAY AMA ARAGAAY ayuu ligu yeedhi jiray Wanaag uu igashaday ayaa igu kalifay inuun noqdo qofan aad u jecelahy
Sagna agtayda k**a fogaan jirin ana agtiisa k**a togaan jirin

Hadadaas Ayan maryihiisa intaan caruurta kala dhuunto cabdishkuur ka dhigtaa oo kudul ooyaa
Xasuusihiisu aduunka intaan noolahy iga madhnaan maayan
Wan kujecelahay wan kuuso ducaynayaa hada ayaa

jacaylkeenu gaadhay aqiiqadii waayo jacaylka dhabtii
waa markaan kuuso duceeyo ee quraan kuuso akhriyo ee
xabaashada Soo booqdo
Illaahy haku jeclaado janadii fardawsa alle hakaa waraabiyo macii anbiyada alle hakaa dhigo
Hoy janada kamida qabrigaaga haka yeelo
Danbigaaga alle ha dhaato illaahy qoyskaa aad ka
tagtay ee ooridaas iyo ubadkaas ah tusaale wanaagsan
oo diinta ku dadaala oo kuuso duceeya oo dhawrsoon
haka dhigo

Raali alle kaa noqoy raalibaynu iska ahyne
Ma murugoonayo Tani waa aduunyo oo safar ayaynu awalba ku ahyn illaahy amarkiisi ayay naftaadu maqashay oo cabdishkuuroow Soo hooyo aya illahy naftadi yidhi oo wad hooyatay
Waxase aynu tagaynaa nolol aan dhamaad lahayn
Illaahii wanaagsanaa ee awalba gurigeena dhisay aakhiru

ina dhisyaa oo janada ayaynu qoys ku noqonaynaa
Adna illaahybaa kula jooga ana illahybaa ila jooga labadeenunba arageeni kla qarsoomay se janada ayaynu

isku arkaynaa waan kuuso ducaynayaa wadnahaygii
Illaahayoow u naxariiso oo janadii ka waraabi qof
wanaagiisa anan arag nin leh buu ahaa
Illaahyoow janadii fardawsa ka waraabi ana janadii igee
iyo caruurtaydaba Sl noloshaas aan dhamadka lahyn anu ugu wada nolano

Waxa Qortay Xaaskii Marxuum Abwaan Cabdishakuur Caateeye

09/10/2025

Quruxda Deegaanka Lafaciise oo ah sababta ay ku noqotay Ismaamul Buuxa

07/10/2025

Barnaamijka Xafladda Lafa-ciise oo ay ku kulmeen 35 Qoomiyadood oo ka soo qaybgalay Dabaaldega Qabalayga Cusub

06/10/2025

Garaad Kulmiyow Xagaas ayaanu Farta u soo yara Fiiqaynaa ..... Ex Wasiir Saajin

06/10/2025

Hogaan Cabdikadir rashid Deegaanka Soomaalida waxa qorantahay Taariikh Cusub intii aynu....

06/10/2025

Waxan Alle uga mahadnaqayaa Alle anigoo muddo dheer ahaa Maayarka Lafaciise in ay Maanta Dalacdo

20/09/2025

Qaabka uu u dhacay shilkii Naxdinta lahaa ee Galabta ka dhacay Wadada 200 kuna nafwaayey mid ka mida wadayaashii Labada Gaadhi

31/08/2025

Ganacsade Cawil Cawl Cabdilaahi oo aad uga damqaday Arrinta Shacbiga Qaar ka midi kula kaceen Qoomiyada Oromada ee ku dhaqan Hargeysa.

Tusaale cadna ka bixiyey Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia

29/08/2025

Wararka saaka laga helayo Degaanka Inaga Guuxaa ayaa shewgaya in Ciidamada finaaska Dalka Ethiopia ay gubeen gaadhi kamid ah kuwa Ganacsiga qaada ee isaga Goosha wadada isku xidha ina guuxa iyo Awaare. Halka laba gaadhi oo kalana haystaan sida la sheegayo

Gaadhigan ayaa wuxu sidey geel. Waxana ay ku fureen ciidamada finaasku rasaas, Waxaana u gurmaday bulshada deegaanka ina guuxa oo geeli ka badbaadiyey dabkii gaadhiga Qabsaday.

Address

Flat 22 Chiltern House
London
N90DY

Telephone

+17165037462

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tuse 24 Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share