Weriye Mahmoud Damashad

Weriye Mahmoud Damashad Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Weriye Mahmoud Damashad, London.

You've reached the Official page of Weriye Mahmoud Damashad, A Somali senior journalist who covering the issues Politics in East Africa specially Somali's Sustainable, Development, Military and Security conditions.

27/10/2025

"Manaan fileyn inay masuuliyiinta Soomaaliya weli u ciilqabaan reer Somaliland"....Gudoomiye Xirsi Vali Xaaji Xasan oo jeediyay khudbad calaal u muuqata kadib guuldarada ay xukuumadiisa Wadani ka wajahday E-VISA Somaliya.

Aleen Media

26/10/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐–๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐ž๐ž๐๐š ๐ค๐ฎ ๐๐š๐›๐ญ๐จ

WAR-SAXAAFADEED: Date:26/10/2025

Xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE waxa uu si cad ugu sheegayaa dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka iyo shacabka Somaliland in masuuliyadda koowaad ee doorashooyinka soo socda ay leedahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay dummaddiisa tahay inuu Qaranka ka ilaaliyo dib-u-dhac doorasho sidii uu ummadda ugu ballanqaaday marar badan oo h**e.

Sida lala wada socdo Xisbiga KULMIYE xukuumaddiisii waxay ku guulaystay inay soo afjarto muddo-kordhino ay Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada dalku ku fadhiyeen sida Golihii Wakiillada ee uu hoggaamin jiray Mudane Cabdiraxmaan Cirro ee fadhiyey 16ka sanno iyo Golihii Deegaannada ee la doortay 2012, kuwaasi oo ugu dambayn kuraasida banneeyey sannadkii 2021kii.

Sidaa darteed, waxa Xisbiga KULMIYE oo in dhawayd dadaal ugu jiray sidii doorashooyinka soo socdaa ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen uu bulshada u sheegayaa in aannu marnaba aqbalayn dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka, masuuliyad ka saarana aanay jirin oo aan ahayn inuu isku diyaariyo ka qaybgalkooda iyo ka talo-bixintooda.

Waxa xisbi ahaan aannu halkan ku caddanaynaa in masuuliyadda qabashada doorashooyinka uu leeyahay Madaxweynaha Qaranka, waqtigoodana ku qabto.

Sidoo kale, waxaannu ugu baaqaynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay dadajiyaan arrimaha farsamo ee doorashooyinka lagama maarmaanka u ah oo ay kow ka tahay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka sida ku cad Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka Xeer Lr.91/2023 qodobadiisa 46aad iyo 47aad.

Xisbiga KULMIYE waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadda talada haysaba xasuusinayaa in muddadii uu xilka Qaranka hayey uu tuurta u ritay bixinta ilaa boqolkiiba 85% kharashkii ku baxay doorashooyinka, halka xilliyadii h**e ay qaadhaan-bixiyeyaashu ay bixin jireen boqolkiiba 75%.

Gebogabo, ma jirto meel ay Xukuumaddu kaga dhuuman karto masuuliyadda qabsoomidda doorashooyinka muddaysan 31ka May 2026, waana inay ku qabataa muddadaa cayiman.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE
Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

โ€œWaxa naga goโ€™an in aan nabad kula noolaano derisyadeena Somaliland & Galmudug" Madaxweynaha Puntland oo meesha kasaaray...
25/10/2025

โ€œWaxa naga goโ€™an in aan nabad kula noolaano derisyadeena Somaliland & Galmudug" Madaxweynaha Puntland oo meesha kasaaray inay cidi u dhaxayso iyaga iyo Somaliland.
Aleen Media

25/10/2025

โ€œWaxa naga goโ€™an in aan nabad kula noolaano derisyadeena Somaliland & Galmudug, waxaana Madaxweynaha Somaliland ku ammaanayaa gogosha Nabadda Ceerigaabo oo aan boorrinayo in laga wada qaybgalo.โ€ Siciid Deni.

Aleen Media

  : BURCO: Laamaha ammaanka Somaliland ayaa goordhweyd xabsiga u taxaabay samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon.Aleen Media...
24/10/2025

: BURCO: Laamaha ammaanka Somaliland ayaa goordhweyd xabsiga u taxaabay samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Aleen Media .

 : Xukuumadda haysa talada Somaliland ayaa u muuqata inay aamuska ka door biday hagar-daamooyinka ku gadaaman duuduubna ...
24/10/2025

: Xukuumadda haysa talada Somaliland ayaa u muuqata inay aamuska ka door biday hagar-daamooyinka ku gadaaman duuduubna ku aqbashay qorshaha Somaliya ee E-VISA, iyadoo isu aragta inay kujirto waqtigii Mucaaridada isla markaana xukuumad talada kasii maqan mudo sanad ah xifaaltan kula jirta halkii ay ka eegi lahayd culayska dul hoganaya.

Qorshaha Xamar ee E-VISA ayaa noqonaya khatartii ugu wayneed ee ay Somaliland ka wajahdo dhanka Somaliya kaas oo Khatar amni iyo mid dhaqaalaba ku yeelanaya Somaliland maadaama xukuummada Muqdisho heli doonto awood ay kula socon karto dhaqdhaqaaqa iyo xogta muwaadiniinta iyo xataa masuuliyiinta oo ah kuwo haysta Basaaboorada dawladaha jaarka ah la ah Somaliland sida Itoobiya, Jabuuti iyo weliba xataa kuwa dibadda ee qaaradda Yurub.

Geesta kale waxa uu dhibaato dhaqaale u gaysan karaa nidaamkani garoomada diyaaradaha oo kamida ilaha dhaqaale ee Somaliland ku tiirsatantahay kuwaas oo sanadkii soo xareeya malaayiin Dollar.

Qorshan Dawladda Somaliya ayaa hadii uu si buuxda uga hirgalo Somaliland islamarkaana lagaga guulaysto waxa xigi karta In xukuumadda Muqdisho isticmaasho awoodeeda kale ee tan xigikarta taas oo ah in meesha laga saaro falaydada caalamiga ee iman jiray garoomada diyaaradaha ee Somaliland islamarkaana u wareegaan dhanka Muqdihso iyagoo halkaas ka degaya wixii Caalami ah intaas ka dibna, ay ku khasbanaan doonto in diyaaradaha Local-ka ah keliya halkaas laga soo raaco .

tan ayaana kadhigan, khatartii ugu waynayd ee ay Somaliland wajihi karto 34-sano kadib madaxbanaanideeda.

Aleen Media

??
23/10/2025

??

Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay Somaliland ee mudeeyay waqtiga ay Somalilamd helidoonto (Ictiraaf ) oo ah waxa ugu weyn ee ay Somaliland sugayso inay mar uun ka dhabayso si ay u buuxiso madaxbanaanideeda dawladnimo oo 34-kii sano ee lasoo dhaafay ay dedaal iyo rucle orodba ay ugu jirtay.

Sida kudhigan tagtada bogaga siyaasadda Somaliland madaxweyne kasta oo talada soo qabtay waxa uu ugu horaynba ololihiisa doorasho qodobka koowaadba uga dhigaa inuu wax ka bedel ku samayn doono habka iyo qaabka ay madaxdii ka horaysay ku raadin jireen Ictiraafka iyo sidookale la macaamilka meelaha ay ka dhawdahay ee lays odhankaro waa lagala hadli karaa arimaha aqoonsiga taas oo ugu dambayn mudo xileedkoodu kusoo dhamaado iyagoo wuxuun dhaqdhaqaajiyay balse aan gaadhin guul dhamaystiran.

Maxaa isbedelay?

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo talada Somaliland haya mudo kusiman 10-bilood ayaa noqday masuulkii u h**eeyay ee mudo cayiman ku qabsaday inuu Ictiraaf ugu keeni doono Somaliland isagoo ugu yaraanba mudo 10 jeer ah sheegay inuu waqtigaas kooban ku keenayo ictiraaf isagoona madaxweyne Cirro mudadii u dambaysay ee uu qabsaday kusheegay bisha 12aad ee sanadkan .

Arintan ayaa u muuqata mid uu Cirro ku jeedinayo indhaha bulshada iyo mucaaridka iyadoo bulshada reer Somaliland badankoodu u arkaan odhaah aan dhasfsiisnayn goobaha dadweyneha iyo shirarka uu madaxweyne Cirro ka qaybgalo tana ay noqotay uun balanqaad hadal uun ku salaysan Inagoo og in madaxdii ka h**eaysay aanay samaynin waqti iyo bartilmaameed k**a dambays ah oo ay ku keeni karaan aqoonsi buuxa balse Somaliland ay maanta kaba sii hoosayso halkii ay maraysay Diblu-maasiyad ahaan waqtiyadii h**e oo ay ku dhawaatay inay lumiso cilaaqaadka wadamo h**ey ugu jiray safka koowaad ee Somaliland.

Aleen Media

23/10/2025

: ciidanka qaranka oo siweyn Amniga u sugaya.

23/10/2025

Aleen Media

Waxa dhab noqotay oo cadaatay inaanay jirin haba yaraatee cid Dawladdu u xidhay falkii ahaa daskuurka Somaliya ee hargay...
22/10/2025

Waxa dhab noqotay oo cadaatay inaanay jirin haba yaraatee cid Dawladdu u xidhay falkii ahaa daskuurka Somaliya ee hargaysa lagu qabanayay maadaama ay wateen dad xasaanad leh iyo kuwo xukuumadda lashaqaystaba ..

Booliska oo war soo saarayna waxay sheegeen inuu been ahaa barnaamijkaasi waxay taasi ka dhigantahay in ciidanka Boolisku garan waayeen qaab ay u dhaan may jirin wax aanu xidhnay taasina ay ahayd cadaadis dawladdu dabada ka riixaysay si indhaha bulshada loo jeediyo.

' AALO JAWAAB U BAAHAN....
1~Maxaa kajira in xukuumadda Somaliland ay xidhay xubnihii mashruuca kasoo qaatay Somaliya ee hargaysa keenay?

2~Hadiiba ay xidhay ma horgayndoontaa maxk**adda oo aynu ognahay in lageeyo laguna maxk**adeeyo dadyow aan qaranka wax dembi ah ka gelin balse lagu xidhay Aragti iyo qoraalo kooban oo ay ka qoreen dhaliilo dul hoganayay madaxwryne cirro iyo xukuumadiisa taas oo ay markhaati ka ahayd bulshada reer Somaliland?

3~Ma ogtahay in xukuumadda lafteedu ay kujirto qaybna ka tahay hawshan oo ah mid isku xidhan islamarkaana ay wateen dadyow xasaanad leh oo ay kamidyihiin xildhibaano katirsan golaha wakiilada Somaliland kuwaas oi aynu ka Xusi karno Xildhibaanka lagu magacaabo Xasan Ogaal iyo sidookale ninka lagu magacaabo Jaamac cigaal (jaamac gabuush) oo kamida ragga sida weyn uga agdhow madaxweynaha Somaliland Cabditaxmaan Cirro oo aynu ogayn inuu u raacay safarkii dalka Qadar ?

4~Ma ogtahay in aanay xukuumaddu wax tallaabo ah ka qaadin xubnihii watay ee bilowgiisaba lahaa barnaamijkan loogu yeedhay Falanqaynta Iyo dib u eegista dastuurka Iyo mettalaada doorashooyinka Somaliya ee qorshihiisu ahaa in lagu qabto caasimadda Somaliland ee hargaysa?

5~ Ma ogtahay inuu shaqaynayo welina furanyahay Xafiiskii haayadda (Consilient Research ) oo iyadu wakiil ka ahayd magaceedana lasoo dhex marsaday barnaamijkan taas oo ahayd isku xidhaha xukuumadda Muqdisho iyo xubanaha Reer Somaliland ee Hargaysa kusugan?

FG: Majirro wax faah faahin ah ama xog saxa oo cadaynaysa in cid loo xidhay dhacdadan balse waxa loo badinayaa kadib markii hawshu dibadda usoo baxday ee la ogaaday inay xukuumaddu bilowday dambabas iyo sidii indhaha shacabka looga jeedin lahaa arintan oo sida lawada ogyahay raggii watay ee dabada kariixayayba ay haragysa dhex mushaaxayaan caawa.

Aleen Media

22/10/2025

:Madaxweyne Cirro oo la kulmay Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Cabdisalaan iyo suldaanka Beesha Dubays ee Warsangeli Suldaan Maxamed Abudlahi Cartan.

Madaxweyne Cirro oo Ceerigaabo kula kulmay Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo s...
22/10/2025

Madaxweyne Cirro oo Ceerigaabo kula kulmay Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo suldaanka Beesha Dubays ee Warsangeli Suldaan Maxamed Abudlahi Cartan.

Address

London

Telephone

+252672035007

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Weriye Mahmoud Damashad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share