20/07/2022
Cafiskii ugu qiimaha badnaa taariikhda!
Maalin maalmaha kamid ah ayay labadii saxaabi ee kala ahaa Bilaal binu rabaaxa iyo abuu dar al qafaari is maan dhaafeen, kadibna abuu dar oo xanaaqsan ayaa yiri xitaa adigaagan ay dhashay tii madoowayd miyaa i dulminaya.
Bilaal oo hadalkan uu ku nqoday fajac iyo filan waa, kana xumaaday, ayaa si caro leh ugu yiri walahy waxaan kaaga dacwoonayaa Nabiga NNKH. Markii uu u sheegay nabiga NNKH, wajigii nabiga ayaa isbadalay, kadibna wuxuu ku yiri abuu dar, ma waxaad ku cayday hooyaddii? Waxaad tahay ruux ay wali jaahilnimo ku jirto.
Abuu dar oo uu hadalkani murug iyo walbahaar ku reebay, ayaa ku yiri Nabiga NNKH nabigii allow ii dambi dhaaf, kadibna wuxuu ka soo baxay masaajidkii isagoo ilmaynaya.
Abuu dar ayaa u yimid bilaal, kadibna inta dhabankiisa dhigay dhulka ayuu ku yiri wllhay dhulka ka qaadi maayo ilaa aad lugahaaga saartid, bilaal ayaa inta isna ilmeeyay ku yiri lagama yaabo inaan lugahayga u dhoweeyo dhaban alle u sujuuda, kadibna wuu cafiyay.
Maanta haddii aynu iswaydiino intee jeer isku gafnaa, qaybteen intee jeer isugu yeernaa magacyo iyo oraahyo cunsuriyad xambaarsan oo aan ku liidayno ama aan wax uga sheegayno abuurta dadka, hadana marna kuma dhiirano inaan is raali galino, badankeen wayba ka xishoodaan inay kalmada Raali noqo soo mariyaan afkooda iyagoo u haysta inay qabkooda iyo karaamadooda wax u dhimayso.
🔄 Fadlan la wadaag asxaabtaada oo sii share gareey, si ay iyaguna u akhristaan qormadan.
Abdirahman waberi