Yamyam

Yamyam kala soco page-kaan arrimaha Tiknoolajiyadda iyo dhacdooyin ka yaabka leh ee dunida ka dhaca.

Waa dhacdo naxdin leh oo ka dhacday dalka Faransiiska, taas oo ku saabsan dhakhtar suuxiye ah oo lagu magacaabo Frédéric...
27/12/2025

Waa dhacdo naxdin leh oo ka dhacday dalka Faransiiska, taas oo ku saabsan dhakhtar suuxiye ah oo lagu magacaabo Frédéric Péchier, kaas oo si qarsoodi ah u waxyeeleyn jiray bukaannada isagoo sumayn jiray bacaha suuxinta (anesthesia bags). Ujeeddadiisu waxay ahayd in bukaanku qarka u fuulo dhimasho xilliga qaliinka, ka dibna uu isagu soo dhex galo sidii qof badbaadiye ah oo nolosha ku soo celinaya, si uu dadka agtooda uga noqdo halyey aan laga maarmi karin.

Dhakhtarkan dembiilaha ah oo jira 53 sano, wuxuu xeeladdan u isticmaalayay inuu ku gaaro labo hadaf: inuu u muuqdo geesi dadka badbaadiya iyo tan kale, inuu meel uga dhaco sumcadda asxaabtiisa kale ee dhakhaatiirta ah isagoo dadka u tusaya inay yihiin kuwo aan shaqadooda aqoon oo dila bukaannada, si uu u helo dalacsiin dhan ka shaqada ah.

Waxyeeleynta uu gaystay bukaannada ayaa gaartay ilaa 30 bukaan, kuwaas oo 12 ka mid ah ay geeriyoodeen, halka 18 kale ay la dhibtoon doonaan dhibaatooyin caafimaad inta noloshooda ka dhiman.
Xafiiska baaritaanka ee booliska magaalada ayaa ka shakiyay tirada dhimashada ee isbitaalkaas ku soo badatay, waxayna bilaabeen baaritaan aad u qarsoodi ah. Baaritaankaas ayaa fashiliyey in Frédéric Péchier uu mas'uul ka ahaa dembiyadaas oo dhan, isagoo raaxo ka heli jiray inuu xukumo nolosha iyo dhimashada aadanaha.

Shirkad Shiinees ah oo ku takhasustay soo saarista agabka baabuurta ayaa qaadatay go'aan weyn oo ay ku dhiirigelinayso s...
27/12/2025

Shirkad Shiinees ah oo ku takhasustay soo saarista agabka baabuurta ayaa qaadatay go'aan weyn oo ay ku dhiirigelinayso shaqaalaheeda, waxayna shaacisay inay guryo bilaash ah siinayso shaqaalaha u shaqaynayay muddo shan sano iyo ka badan. Guryahan la siinayo ma ahan kaliya dhismaha, balse waxaa u raaca qurxinta gudaha, qalabaynta iyo alaabta guriga oo dhan, iyadoo shaqaaluhu ay si rasmi ah u yeelanayaan lahaanshiyaha guriga.

Maamulaha guud ee shirkadda ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay inay ilaashadaan shaqaalaha khibradda leh, laguna dhiirigeliyo daacadnimadooda. Wuxuu xusay in marka uu shaqaaluhu haysto hoy uu isagu leeyahay, uu shaqada imaanayo isagoo maskaxdiisu deggan tahay, waxna uusan ka fikirayn marka laga reebo shaqadiisa. Tani waxay keenaysaa inuu dareemo kalgacal uu u qabo goobta shaqada, taas oo dhalinaysa hal-abuur iyo waxqabad aad u sarreeya.

Guryahan ayaa loo dhisay si ay ugu dhowaadaan goobta shaqada, waxayna u jiraan qiyaastii shan kiiloomitir oo kaliya, iyadoo ballaca guri kastaaba uu u dhexeeyo boqol ilaa boqol iyo konton mitir oo labajibbaaran. Sidoo kale, maamulka shirkaddu wuxuu qorshaynayaa inay mustaqbalka guryo caynkan oo kale ah u qoondeeyaan dhammaan shaqaalaha si qof walba u helo hoy uu isagu leeyahay.

27/12/2025

Amiira waa hooyo haysata afar carruur ah. Ninkeedii ayaa ka tagay, waxaana laga soo saaray gurigii ay deganayd. Maaddaama aysan lahayn il dhaqaale oo ay carruurta ku koriso, waxay gaartay go'aan quus ah oo ah inay carruurteeda iibiso ama ay ku wareejiso cud korsata si ay u helaan nolol dhaanto tan ay hadda ku jiraan.

Muuqaalka ay soo duubtay ayaa ruxay baraha bulshada ee dalka Masar, waxaana dadku u kala qaybsameen labo dhinac:
Dadka qaar ayaa aaminsan in tallaabadani tahay dambi, ayna tahay in sharciga la horkeeno ka hor intaysan carruurta iibin.
Dad badan ayaa dareemay xanuunka hooyada, waxayna ku baaqeen in la is garab taago, la taageero, lana siiyo kaalmo dhaqaale si aysan carruurteeda uga bixin gacanteeda.

Kufsiga iyo dil ka dumar ka Farannsiis ka ahWarbaahinta Faransiiska ayaa baahisay xogtii ugu dambeysay ee tacadiyada ka ...
26/12/2025

Kufsiga iyo dil ka dumar ka Farannsiis ka ah

Warbaahinta Faransiiska ayaa baahisay xogtii ugu dambeysay ee tacadiyada ka dhanka ah haweenka:

• 7-dii saacadoodba: Waxaa dhacda in haweenay la dilo ama isku day dil uu u gaysto ninkeeda ama saaxiibkeeda.

• 2-dii daqiiqadoodba: Waxaa dhacda in haweenay la kufsado ama isku day kufsi lagu sameeyo.

• 23-dii ilbiriqisba: Waxaa dhacda in haweenay lagula kaco xadgudub dhanka galmada ah.

•Dambiyada ka dhanka ah haweenka ayaa kor u kacay 11% labadii sano ee ugu dambeeyay.

• Caddaalad darrada: 94% dambiyada kufsiga ee loo gaysto haweenka ma helaan wax daba-gal ah oo xagga hay’adaha amniga ah.

• Aamusnaanta dhibbanayaasha: Kaliya hal haweenay oo ka mid ah tobankii dhibbane oo kasta ayaa ka warbixisa dambiga loo gaystay, halka inta kale ay doorbidaan inay aamusaan.

• Gacan ku dhiiglayaasha ama kufsadayaasha: Inta badan dadka gaysta weerarada iyo kufsiga ayaa ka baxsada ciqaabta, waxayna noloshooda u sii wataan si caadi ah.

• Sababaha kororka kufsiga iyo dilla haween ka: Cadaymo la’aan, dhibbanayaasha oo aan dacwad gudbin, iyo gaabiska hay’adaha amniga ayaa gacan ka gaystay kororka xaaladdan.

Soomaaliya iyo Faransiis ka keeba dumar aad loogu tacaddiyaa?

26/12/2025

Dawladda Sucuudiga ayaa qorshaynaysa sida dawladaha reer galbeed ka inay dalkeeda u oggolaato ajaanib badan oo soo gasha oo ka dhex shaqaysta. Sucuudiga ayaa hadda waxaa ku nool 35 milyan laakiin 13.4 milyan oo dad ka Sucuudiga ku nool ayaa ajaanib ah taas oo la macno ah 42% dad ka waddan kaas ku nool

Yaasir Al-Rumayaan oo ah Guddoomiyaha Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sacuudiga (PIF) sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Shirkadda Aramco ee Sacuudiga ahna sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Maamulka macaadinta Sucuudiga, isla markaana ah lataliye ka tirsan Xoghaynta Guud ee Golaha Wasiirrada Sacuudiga, ayaa yiri:

“Tirada muwaadiniinta Sacuudiga waa yar tahay, waana inaan kordhinno dhalmada. Arrintani waxay qaadanaysaa sanado badan. Sidaa awgeed, waa inaan xuduudaheenna furnaa oo soo jiidannaa tiro aad u badan oo ah ajaanib [ si dhaqaalaheenna aan u laba jibbaarno].

Laakiin ceebtu waa in waddamada carbeed aysan dhalasho bixin oo awowgaagii 5aad hadduu ku dhashay waligaa dhalasho heli maysid.

26/12/2025

Nin kaan waa bukaan ku jira cusbitaalka Northside ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka, aad ayuu u qaylinaya waxaa ku dheggan nabar ka dhashay xanuun dhagaxa kelyaha, wuxuu wajahayaa iska-indhatir dhammaystiran oo ka imanaysa shaqaalaha caafimaadka maadaama aysan jirin qolal bannaan.

Wuxuu saacad iyo bar u fadhiyey sidaas ilaa uu u yimid dhakhtar, ka dibna ku qayliyey bukaan kaan isaga oo leh:
"Ma jiro qof bukaannada ka mid ah oo ooyaya adiga mooyee, fadlan afkaaga xiro ama meel

26/12/2025

Shiinaha ayaa iibsanaaya iskuullo ku yaalla Maraykanka.

Shirkado Shiine ah ayaa si tartiib ah oo aan buuq lahayn gacanta ugu dhigay boqolaal iskuul oo ku yaalla Maraykanka. Waxaa ka mid ah koox shirkado ah oo leh ilaa 240 dugsi, kuwaas oo ku kala yaalla 19 gobol. Iskuulladaan waxaa si toos ah u maalgelinaya maalqabeenno Shiinees ah oo leh aragtiyo iyo jihayn fikradeed oo ameerikaan ku aysan jeclayn ama gabi ahaanba kasoo horjeedaan.

Dadka arrintan dhaliila ayaa aaminsan in ujeeddadu aysan ku ekayn maalgelin ganacsi oo keliya, balse ay ka ballaaran tahay ayna la xiriirto saameyn ku yeelashada nidaamka waxbarashada Maraykanka iyo in lagu dhex abuuro aragtiyo iyo fikrado u janjeera Shiinees ka, waa sida ay ku doodayaan dad ka ameerikaan ka ah ee arrintaan kasoo horjeeda.

25/12/2025

Beeralayda Pakistan ayaa khudaarta ku daadinaya webiyada! Arrintan waxay ka dhalatay xiritaanka waddooyinka ganacsiga ee u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan kadib dagaal kii koobnaa ee dhex maray labada dal, taas oo si weyn u saameysay suuqyada khudaarta ee Pakistan. Beeralaydu ma awoodaan inay iib geeyaan wax-soo-saarkooda sababtoo ah baahida gudaha oo aad u kooban, sidaas awgeedna waxay ku khasbanaadeen inay iska tuuraan oo wabiga ku daraan wax soo saarkooda.

25/12/2025

Abuu Nuux oo sheegay in daad (duufaan) dhici doono maanta, ayaa dadka ku qanciyay inay hantidooda iibiyaan una dhiibaan isaga si ay u helaan boosas ay kaga raacaan doomaha uu sheegay inuu ku dhisay amarka Ilaahay, sida uu isagu ku dooday, si ay u badbaadaan.

Abuu Nuux ayaa shalay, hal maalin ka hor intaan daadku dhicin, wuxuu iibsaday gaari Mercedes-Benz ah nooca 2025, qiimihiisuna yahay 89,000 doolar. Qeybta u dambaysa muuqaal ka waxaa lagu arkayaa Abuu Nuux isagoo gaariga saaran.

25/12/2025

Kuwani waa doomihii uu sameeyay nin kii Nebinimada sheegtay ee Ghana kasoo baxay kaasoo sheegay in adduun ka ay duufaanno culus kusoo socdaan oo doomahaan qof kii raaca keliya uu badbaadayo. Sheekada nin kaan muuqaal kii h**e ayaan uga hadalnay xaggaas kasoo daawo.

25/12/2025

Ninkii Sheegtay Nabinnimo dalka Gaana: "Dufaan ayaa dhacaysa Berri"

Nin lagu magacaabo Ebo Noah oo ku sugan dalka Gaana ayaa sheegtay inuu yahay "Nabi" loo soo waxyooday. Wuxuu aaminsan yahay in dunida ay ku soo fool leedahay dufaan weyn oo burburin doona wax kasta, kaasoo bilaabanaya galabnimada Khamiista, 25-ka Diseembar 2025 (Maalinta Ciidda Kirismaska).

Ebo Noah wuxuu dhisay siddeed (8) markab oo waaweyn oo ka samaysan qoryo, kuwaas oo uu ugu talagalay inay badbaadiyaan dadka isaga rumeeya iyo xoolaha.
Wuxuu sheegay in daadadka iyo dufaanku ay socon doonaan muddo 3 ilaa 4 sano ah.

Kumanaan qof ayaa ku qulqulaya goobaha maraakiibtaas ay yaallaan, iyagoo ka baqaya masiibada uu ninkan ka digayo. Wuxuu ku adkaysanayaa in qof kasta oo aan soo fuulin maraakiibtiisa uusan badbaadi doonin.

Dowladda iyo mas'uuliyiinta dalka Gaana ayaa isha ku haya xaaladdan, maadaama ay abuurtay degenaansho la'aan iyo dad badan oo ka tagaya guryahoodii si ay u raacaan maraakiibtan alwaaxda ah ee sameeyay nin kaan.

Halkaan waa magaalada adduunyada ugu weyn waa Jakarta caasumadda waddan ka Indonesia, waxaa ku nool Greater Jakarta 42 m...
25/12/2025

Halkaan waa magaalada adduunyada ugu weyn waa Jakarta caasumadda waddan ka Indonesia, waxaa ku nool Greater Jakarta 42 milyan oo qof.

Address

111 Chestnut Street
London
M5G2J1

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yamyam posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category