25/08/2019
Sideed waxyaabood oo aysan marnaba haboonayn inaad la wadaagto dadka kale.
Halkan waxaan idiinkugu soo gudbinayna sideed waxyaabood oo aysan haboonayn inaad marnaba la wadaagin dadka kale.
Qaybta koowaad
1. Sirahaaga ama waxa kuu qarsoon iyo waxyaabaha u qarsoon dadka kale ama asxaabtaada.
Ugu horayn, marnaba inaad dadka xamato kaama dhigayso qof wanaagsan. Xamashada dadka kale waxay muujinaysaa kalsooni daro nafsadaada ah, waxaadna isku dayaysaa inaad noloshaada ku qurxiso hoos u dhigida wanaaga ama qiimaha qofka kale. Sidaa daraadeed haddii ay jiraan inaad hayso xogta asxaabtaada ama dadkalaba looma baahna inaad faafiso waxaana haboon inay gaar kuu ahaato.
2. Hantidaada kuu gaarka ah
Dadka qaar ayaa aad u dharara inay ku faanaan marka ay iibsadaan sheey cusub, sida gaari cusub, guri cusub, dhar cusub ama waxyaabo kale ee la iibsan karo, haddaba, taasi waxay ka dhigan tahay ama cadayn muuqata u tahay inay aad u hoosayso kalsoonida aad nafsadaada ku qabto, aadna rabtid inaad ku qariso daciiftinimadaada. Isku day inaadan ku faanin hantidaada kuu gaarka ah.
3. Mushaaraadkaaga
Daqligaada mushaareed waxaa aad u wanaagsan inuusan noqon wax dadka kale ay ogyihiin ama yaqaanaan. Inaad ka sheekayso mushaaraadkaaga adigoon ogayn xaalka qofka aad ugu sheekaynayso waa wax aad u xun. Qofka nuucaasi ahna waa qof aad ay ugu muhiimsan tahay lacagta isaga oo aan eegayn qaybaha kale ee nolosha.
4. Yoolkaada(hadafkaaga)mustaqbalka
Inaad ku qanacda noloshaada iyo guulahaagaba waa wax aad u wanaagsan. Saynisyahano ayaa cadeeyay in haddii ay gaar kuu ahaato guulahaaga iyo qorshahaagaba inay u badan tahay inaad gaarto yoolkaada. Cilmi baarisyo qaar ayaa muujinaya faafinta hadafkaada ay yarayn karto suuragalnimada inaad gaarto.
Insha allaah afarta kale waxaan idiinla wadaagi doonnaa maalmaha soo socda. Dhanka kale dhiirigelintaadu waxay muhiim u tahay inaan qoraalo badan oo xiisa badan idiin soo gudbino annagoo ah bahda Fiidmeer TV haddaba waa inoo muhiim faafinta qoraalkan(share) iyo faaladiinaba(comments).
W/T: Cabdiraxiin Maxamed Nuur(Ifiye).